Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Hassan Sidow Ibrahim Maxamed

My Photos Maah Maahyo1 Maah  Maahyo 2 Fariimo Jacayl Iyo Geeraaro Sheekooyin Jacayl ah Guurka  Kororso Aqoontaada Calaa'cal  Sheekooyin Jacayl (1) Caafimaadka  Backgrounds Raaxada Guurka 1aad Raaxada Guurka 2aad Raaxada Guurka 3aad Xulka Geeraarada NAQSHADO CILAAN Qisooyin Jacayl Xanuun Badan XIKMADO   Sheekooyin Jacayl (2) E N J O Y - F L O W E R S CAAFIMAAD2 JACAYL  T A L O S I I N

Qaybta Caafimaadka


Daraasad cusub oo xoojisay in mobile-du ay keenaan cudurka kansarka maskaxda 
www.garwaale.8kcom  
Daraasad cusub oo hor leh ayaa lagu muujiyey halista dhanka caafimaadka ee uu sababo telefoonada gacanta ee loo yaqaan mobile-ka, taasi oo lagu sheegay in ay qatar weyn ku keeni karaan qaybo ka mid ah maskaxda bini’aadamka.

Daraasadan oo ay maalgalisay hay’ada caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu xusey in dakda isticmaala Mobile-ka ay qatar weyn naftooda galinayaan, gaar ahaan cudurka kansarka ku dhaca maxkaxda.

Daraasada oo ay soo saareen 31 saynisyahano uu u dhashay 41 wadan ayaa waxaa lagu ogaaday in singnal-ka mobile-ka uu wato gaar ahaan antenada ay waxyeelo u geysato qaybo ka mid ah maskaxda.

Kulan mudo todobaad ah ka socdey magaalada Lyon ee wadanka Faransiiska ayaa 31-kaasi cilmibaare oo ka tirsan hay’ada caalamiga ah cilimibaarista cudurka Kansarka ( International Agency for Research on Cancer (IARC) ayey ka soo saareen cilmi baaristan.

Agaasimaah guud ee IARC Christopher Wild ayaa talo ku siiyey in mobile adeegsadayaasha ay isticmaalaan sameecadaha, isla markaana ay fariin diris ka doorbidaan in ay mobile-ka ku hadlaan.

Cilmi baaristu waxay cadeysay in ay shucaaca anteenada mobile-ku ay tahay tan ugu weyn ee waxyeelada u keenta maskaxda bini’aamka, taasi oo sababi karta cudurada kansarka maxkaxda.

Hay’adda deegaanka Yurub ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay dabada ka riixaysay cilmibaarisyo kala duwan, tani oo ku aadan cabsida in shucaaca telefoonada gacanta ama mobile-ka ay halistoodu la mid tahay qatarta bini’aadamku ka qaado sigaarka & uurada ama qiiqa patroolka.

Talooyinka haboon ee dhanka caafimaadka ee ku socda Mobile Isticmaalayaasha (Mobile Users)

  • Ku xafid mobile-kaaga boorsada, intii aad ku qaadan laheyd jeebka ama jirkeega meel aad u dhaw, waayo daraasad horey u soo baxdey ayaa muujisay halista ragga boorsada yar ee mobile-ka ku xirta suunka dhexda inay mobile-ka shucaaca ka baxa uu waxyeelo u geysto uuna hoos u dhigo 30% minada ragga ama sperm waxa afka qalaad lagu yiraahdo. 
  • Adeegso fariin qoraal ama text messages ama email hadii ay macquul kuu tahay, intii aad mobile-ka ku hadli laheyd.
  • Isku day inaad isticmaasho sameecadaha dhageha ee waayir la’aanta ah (wireless headset), isku day inaad 20cm mobile-kaaga ka fogeyso madaxaaga, taasi oo 98% hoos u dhigta waxyeelada shucaaca mobile.
  • Iska ilaali in mobile-ka aad ku qaadato jeebabka sare, waxaa jira dad jeebka bidix ee shaararka ama jaakadaha ku qaata mobile-ka, kuwaasi oo soo dhicitaanka mobile-ku uu yimaado xili uu ku dhaw yahay wadnaha taasi oo ah waxyeelo kale oo halis ah.
  • Isku day in mobile-kaaga marka aad garaacdo aad ka sii eegto shaashada in uu kuu baxay, in lagaa qabtey & in uu iska dhacayo, si dhicitaankiisa ama hawo galistiisa aadan dhagta ugu heyn, telefoonada dambe oo dhan ee casriga ah waxay leeyihiin tilmaam in uu dhacayo iyo in lagaa qabtey.
  • Isku day inaad yareyso inta aad ku hadasho mobile-ka, laba daqiiqaba ha ahaatee waxay leedahay waxyeelo sida ay sheegayso daraasadu.
     
  • Ilmaha yar yar waxay halis ugu jiraan waxyeelada mobile-ku u geysto maskaxda, sidaasi darteed mar kasta ka ilaali inay ku hadlaan waqti badan.

     Ha sameyn wicitaan mobile-ka hadii aanay jirin awood anteenada (signal strength) waxaa wanaagsan in mobile-ku uu haysto qaadasho xiriir (establish a connection), inta badan daaraha hoostooda, wiishashka guryaha loo raaco & gawaarida dhexdooda waxay keenaan in mobile-ku uu awoodi waayo in uu xiriir (connection) sameeyo.

  • Dhabar Xanuun (Back Pain)



    www.garwaale.8k.com 
     Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka, waxaa ku xanuunsada 4 ilaa shan qofood intii ah waqtiga ee noloshooda. Inta badan waxuu xanuunka ku dhammaadaa dhowr maalmo ah ilaa iyo dhoor toddobaadyo ah, laakin mar marka qaarkood waxuu qaadan karaa waqti dheer
    waana soo noqonoqdaa. 

    Waxuu xanuunka dhabarka u imaan karaa si degdeg ah waxuuna ahaan karaa mid aad u xun (darran) ama waxuu u imaan karaa xoogaa-xooga intii waqti ah waxuuna keeni karaa dhibaatooyin waqti dheer ( joogto ah ).

    Dhinaca hoose ee dhabarka, waxuu ka samaysan yahay 5 xaroor ee loo yaqaan sida L1 to L5. Waxuu gobolkaan sidaa culayska oo dhan ee
    dhinaca kore ee jirka (ee lagu daray culayska dheeriga ah ee uu sido) waxuuna yahay mid ku jiro hawl aan kala go’ lahayn gaar ahaan markii la rogmanaayo, la jeedjeedinaayo iyo markii wax la qaadaayo.
     


    Waxuu dhismaha isku jiro ee dhinaca hoose dhabarka la micno yahay haddii wax yar oo dhaawac ah gaaro wax kasto ka mid ah dhismaha dhabarka inuu keeni karo xanuun aad u badan iyo raaxo la’aan. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa astaanta inuu jiro murugo u keentay dhaawac xirgaha, murqaha, xirgaha fiibarka ama saxuunta (discs).

    Inta badan dhabarka isagaa is-raysiiyo laakin haddii aad u darran yahay uuna yahay joogto waxaa laga maarmaan ah in la doonto talada caafimaadka si loo ogaado si sax ah loona helo daawayn ku habboon.

    Sababaha
    Inta badan dhabar xanuunka hooseeyo waxaa loogu yeeraay sida ‘ mid aan lahayn meel gaar u ah’ sababta oo ah inuu keenay dhaawac ama cudur aan aad u darnayn, laakin ay keeneen laabniin, murqaha oo aadkaadaan, dhaawacyo yar-yar ama jirka oo meel qabsaday ama dhimirka ay wax yar gaaray. Waxaa kale uu ku dhici karaa markii uu jiro uur, ama sabab murugo leh, bukasho, bukashada kilyaha ama hurdo xumi.

    Waxaa dhabar xanuunka keeni karo waxqabadyo maalimeedka: si xun u fooraarsi, wax qaadis, wax dhaqdhaqaajin, qunfacid, hindhisid, murqaha oo isgalaan, jirka oo isgalo ama wadidda gaariga oo waqti dheer qaadato iyada oo marna la joojin. Shilalka guriga, shaqada, ama markii la wado gaariga ( oo ku jiro dhaawaca qoorta ) waxayna yahiin sababaha guud.

    Qaabka ugu caansan ee dhabar xanuunka darran waxaa keeno bararka ama murqacashada mid ama ka badan ee saxuunta ku dhex jirto xaroorka oo keenayo in maaddada qoyan (nucleus pulposus) u riixaan dhinaca xirigga xaroorka ama xididdaha dhimirka ee u cararo saxab xigeenka. 

    Waxaa sidaan loo yaqaanaa caadi ahaan sida saxanka ‘ saxanka taranturooday’ laakin waxaa si aad ah oo sax ah loo tilmaamaa inuu
    yahay sida ‘ horay u fakaday’ (bararid ) ama ‘ herniated’ ( murqacday); dhusha saxanka ayaa wax ka soo da’aayo intii oo waxa soo soconaayo ayaa keenaayo dhabar xanuunka
    laakin xitaa xanuunka maskaha, cajiraha iyo lugta oo sababtuna tahay carada dhimirka xagga dambe ee jirka.

    Sida caadiga ah saxanka wuu gurmaa waxuuna la qayirmaa da’da. Ama waxuu daba socdaa dhaawaca. Waxuuna sidaa ku keenayaa inay saxuunta ay yareeyaan tanaasulka, ay waxtar yar u yeeshaan inay jiifiyaan xaroorka, sidaasi darteedna inay guud ahaan keenaan adeeg
    iyo xanuun, gaar ahaan aroorta hore una keenaan wayeelka lafo xanuun (markuu ku dhaco osteoporosis).

    Waxaa keeno dhabar xanuunka hoose xitaa tiro kale oo xaalado ah sida xaroorka oo dhasho isaga oo xun, cudurada lafaha, burooyinka, cudurada holacsan ee qaska (PIDs), waxyaabo xun ee lagu dhasho, iyo kaadi-galeenka.

    Waxa lagu ogaaday baarista
    Waxa lagu ogaado baarista lagu sameeyaa astaamaha iyo baarista jirka. Markii laga shakisanyahay dhibaatooyinka saxuunta waxaa la sameeyaa x-ray, skaanka tomogarafiyada ee la mariyay computer-ka (Skaanka CT ama Cat), ama skaanka ee dhawaaqa birqabadka (MRI) ayaa lagu talin karaa si loo helo warar sax ah.

    Daawaynta
    Waxa haatan lagu taliyo in lagu daaweeyo dhabar xanuunka waxuu yahay:
    • Isticmaalka xunuun-dilayaasha;
    • Isticmaalka daawooyinka ka hortagga holaca iyo xanuun-dilayaasha (marka koowaad kala tasho farmashiistaha ama Takhtarka Guud);
    • Sii wadidda waxqabadyada caadiga ah halka ay ka suurto gasho;
    • Daawaynta osteopath-ka, chiropractor-ka, jir-jimciyaha, amacirbad-durid adeegsadaha ee ah xirfadlayaal ayaa kaa caawini karaan, waxay kale ay daraasaadka muujiyeen in talada ah in la raaco waxqabadka inay u tahay waxtar jirdhismeedka xanuunka fudud;
    • Sii wad shaqada, ama si degdeg ah uga soo laabo haddii ay suurto gal tahay;
    • Waxaa fiican inaad ku nasatid sariirta in aan ka badnayn labo maalin, in ka bdan waxay keeni kartaa waxtar xumo;
    • Sameey layliga jimicsiga si loo xoojiyo murqaha iyo si loo simo dhinacyada;
    • Isticmaal kuleel (warqad kulul ama qubays kulul) ka dib maalmo markii uu dabco xanuunka murqaha;
    • Waxaa ku caawini karo qalabka ah ultrasound (kumbuyuutarka) si loo yareeyo holaca.

    Mar mar aad u darran waxaa loo baahanaa qalliin ah sida microdiscectomy, oo keenaayo in la dayacatiro meesha quran tahay ama saxanka murqacday, ayaa lagu talin karaa.

    Ka hortagga
    Si uusan kuu qaban dhabar xanuunka waa inaad yaraysaa murugada saa’idka ah iyo dhibaatada dhabarkaada, aadna sugtaa inuu dhabarkaada noqdo mid xoog iyo fudeed leh. Waxaa kale lagu dabaqayaa talada dhabar xanuunka joogtada ah, lehna dhacdooyinka
    soo noqnoqdo:
    • yareey culayska saa’idka ah,
    • Sameey layliga jirdhiska si aad u sii hagaajisid dhabarkaada iyo murqaha calooshaada,
    • U sin si fiican dhinacyada jirkaada,
    • Ku seexo sariir iyo joodari fiican,
    • Sax qaadista iyo gacan ku qabadka alaabaha,
    • Weecashada adkaynta iyo isgalka muruqa ee kediska ah
    • Isku day oo yareey murugada, lab-lakaca iyo kacsanaanta
    • Sameey jimicsi joogto ah (socod ama dabaalasho waxay u fiican yahiin kuwa qabo dhabar xanuunka).
     
    Wax kabaro Caafimaadkaaga Health Murugo ama Buufis (Depression) 


    www.garwaale.8k.com Bukaan eegida la xiriirta xaaladaha murugada waxa weye dhibaato ku timaada caafimaadka taa soo kula aada meel shishe oo ku dareensiisa “shucuur weyn.” Dhibaatadan waxay saameyneysa qeyb kasta oo noloshaada ka mid ah. Waxaa laga yaaba in aad dareentid in aad ka soo toosin aroortii sariirta. Waxaa laga yaaba in aad ka fikertid dhimasho.

    Murugada waxay dhaci karta ka dib marka noloshaada ku timaado dhacdo sida dhimasho, isbeddel shaqo, dhalmo ama guurid. Jiradaan waxay saameeyn karta qof kasta oo da’ kasta uu jiro. Arintani waxay ku abuuri kartaa jiro weyn (sida cudurada keena laleemada ama Parkinson).
    Murugada waxay beddeli kartaa niyadaada sida ay tahay iyo fekirkaaga. Xanaanka fekirka ee aad qabtid marka aad murugooneysid waxay kaa dhigaysaa “naxariis la’aan” waxayna adkayneysa in aad xalisid dhibaatooyinka.

    Calaamadaha murugada

    Calaamadaha bukaanka murugaysan ma aha mar kasta mid la aqoonsan karo. Calaamadaha waxay ka mid yihiin:

    • dareemid tiiraanyo ama xanaaq fudud (dareemadaas kama tagaan) 2 isbuuc ama ka badan•    ka lumid xiisayn iyo farxadba maalinba- maalinta xigta (waxa ku jira isu-tagga)
    • Helitaan isbeddelo ku yimaada rabitaanka cuntada iyo culayska miisaanka
    • Helitaan dhibaato ku timaada hurdada (sida hurdo aan ku filnayn ama hurdo aad u badan)
    • Dareemid nasasho la’aan 
    • Dareemid daal ama helitaan tabar yari 
    • Dareemid rajo-xumo, qiimo lahayn ama dembi
    • Helitaan dhibaato adag ama go’amo ka gaarida 
    • Helitaan dhibaatooyinka ku yimaada jirka kaa soo war celinaynin si loo daweeyo
    • Helitaan kefir badan oo ku saabsan dhimasho ama is-dil.

    Daaweynta Murugada

    Baaris cafimaad ka dib, bixiyaha daryeelka caafimaadkaaha wuxuu sheegi karaa haddii aad qabtid murugada. Tani macnaheedu ma aha in adigu aad “waallan” tahay. Ama aad tahay qof guul darraystay.
    Sida jirooyin badan, murugada waa la daweyn karaa. Daaweynta sida caadiga ah waxaa iskugu jira daawo la qaato, ula-talin iyo is-daryeel nafsadeed.

    Daawada

    Waxaa jira daawooyin kala gedisan oo loo istic-maalo daaweynta murugada. Adiga iyo bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ayaa gaari kartaan daawada kuu wanaagsan. Qaado daawo kasta sida kuu siiyo bixiyaha daryeelka caafimaad-kaaga. Waxay qaadan kartaaisbuucyo yar ka hor inta aad ka dareemaysid caafimaad wacan. Waxaa kaloo laga yaaba in aad u baahatid in daawada beddelatid. Daawooyinka ama arag dhakhtarka cilmi nafsiga (kaa soo u leh tababar khaas ah daawooyinka murugada). Fadlan samir yeelo. Hawshaan waxay qaadanaysa isbuucyo yar.

    La-talinta 

    Waxaa laga yaaba in aad ula shaqeysid bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ama dhakhtarka takhasuska u leh cudurka maskaxda kaa soo wax ula-taliya. Ka hadalka waxa ku saabsan dareenkaaga waxa aad ka bixi karta “dhibta” ee aad ka qabtid fekirada diidmada ah. Ula-talinta waxaa kaloo laga yaaba in ay kaaga caawiso si gaar ah waxyaalaha kugu kordhiya murugada. 

    Daryeelka-nafsada 

    Si waaqici ah u diyaari guusha horumarkaaga:- Raysashadaada waxaa laga yaaba in ay waqti qaadato. Haddii aad qabtid hawl ay u muuqato in ay aad u weyn tahay, waxa aad u kala jebisaa qeybo yar yar. Nafsadaada abaal-mari marka aad guul:- Gaartid.
    Baro waxa ku saabsan murugada. Bixiyaha:- Daryeelka caafimaadkaaga wuxuu soo jeedin kara waxyaalo akhris qaarkood.
    Raadi wax-qabadyada caafimaadka wacan:- Kuwa soo ku dareen-siinaya wanaag. Waxaa laga yaaba in aad ka biloawdid waxa aad jeceshahay ama qaado fasalo.

    Waxa aad xafidaa wargeyska horumarka:- Noloshaada. Xusuus qorna ku sameey waxa ku saabsan waxa adigu aad dareemaysa.
    Ka fakir waxa ku saabsan dhibaatooyinka:- Qoyska, waxa ka lumay ama murugada dhacdooyinka kale ee laga yaabo in ay sii kordhiso murugadaada.

    Ka fakir waxa ku saabsan sida aad ugu biiri:- Lahayd waxbarasho ama taageerid kooxda wax ka qabata murugada. Bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga waxaa laga yaaba in uu hayo liis ku qoran kooxaha taageeradda ee nawaaxiga aad degan tahay.
    Sameey hawshan sii aad noqotid mid firfircoon ah.

    Isku-day in noloshaada ay noqoto mid ku firfircoon bulshada dhexdeeda.

    Ka digtoonow waxa ku saabsan isticmaalida:- aalkolada iyo waxyaalaha kale. Aalkolada iyo dejiyaha (dawada hurdada keenta) waxa ay yihiin waxa keena murugada. Waxay ka dhigayaan in murugadaada ay meel xun gaarsiiso. Murugada waxay kuu horseedaysaa in aad qaxwo badan cabtid, sigaar badan cabtid ama aad qaadatid daroogooyin kale kuwaa soo samayn doona in six un wax u dareentid.

    Kala hadal bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga, qoyskaaga ama asxaabtaada waxa ku saabsan afkaar kasta oo la xiriirta is-dil ee adiga qabtid.Noqo qof samir leh. In aad dareentid wanaag:- Waxa qaadan doontaa waqti iyo dadaal.

     
    Ma dhabaa in cunista Muuska ay hoos u dhigto halista cudurka Stroke; 

    www.garwaale.8k.com

    Daraasad cusub oo dhawaan soo baxdey ayaa lagu sheegay in cunista mooska (Banana) ay qayb ka qaadato hoos u dhigida halista cudurka Stroke-ga oo mudooyinkii ugu dambeeyey dad fara badan oo caalamka ku dhaqan fara kulul ku haya.

    Sadex xabo oo moos ah oo aad cunto sadex xili oo kale oo duwan waxaa la sheegayaa in 21% ay hoos u dhigto fursadaha uu ku imaan karo cudurkaasi oo dhiiga ku dhaca isla markaana maskaxda waxyeela.

    Daraasadan oo ay iska kaashadeen qubaro u dhashay wadamada Talyaaniga & Britishka ayaa waxaa lagu sheegay in kumaankun oo cudurka Stroke-ga ah si weyn looga hortagi lahaa hadii la cuni lahaa noocyo ka mid ah qudrada cagaaran sida Koostada, iyadoo sidoo kale Kaluunka, digirta iyo looska ay qayb ka yihiin cuntada ku wanaagsan ka hortaga cudurka Stroke-ga.

    Cudurada Stroke-ga oo ah cudur ay xirmayaan unugyada dhiiga qaada ee maskaxda gaarsiiya wuxuu maalin kasta ku dilaa wadanka UK 200 oo qof oo uu asiibo cudurkaasi.

    Dad kale oo badan wuxuu cudurkaasi ka dhigaa kuwa lixaadka la’a halka marka labaad ee uu cudurkaasi asiibo ama marka sadexaad ay u geeriyoon karaan.

    Afhayeen u hadley urur lagu magacaabo Stroke Association oo fadhigiisu yahay wadanka Uk wuxuu sheegay in cunista muuska, timirta iyo koostada ay hoos u dhigi karto halista cudurka Stroke-ga.


     
    Kororso Aqoontaada Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer)


    www.garwaale.8k.com 
    Cudurka Alzheimer waa nooca ugu badan ee caqli suulidda. Caqli suuliddu waxay dhacdaa iyada oo ka dhalata isbeddellada ku yimaada maskaxda ee saameeya awoodda qofku in uu ku fekero oo wax xusuusto. Waxay noqon kartaa mid aad u daran oo saameysa hawlo maalmeedka. 
    Cudurka Alzheimer maahan qayb caadi ah ee gabow. Qofna ma yaqaanno waxa sababa Cudurka Alzheimer, laakiin cilmi baaris fara badan ayaa la sameeyey. Waxaa laga yaabaa in aad halis badan ugu jirto in uu kugu dhaco cudurkan haddii uu jiray xubin qoyskaaga ka mid ah oo cudurka qabay.

    Calaamadaha
    Calaamaduhu waxay u billowdaan si tartiib-tartiib ah wayna kala duwanaan doonaan ama way ka sii dari doonaan. Qofna ma xakamayn karo calaamadaha. Daaweyntu way caawin kartaa, laakiin ma bogsiiso cudurka.
    Calaamadaha waxaa ku jiri kara:
    • Xusuus waayid, gaar ahaanna ku saabsan dhacdooyinkii dhawaa
    • Jahwareer ku saabsan waqtiga iyo goobta
    • Kala garasho liidata
    • Dhibaato dhinaca barashada macluumaad cusub
    • Isbeddello ku yimaada awoodda in la sameeyo waxyaabaha sida baabuur wadidda, lacag isticmaalidda, daawo qaadashada, cunto karinta, lebbisashada, iyo qubeyska

    Daryeelkaaga
    Ma jiro baaritaan la isaga sameynayo Cudurka Alzheimer. Takhtarku wuxu:
    • Isticmaali doonaa baarid si uu u kala sooco sababaha kale ee xusuus waayidda iyo jahawareerka
    • Eegi doonaa qaabka xusuus waayidda iyo wacyi gelinta qofka ee isbeddelka
    • La imaan doonaa taxane daawooyin iyo macluumaad uu kala yimid qoyska
    • Sameyn doonaa imtixaan jir ahaaneed
    • Hubin doonaa xaaladda maskaxeed ee qofka asagoo weydiinaya su’aalo xusuus iyo kuwo fekerba
    Ma jirto daawo loogu talogalay Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer), mana tago. Daawooyinku waxaa laga yaabaa iney caawino ka geystaan calaamado xoogaa ama dib u dhigaan horukaca cudurka. Daawooyinka kale waxay daaweyn karaan dhibaatooyinka hurdada, diiqada, ama niyadkaca.
    Jir dhis, nafaqo wanaagsan, iyo hawlaha bulshada ayaa sidoo kale muhiim ah.
     
     
    Ma Jeceshahay inaad wax ka ogaatid Cudurka Dhiig Yarida "Anemia = Dhiig yari" 

    Arrimaha Caafimaadka: Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd. unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jirka oo dhan. marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas yar yihiin, ogsijiin yar ayaa soo gasha qaybaha jirka. tani waxay qofka ka yeeli kartaa mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay. 
    Sababaha
    •Dhibaatooyin ka yimaada sida feerada ama birta iyo cuntooyinka kale uu jirku u isticmaalo
    •In aan la cunin cunto ay feeradu ku badan tahay
    •Dhiig ka yimaada afka, hunguriga, caloosha ama xiidmaha
    •Dhiig ka yimaada hoosta haweeneyda ama dhiig bax badan oo caadada ka yimaada
    •Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo’da ama caanaha adhiga
    •Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir dheeraad ah.

    Calaamadaha
    Haddii aad qabto wax calaamadahaan ka mid ah, takhtarkaaga la hadal.
    •Daciif ama daal dareensan tahay
    •Maqaarkaaga, faruuryaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan
    •Dhibaato ku qabto si kala cad u fekeridda ama jahawareer dareensan tahay
    •War-wareer ama miyir beelid
    •Neefsashada oo kugu gaabata ama feero xanuun
    •Wadnaha oo si deg deg ah u garaacma
    •Dhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora

    Daryeelkaaga
    •Takhtarkaagu wuxuu baari doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kuu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada.
    Daaweyntaada waxaa ku jiri kara:
    •Cunidda cuntooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin furuto, khudrad, rooti, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.
    In aad cunto cuntooyin feeradu ku badan tahay sida khudradda caleenta ah, hilibka guduudan, naatiska iyo digirta.
    Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh.
    •In aad qaadato feero kordhiye.
    •Cabidda 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin walba.
    •In lagu siiyo dhiig ku shubid si loo beddelo feerada iyo dhiigga kaa lumay.
    Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad:
    •War-wareereysid markaad istaagto
    •Ay neefsashadu kugu gaaban tahay
    Takhtarkaaga ama kalkaalisada la hadal haddii aad wax su’aalo ama walaac ah aad qabtid.
     
    Hurdo yarida oo la sheegay inay dhaliso qaybo ka mid ah cudurka Kansarka. 

    www.bulshooy.8k.com Hurdada qofka bini’aadamka ah uu hurdo xiliga caadiyan loogu tala galay ayaa la sheegay inay qayb weyn ku leedahay caafimaad, quruxda, qaab dhismeedka jirka qofka iyo waliba arimo kale oo dhanka caafimaadka & nolasha la xiriira.

    Darasaad cusub oo dhawaan soo baxdey ayaa kor u sii qaaday daraasadihii iyo waliba tusaalooyinka muujinaya muhiimada hurdadu u leedahay qofka.

    Daraasadan oo ay soo saareen kooxo cilmibaarayaal ah oo u dhashay wadanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in hurdadu qofku uu seexdo oo waliba uu ku seexdo meel degan oo shanqar la’aan ah inay tahay qaybta ugu muhiimsan iyadoo waxyaabaha ay ku wanaagsan tahay hurdadu lagu xusey in ay ka mid tahay in qofku uu heli karo energy maalinta xigta qofka ku saacidaya faham, xanaaq la’aan, iyo in uu u yeesho dareen waxa qofku uu sameynayo.

    Kooxda cilmibaarayaasha ah ee soo saarey daraasadan waxay ku xuseen warbixintooda in hurdo yarida qofka ay ka dhalato cuduro la xiriira cudurka kansarka gaar ahaan nooca loo yaqaan colon canser kaasi oo haleena xiidamaha ama qashin saarka ah caloosha.

    Dr. Li Li oo ka tirsan Jaamacada daawada ee Case Western Reserve University ee ku taal magaalada Cleveland, Ohio, ee wadanka Mareykanka ayaa sheegay in dadka jiifta wax ka yar 6 saac oo habenkii ah ay 50% ka kaga dhaw yihiin cudurada colon canser dadka jiifta habeenkii 7 saac, hadii aan laga daaweyn.

    Dr. Lee wuxuu intaasi ku darey in daraasadan ay ku ogaadeen in hurdo yaridu ay tahay qatar cusub oo qayb ka ah cudurka colon kansarka, waxaana isagoo u waramayey jariirada lagu magacaabo Canser ee looga hadlo arimaha cudurka kansarka uu sheegay in 1240 bukaan oo lagu sameeyey baaritaano la xiriirka cudurada hurdo yarida lagu qaado lagu ogaaday in 338 ka mid ah oo seexan jiray wax ka yar 6 saacadood habeenkii laga helay cudurka colon canser gaar ahaan waxyaabaha laga qaado cudurkaasi ee loo yaqaan tumors.

    Daraasadan cusub waxay kaloo xustey in haweenka aan seexan habeenkii 7 saac inay qatar ugu jiraan kor u kaca waxyaabaha dhaliya cudurka dhiig karka ama blood pressure.

    Cilmibaarayaasha aayaa sheegay in in ka badan 1000 haween ah oo lagu sameeyey baaritaano lagu ogaadey in kuwa seexda wax ka yar 6 saac ay ka bateen kuwa kale ee sida wanaagsan u seexda cudurka dhiigkarka.

    haweenka seexda wax ka yar lix saac ayaa la sheegay in 42% ay uga bateen cudurka dhiig karka 31% kuwa kale ee seexda 7 saac sida uu qoray website-ka lagu magacaabo Journal of hypertension.  

    Hurdo yarida & virus-ka ku dhaca dhiiga cad

    Dr. Medhat El Shafei olo ah Professor culuunta Immunology oo wax ka dhiga Jaamacada University of Ain Shams ee magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar ayaa baaritaan uu sameeyey wuxuu ku sheegay in dadka hurdo la’aantu ku dhacdo ama kuwa aan hurdin inta loogu tala galay ay la kulmaan dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah oo ku aadan dhanka difaaca jirka isagoo sheegay in hurdo yarida qofka ay xiriir la leedahay virus-ka weerara unugyada cad ee dhiiga, waxaana uu sheegay in difaacyadaasi ay imaadan xiliga habeenkii ah ee qofku uu hurdo.

    Hurdo wanaagsan & hoos u dhigida miisaanka jirka ama cayilka

    Dhinaca kale daraasad dhawaan ay soo saareen kooxo qabiiro British ah ayey ku ogaadeen in dadka doonaya inay dhimaan culeyska ama miisaanka jirkooda ay tahay inay xili hore jiiftaan oo ay sariirta tagaan habeenkii si ay u gaaraan yoolkooda cayil dhimista ah.

    Daraasadan ayaa waxaa lagu sheegay in dadka jiifta wax ka yar 8 saacadood habeenkii uu badiyaa kor u kaco miisaanka jirkooda.

    Sirta hurdada wanaagsan.

    Hurdada ka hor ka dheerow inaad sigaar cabto waa hadii aad sigaar dhuuqe tahay, sigaarka la cabo ka hor hurdada saacad ka hor wuxuu dhaliyaa waxa loo yaqaan stimuli taasi oo ay ugu wacan tahay nicotine-ka sigaarka ku jira taasi oo waxyeelo u gaysan karta ama qasi karta raaxada hurdada.

    Hurdada ka hor ka dheerow ama ka fagow inaad cunto badan cunto ugu yaraan 2 ama sadex saac ka hor hurdada ka hor ayaa wanaagsan in wax cunto, taasi waxaa ku lamaansan inaadan ku seexan gaajo waayo waxaa dhici karta inaad u soo toosto wax cunid marka aad dareento gaajo.

    Hurdada ka hor waxaa wanaagsan inaad cunto qafiif ah oo caafimaad leh cunto.

    Isku day maalintii inaad sameyso jimicsi taasi waxay kuu horseedaysaa inaad habeenkii hesho hurdo wanaagsan, laakiin iska ilaali oo ka fagow in sariirta ka hor waa inta aadan seexan inaad sameyso jimicsi.

    Iska ilaali inaad hurdo badan seexato maalintii waxay taasi saameyn hurdo la’aan kugu keeni kartaa habeenkii.

    Hurdada ka hor waxaa wanaagsan inaad isku mashuulin arimo ku haysta sida dhibaato xaga guurka ah ama kuwa kale isku day inaad jawiga ka dhigto mid degan oo raaxo leh waliba qolka aad hurado, adigoo isku dayaya in sariirta ama gogasha aad ku jiiftaa ay ahaataa mid raaxo laga dareemi karo oo qurxoon.

    Marka aad seexanayo iskuna diyaariso hurdo oo aad sariirta tagto iska dami nalka qolka qayb ka mid ah maskaxda waxay masuul ka tahay hurada oo ku dhaw optic nerve neerfaha loo yaqaan.

    Hurdada ka hor cab koob diiran oo caano ah waayo caanuhu waxay leeyihiin ama ka kooban yihiin waxa loo yaqaan  tryptophan kaasi oo dabiiciyan saacida hurdada.

    Hadii aad la kulanto hurdo la’aan isku day si fudud hadii ay wadyo markaasi ka dibna isku qasab si aad mar kale u seexato.

     
    Cilmi Baaris Ku Saabasan Cudurka Jooniska (Hebataytis) 

    www.garwaale.8k.com Beerka waxaa ku dhaca cuduro badan, waxana ka mid ah cudurka la yiraado Joonis-ka (Hebataytis) waxana uu u kala baxaa dhawr nooc oo kala ah joonis A, B, C, D iyo E.

    cagaariyuhu maaha cudur ee waa calaamad ka mid ah calaamadaha lagu garto infectionka beerka ama hebataytiska, waana marka indhaha, maqaarka, kaadida iyo saxarada qofku ay cagaar noqdaan.

    Joonis-ka oo dhami waxa ay leeyihiin calaamada lagu garan karo kuwaas oo kala ah indhaha, maqaarka oo midab Hurdiya yeesha, daal, calool xanuun, cuntada oo kaa xiranta, shuban iyo matag.

    Dadka qaarkiis waxa laga yaabaa in aan lagu arkin calaamadahaas ilaa xanuunku uu meel xun gaaro. Tan kale, sida la i sugu gudbiyo virusyada cudurka jooniska keena aad ayey u kala duwanyihiin taas ayaana u baahan in aad looga taxadiro.

     Hebataytiis A

    Sida uu u fido Waxa la isugu gudbiyaa marka cuntada iyo biyaha taabtaan ama ku qasmaan saxaro ka timid qof qaba cudurka. Way yartahay in cudurka la isugu gudbiyo dhinaca dhiiga.

    Yaa khatar ugu jira in Joonis uu ku dhaco Dadka Socdaalka badan, dadka ku nool meesha uu Hebataytis A uu ku badan yahay, dadka saaxiibka  la ah dadka qaba cudurka, meelaha caruurta lagu xanaaneeeyo marka cudurku uu dilaaco iyo dadka kuwa irbadaha la isku muddo wadaaga.

     Sidee looga hortegi karaa Jooniska Talaal. Waxa jira talaalka hebataytis A. Waxa kale oo wanagsan in la iska ilaaliyo biyaha fadaraysan iyo in la ilaaliyo nadaafada guud. Dawada Inta badan qofka wuu iska bogsada dhowr todobaad ka dib.

    Hebataytis B (Hepatitis B)

    Sida loo kala qaado Virus-ka waxa laga helaa dhecaanka qofka qaba hebataytiska sida candhuufta, dhiigga, shahwada iyo wixii lamid ah. Viiruska waxa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida viruska ay gaaraan dhecaanka qof aan qabin cudurka. Hooyada waxay u gudbin kartaa Ilmaheeda xiliga dhalmada, dadka waaweyna waxay isugu gudbiyaan marka ay sameeyaan isutag (sexual contact), ama ay Irbad wadaagaan. Hebataytis B la-isuguma gudbin karo dhinaca biyaha, cuntada ama wada kulan caadi ah sida meelaha shaqada, iskuulaadka ama dukaamada.. Dhiigana laguma kala qaado.

      Ka hortagga Joonis-ka nooca Hebataytis B Cudurku ka hortag ayuu leeyahay. Talaal ayuu leeyahay. Tan kale waa muhiim in la iska ilaaliyo wax allaale iyo wixii keeni kara virus-ka. Waa in uu iska muddaa qofkii la kulmay qof qaba cudurka hebataytis B. Waxa afka qalaad lagu yiraahdaa Immune Globuling muddo hal todobaad ah ama ka yar. Waxa la-isku muddaa talaalka hebataytis B. Seddex Irbadood oo talaalka ah ee lagaga hortago hebataytis B.  Dawada Waxaxa lagu daaweeya Alpha Inferon or Lamivudine.

     Hebataytis C

    Sida uu u fido Virus-ka waxaa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida virus-ka ay gaaraan dhecaanka qof aan qabin viruska. Caadi maaha in hooyadu ay u gudbiso Ilmaheeda xiliga dhalmadada, ama dadka marka ay sameeynayaan isutaga.

    Dadka qaba intooda badan calaamado ma laha, laakiin qaar ayaa waxay dareemi karaan daal,  indhaha iyo maqaarka oo cagaar noqda (jaundice). Waxa lagu garan karaa in qofka  qabo cudurkani iyada oo la-iska qaado dhiig. Inta badan dadka uu ku dhaco hebataytis C waxa uu ku dhacaa kansar-ka beerka.

    Dawada  Waa iyada oo la qaato Interferon taas oo u baahan in dhakhtar loo tago. Virus-ka qaar wali lama oga in ay keenaan hebataytiska waxana lagu magacaabaa ( non A….E) Hebataytis Ama Hebataytis X.

     
    XIRIIRKA KA DHEXEEYA OOTISAMKA IYO BAY’ADDA (MEERKURIGA IYO FITAMIIN D-GA) 2aad 

    Kaalinta Meerkuriga (Hg)

    Tan iyo markii ay bilaabantay isticmaalka faraha-badan ee talaalka tobonaankii sano ee u danbeeyay waxaa barbar socday siyaadidda tirada cudurka Ootisamka. Dhinaca kalana cudurkani wuxuu ku badanyahay wadamada dhulbaraha aadka uga fog. Waa arimo su’aalo muhiim ah dhaliyay!!

    Waxaa la ogyahay in inta badan talaalada ay ku jirto maadada loo yaqaan Thaaymeerasool (Thimerosal) oo loo adeegsado inay daawada ka ilaaliso bakteeriyada (preservative), taasoo markay jirka gasho isu badasha meerkuri (Hg) sun ku ah difaaca jirka iyo dhimirka (maskaxda). Baaritaano badan oo lagu sameeyay xayawaanka iyo dadkuba waxay muujiyeen in meerkuridu keeni karto cudurada la xiriira Ootiisimka ama ASD.[i]

    Meerkuriga waxay kaloo ku jirtaa daawooyinka loo isticmaalo indhaha, dhagaha, cunaha iyo maqaarka, kuwa ellerjiga lagu baaro, kuwa ka hortaga dhalmada; kareemada la isku caddeeyo (bleach) iyo kuwa la isku qurxiyo; boomaatada cadayga iyo kuwa wax lagu nadiifiyo (antiseptics, disinfectants, fungicides, and herbicides); maadada loo isticmaalo buuxinta ilkaha (amalgam) iyo kuwo kale oo  badan.

    Marka ay meerkuridu gasho jirka hooyada (sida badan talaal ahaan ama daawo ahaan), waxay si sahal ugu gudubtaa uurkujirta iyo maskaxdiisa koraysa, taasoo ay dhibaatayn karto haddii difaaca jirku uusan si degdeg ah isaga sifaynin. Waxaa kaloo  muhiim ah inaan ogaano in koriinka maskaxdu uusan dhamaystirmin illaa ilmuhu ka gaarayo 2 sano.

    Marka ilmuhu dhasho waxaa la siiyaa talaalo badan oo ay ku jiraan maadada Thaaymerasol, taasoo ku ururta jirkiisa, gaar ahaan maskaxda. Haddaan si gaar ah u eegno wadanka Maraykanka, magaala Kalifoorniya, waxaa cudurka Ootiisam-ku siyaaday 634% intii u dhexaysay 1987 iyo 2002, taasoo aan lagu fasiri karin garashada cudurka oo wanaagsanaatay ama dadka u soo  hijrooday  oo kalaiya, balse inay jirto siyaado ku timid waxa cudurka keena (Thimerasol ??).[ii] Sidoo kale xanuunada la xiriira Ootiisam-ka waxay wadanka Maraykanka ka gaareen heer lixdii caruur ahi mid kamida uu hayo.[iii]

    Haddaan marka dib u eegno talaalada caruurta la siiyo ee ay ku jirto Meerkuridu waxaa ka mid ah DTP (Diphtheria-Tetanus-Pertussis) (25µg Hg dhooskiiba) taasoo ilmaha la siiyo mararka da’doodu tahay 2, 4, 6, iyo 18 bilood jir; Hib (Haemophilus influenza type b) (25µg Hg dhooskiiba) waxaa la siiyaa markay 2, 4, 6, iyo 18 bilood jir yihiin; talaalka Hepatitis B (12.5µg Hg dhooskiiba) waxaana la siiyaa markay dhashaan, 2 iyo 6 bilood jirka. Sidoo kale meerkuridu waxay raaci kartaa caanaha naaska hooyada haddii hooyada la siiyaya daawo ka hortag ah, marka ay dhasho ilmo ka dhiig duwan ayada (Rh-negative mothers), daawadaasoo ay ku jirto meerkuri (10.5 illaa 50µg Hg dhooskiiba) ama ay hooyadu ilkaha loogu buuxiyey maadada Amalgam (oo meerkuri ku jirto). Waayahanna talaalka hargab-ka (influenza) waxaa ku jira Thaaymerasool (ama Meerkuri).

    Sidaa daraadeed ilmaha waxaa jirkiisa ku ururi kara meerkuri cadadkeedu gaarayo 237.5µg oo Hg ah 18-ka bilood ee u horeeya noloshiisa, taasoo aad uga sareysa heerka ku sumowga meerkurida.

    Cilmi-baarayal badan ayaa ogaaday in daawaca gaara neerfayaasha iyo calaamadaha ka dhasha ku sumowga meerkurida iyo cudurka Ootisamku inay isku mid yihiin. Taasoo loo eedsaday meerkuridu inay tahay waxa keenay cudurkan. Taasina waxay keentay in wadanka Maraykanku codsado in laga saaro ama la yareeyo meerkurida ku jirta talaalada la siiyo caruurta ka yar 6 sano (preservative free vaccines).

    Markaan isku soo uruurino, xogaha aan kor ku soo sheegnay waxay muujinayaan in meerkurida sida isdabajooga ah u gaaraysa  ilmaha intuu uurka ku jiro iyo dhalashada ka bacdi inay sahlayso in ilmaha hido ahaan nuguli uu cudurka ootiisam-ka qaado.

    Kaalinta Fitamiin D-ga ka sifaynta jirka Macdanta culus sida Meerkurida

    Ka sifaynta jirka macdanaha culus waxa inta badan u dhacdaa qaab la yiraahdo oksidhaytiif-redhakshan (oxidative-reduction) oo ay sahasho maadada la yiraahdo Glutathione. Habdhiskaas difaaca si wanaagsan uma shaqeeyo bukaanada qaba cudurka ootiisamka, waxaana la ogaaday in fitamiin D-gu muhiim u yahay habsami u socodka sifaynta macdanaha culus.

    Dhinaca kalana waxaa la xaqiijiyay in dhammaan bukaanada ootiisamka uu ku yaryahay fiitamiin D-gu, jirkoodana ay ku jirto meerkuri siyaado ah. Sidaa darteed iswaafaqaddida labadaa arimood waxay muujinaysaa sababta ka danbeysa cudurkan.

    Qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa ku doodaya in fitamiin D-yarida kaligeed ay ku filantahay inay keento cudurka Ootiisamaka, marka la eego cadaymaha loo hayo sida uu muhiim ugu yahay koriinka maskaxda iyo sida ay isugu egyihiin qaabka maskaxda bukaanka ootiisamka iyo xayawaano tijaabo lagu sameeyay, tusaale ahaan haddii fitamiin D-yari darani hayso hooyada jiirka, wuxuu jiirkaasi yeeshaa maskax wayn iyo godadkeeda (ventricles) oo balaarta, taasoo ay isku muuqaal yihiin caruurta Ootiisamka.[iv]

    Xujooyinka loo hayo in Fitamiind D-yaridu iyo Meerkuridu keeni karaan Ootiisamka

    1)    Xogo kooban oo la hayo ayaa waxay muujinaayaan in cudurka Ootiisamku uu ku badanyahay dadka ku nool dhinca cirif-yada dhulka, wuuna ku yaryahay dhulalka qoraxda leh ee dhulbaraha u dhow. Baaritaan ay dhawaan samaysay xarunta xakamaynta cudurada ee Maraykanka (CDC) wuxuu muujiyay in 14 gobol oo baaritaan lagu sameeyay gobolka cudurkani ugu badan yahay inuu yahay New Jersy, oo ah gobolka labaad ee waqooyiga u xiga, gobolka ugu cudurka yarna uu yahay Alabama, oo ah kan koonfurta u xiga goboladii baaritaanka lagu sameeyay.[v] Juquraafi ahaana waxaan doodi ku jirin in dhulka dhaca loolalka sare (higher latitudes) in fitamiin D-gu ku yaryahay, qoraxdoo ka dadban awgeed, taasoo macnaheedu yahay in hooyooyinka fitamiin D-gu ku yaryahay ay khatar ugu jiraan inay dhalaan ilmo uu hayo Cudurka Ootiisamka ee Ilmaha (Infantile Autistic Disorder, IAD), kaasoo ka dhalan kara korid la’aan ku timid maskaxdooda ama hoos u dhac ku yimid difaaca hooyada intay uurka lahayd.[vi]

    2)    Waxaan soo sheegnay xiriirka ka dhexayn kara talaalada iyo Ootiisamka, inkastoo talaalada laga isticmaalo wadamada kulaylaha, cudurkani aad buu uga yaryahay kan wadamada qaboobaha, taana waxaa lagu fasiri karaan in qoraxdu ama fitamiin D-gu uu kaalin ku leeyahay (difaaca ah).

    3)    Inkastoo warbixino is diidani ka soo baxeen baaritaanadii lagu sameeyay xiriirka ka dhexeeya xiliga ilmuhu dhashaan iyo cudurka Ootiisamka, haddana dhowr baaritaan oo muhiim ah ayaa muujinaya in ilmaha dhasha xilliga qaboobaha (winter) uu cudurku ku badan yahay, gaar ahaan   dhamaadkiisa, bisha Maarso (March) oo ah marka heerka fitamiin D-gu ugu hooseeya.[vii]

    4)    Cudurka Ootiisamku wuxuu ku badanyahay dadka madow eek u nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaasoo dabcan ay hasyo fitamiin D-yari badan, inkastoo uu cudurkani uu dhif iyo naadir  ku yahay wadamada ay asal-ahaan ka soo jeedan. Tusaale ahaan heerka cudurkan ee magaalada Goteborg, ee Sweden, ilmaha ay dhaleen dumarka ka soo jeeda wadanka Ugaandha waxay 200 jeer ka badan yihiin dadwaynaha kale.[viii],[ix] Inkastoo abbaaraha 90% dadka madow eek u nool dhulka qaboobaha ay fitamiin D-yari hayso, haddana baariitaan si gaar ah loogu sameeyay durmarka uurka leh ee USA waxay muujinaysaa 45% dumarka madow ay hayso fitamiin D-yari khatar ah, meesha dumarka cadi ay yihiin oo kaliya 2%. Qaadashada fiitamiin D gaaraya 400IU ama 10µg waxweyn uma tarin, maadaama 90% dumarkaa baaritaanku lagu sameeyay ay qaadanayeen dhooskaas.[x]

    5)    Cilmi baarayaashu waxay ogaadeen in heerka fitamiin D-ga ee hooyooyinka iyo bukaanada xanuunkani uu ka hooseeya dadka dhiggooda ah. Dhowr baaritaan waxay caddeeyeen in hooyooyinka madow ay ku badantahay inay dhalaan ilmo miisaankoodu hooseeyo iyo in ilmahoodu hore u dhintaan.[xi] Hoosaynta miisaanka ilmaha iyo inuu dhasho waqtigii oo aan u buuxsamin waxay ka midyihiin waxyaalaha sahla (risk factors) cudurka Oostiisam-ka,[xii] arimahaasina waxay ka dhalan karaan sida la ogyahay faatimiin D-yarida.[xiii] Maxaa yeelay waxaa la ogaaday in fitamiin D-gu yareeyo khatarta hore-u-dhalashada iyo miisaan-hoosaynta ilmaha dhashay.[xiv] Tusaale ahaan haddii la siiyo hooya uurka leh 1,200 yunit (IU)(30µg) maalintii oo fitamiin D ah saddexda bilood ee u danbaysa, waxay siyaadisaa miisaanka ilmaha, sidoo kale marka la siiyo 600,000 yunit (15mg) labada bilood ee 7aad iyo 8aad ee uurka waxay sii siyaadisaa miisaanka ilmaha.[xv]

    6)    Hayadda Xakamaynta Cudurada ee USA iyo kuwo kele waxaa sheegeen in caruurta madow ay ka tiro badan yihiin kuwa cad marka la eego xanuunka maskax-yarida aan aadka u darnayn, taasoo fasiraad looga waayay inay sababtu tahay arimo dhaqan-dhaqaale (socio-economic factors).[xvi]

    7)    Haddii la yiraahdo fitamiin D-yarida ayaa cudurkan keenta, waxaa la is oran karaa haddaba marka qorax la helo oo heerka fitamiinku kor u kaco waa in xanuunka laga roonaadaa. Baaritaan arintaa lagu sameeyay wuxuu muujiyay ka roonaansho calaamadihii cudurka Ootiisamka marka bukaanada la geeyo meel qorax leh. Sidoo kale waxaa wanaagsanaada qaab-dhaqanka bukaanadan marka nashaad loogu sameeyo banaanada ka baxsan guryaha xilliyada qorax fiicani jirto (summer), taasoo kor u qaada heerka fitamiin D-ga ee maskaxdooda.[xvii]

    8)    Caruurta aan jirkoodu fitamiin D-ga isticmaali Karin, hiddo-ahaan, waxaa lagu yaqaanaa murqo-jilicsanaan, firfircooni-yaraan, dib u dhac ku yimaada inuu awood buuxda helo, xasilooni-darro, korid-la’aan iyo calaamadaha kele oo ay Ootiisam-ka wadaagaan. Sidoo kale waxay calaamadahaas wadaagaan cudurka loo yaqaa Riketis (Rickets) oo ka dhasha fitamiin D-yarida.

    Caafimaad-darada dhulalka qaboobaha

    mabrook_11@hotmail.com


    Qaybta 1aad: Kaalinta caafimaad ee fitamiin D-ga iyo Cudurka Ootisam (Autism)

     

    Qoraalkan kooban kuma wada falaqaynka karno dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dhulalka qabow, sidaas darteed waxaan xushay arrimaha iigula muhiimsan dhibaatooyinkaas, ahna kuwa ka dhasha fitamiin D yarida iyo cudurka Autism.
    Inkastoo taariidhyahanadu sheegaan in cudurka Riketis-ka (Rickets, oo ka dhasha faatimiin D yarida) uu soo jiray, inta la xasuusto, illaa qarnigii labaad CD (AD); waxaa cudurkan loo aqoonsaday mid khatar ku ah bulshada waqooyiga Yurub xilligii warshadaha. Qarnigii 17aad, nimanka la kala yiraahdo Whistler, DeBoot iyo Glissen waxay si kala gooni ah u ogaadeen in caruur farabadan oo ku noolayd magaalooyinka dadku ku badan yahay ee ciriiriga ah ee waqooyiga Yurub uu saameeyay cudur si aada lafaha u qalqaloociya, oo lagu garto dhammaadka lafaha dhaadheer oo balaarta, lugaha iyo laf-dhabarta oo qaloocda, tabar-darro iyo jilicsanaan murqaha ah. Haddaba jiritaan cudurkan lafaha curyaamiyaa wuxuu ku sii siyaaday waqooyiga Yurub iyo waqooyiga Ameerica xilligii kacaankii warshadaha, markaasoo magaalooyin ciriiriya, hawo wasaqaysanna leh aad loo dagay,tusaale ahaan 90% caruurta wadamada Ingiriiska iyo Netherland waxay waxaa haleelay cudurkan.
    Cudurkan wuxuu kaloo si gaar ah u saameeyay dumarka xilliga uur-qaad-ka ku jiray, wuxuuna sababay in lafaha miskuhu ay maroorsamaan, taasoo keentay inuu saro u kaco rafaadka iyo dhimashada hooyada iyo ilamaha labadaba waqtiga dhalmada. Dabadeedna waxaa soo ifbaxay qaliinka-dhalidda (caesarean section), oo si aada looga isticmaalay wadanka Ingiriiska.
    Sanadkii 1822-kii, Sniadecki wuxuu arkay in caruurta ku nool magaalada Waarso (Warsaw) uu hayo xanuun badan oo Riketis ah, meesha caruurta ku nool baadiyaha magaaladaas uusan hayn xanuunku. Asagoo arigtadaa ka duulaya wuxuu ku dooday in iftiinka qoraxdu yahay wax lagu dawayn karo cudurkan. 1889kii, Ururka Caafimaadka ee Ingiriiska (British Medical Society) waxay sahmiyeen qaabka uu cudurkan u dhaco (hab-dhaca) (epidemioligal survey), waxayna xaqiijeen in arigtidii hore ay sax ahayd. Laakiin nasiibdarro, kumayan guulaysan inay xaqiijiyaan in xanuunku la xiriiro la’aanta iftiinka qoraxda. Hal sano kabacdi, Palm wuxuu ku sameeyay baaritaan aad u baahsan dhammaan dhulkii hoos imaan jiray  Boqortooyadii Ingiriiska iyo waliba dhulalka bariga (sida China iyo Japan), kaasoo ku saabsan hab-dhaca cudurka rickets, wuxuuna ku ogaaday muhimadda ay leedahay isudhigga  qoraxdu. Wuxuuna ku booriyay in wada-jir ah, oo aan lookala harin, qoraxda la isugu dhigo, talaabadaasoo ka hortag iyo daawaba u ah cudurka riketis iyo cuduro kale. Nasiibdarrose, si wanaagsan looguma baraarugin arigtiyadaas xeesha-dheer ee Sniadecki iyo Palm, waxaana ka soo wareegay 30 sano, markaasoo Huldschinski uu sharaxay in marka caruurta qabta riketis-ka loo dhigo shucaaca ka soo baxa nal ka samaysan meerkuri (mercury vapor arc lamp) ay si wanaagsan uga bogsoodaan cudurkan lafaha ku dhaca.
    Horaantii waxaa caado ahaan loogu dawayn jiray cudurkan saliida kaluunka (cod liver oil), illaa laga soo gaaray 1920 markaasoo McCollum iyo saaxibadii ay ka dhexheleen vitamin D. Waxaa xigtay, in la ogaaday haddii shucaac loo dhigo cuntooyin kala duwan, in si wanaagsan loogu daawayn karo, loogana hortagi karo cudurkan, taasoo casriyaysay, dardarna galisay ka hortaga iyo dabargoyta cudurkan. 1930-nadii, waxaa lagu guulaystay xaqiijinta in vitamin D3 uu ku dhexsameeysmo jirka (maqaarka) dadka marka ay ku dhacaan shucaaca ka yimaada qoraxda (UVB).
    [1]
    Haddaba waxaa iska cad inay qaadatay qarniyo in la fahmo jiritaanka fitamiin D, waayahanna waxaa soo ifbaxay xaqiiqooyin badan oo la xiriira fitamiinkan, kuwaasoo soo guuxayay qarni kale ka hor intaan la qabalin. Qayb ka mid ah khubarada nafaqada (nuitritionists) waxay ugu yeeraan sanadka 2008 sanadka fitamiin D, marka la eego tirada xaqiiqooyinka iyo cilmibaarista lagu guulaystay.
    Dhinaca kale haddaan ka eegno dhulka soomaliyeed waxa uu dhacaa dhulbaraha oo hela qorax joogto ah, waxaana dadkiisa loo tixgaliyaa inay ka mid yihiin dadyowga ugu firfircoon, uguna caqliga badan qaaradda Africa; ayna u sii dheertay caafimaad badni, marka laga reebo cudurada ka dhasha nafaqo-darada iyo nadaafad xumada. Laakiin muuqaalkaas waxaa ku yimid isbadal marka la eego soomaalidii faraha badnayd ee u soo hijrootay dhulalka qabow ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waxaa soo foodsaaray, ayaga iyo bulshooyinka madowba, caafimaad daro saamaysay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, min ilmo dhashay illaa waayeel. Cuduro oo ay ka midyihiin jir xanuun, daal, xanuunada maskaxda (sida depression, Schizoprenia), iyo kuwo si gaar ah u saameeyey caruurta sida Ootiisam (Autism), fahmo daro iyo karti la`aan. Waxayna ka sare mareen dadkay u yimaadeen xanuunaday caanka ku ahaayeen sida Macaanka, Dhiigkarka, Shalalka, wadna-xanuunka, Kansarka  iwm. Shaki kuma jiro in bay’addu lug ku leedahay xanuunadaas faraha badan ee dhulka qaboobuhu caanka ku yahay, lakiin xaqiiqda dhabta ah ee keenta wali la iskuma raacin, waxaa sanadihii ugu danbeeyay soo ifbaxay muhimadda fitamiin D-ga, oo loo yaqaan Fitamiinka cadceeda (Sunshine Vitamin).
    Markaan dib u eegay qayb ka mid ah cilmibaarisyadii u danbeeyay ee la xiriira xanuunadaan soo sheegnay iyo sababta ay dadka madow si gaar ah ugu saameeyeen, waxaan ii soo baxday in xaqiiqda wax laga ogaaday, laakiin dadyowgan dhibani ay la`yihiin cid wax u sheegta. Sidaas darteed baan go`aansaday inaan maqaalkaan qoro oo aan ugu talagaly baraarujin iyo aqoon iswaydaarsi.
    Xaqiiqooyinka aan soo bandhigi doono waa kuwo intooda badan ka dahsoon dadwaynaha, oo laga yaabo inay ku cusboonaadaan xataa dhakhaatiirta qaarkeed, maadaama ay soo ifbaxeen dhawrkii sano ee u danbeeysay
    .
    Fitamiin D
    Fitamiinkan wuxuu u jiraa qaabab kala duwan waxaana ugu muhiimsan fitamiin D2 (Ergocalciferol) iyo D3 ( Cholecalciferol), oo laga kala helo dhirta iyo xayawaanka. Fitamiin waxaa la yiraahdaa nafaqooyin (organic nuitrients) inta badan uusan jirku samaysan karin, lagmamaarmaanna u ah falgalo badan oo jirka gudihiisa ka dhaca, sidaa darteed in qofku uu quuto loo baahanyahay; laakiin fitamiin D-ga intiisa badan jirkaa lagu dhexsameeya, waxaana la isku raacay inuu yahay hoormoon (hormone), laakiin dadka aan qorax heli karin wuxuu u noqonayaa fitamiin. Fitamiinkani wuxuu muhiim u yahay sidii uu jirku uga faa’iidaysan lahaa macdanka kaalshiyamka iyo fosfooraska, iyo koritaanka lafaha, muruqyada, maskaxda (neerfayaasha) iyo difaaca jirka.
    ilaha laga helo:
    Waxaa lagu sameeyaa jirka kore (maqaarka) ee qofka marka shucaaca qoraxdu ku dhacdo, ayadoo maadada kolesteroolka (cholesterol) loo badalo fitamiin D3. Wax ka yar boqolkiiba toban (10%) baa laga heli karaa cuntada. Sidaa darteed si qofku u helo fitamiin ku filan waa inuu qorax kulul u dhigaa jirkiisa (sida wajiga iyo gacmaha) ayadoon wax shucaaceeda celinkaraa uusan ku dahaarnayn sida kareemada, dadka cad waxaa ku filan sodon daqiiqo labo ilaa sadder jeer isbuucii, laakiin dadka madow waxay u baahan yihiin muddo intaa ka bada shanlaab, maadaama, maadada jirkooda ku jirta ee loo yaqaan Melanin ay shucaaca qoraxda celiso. Tusaale ahaan marka qorka cadi qoraxda isu dhigo muddo 20 daqiiqo ah wuxuu jirkiisu samayn karaa 20,000 units (0.5 mg) oo fitamiin-D ah. [2] 
    Isha kale ee laga helaa waa cuntooyinka ay ka mid yihiin kaluunka (sardines iyo salmon), ukunta, caanaha iyo haruurka. Balse waxaa muhiim ah in cuntooyinkaasi ay ka yimaadeed meel qorax leh ama ay warshaduhu ku daraan. 
    Sababaha Fitamiin-D yaridda
    Saddexda qaybood ee keena fatamiin D yaridda waxay kala yihiin qaadasho la’aan, dheefshiid xumo iyo jirkoo isticmaali waaya. [3]
    1)Qaadasho la’aan: tani waxay ka dhalan kartaa qorax la’aan, isticmaalka walxaha shucaaca qoraxda celiya iyo af-ka-qaadasho la’aan (cunto ahaan ama daawo ahaan). Waayadan danbe waxaa siyaaday talooyin ay dhakhaatiirtu bixinayeen oo ah in qoraxda laga fogaado iyo isticmaalka kareemada shucaaca celiya, baqdin laga qabo kansarka maqaarka darteed, taasina waxay keentay in lagu tiirsanaado fitamiin D-ga laga helo cuntada, tanoon dabooli karin baahida. Arintani waxay si siyaado ah u saamaysay wadamadii markiiba horaba qoraxdu ku yarayd sida Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Cruurta iyo waayeelka oo inta badan guryaha ku jira iyo dumarka xijaaban ayaa dhibku ku sii badan yahay.
    2)Dheefshiidid xumo: tanina waxay dhacdaa marka ay mindhiciradu kala bixi waayaan cuntada fitamiinka ku jira, taasoo ka dhalankarta ayagoo jiran ama deriskunoole (parasites) ka horistaaga shaqadooda. Mindhicirada iyo haragu (maqaarku) markay duqoobaana shaqadoodu aad bay hoos ugu dhacdaa, sidaa darted dadka waayeelka ahi si gaar ah ayay ugu nugul yihiin fitamiin D-yaridda.
    3)Isticmaal-karid la’aan: haddii jirku ku guulaysto inuu fitamiin D helo (qaababkaan kor ku soo sheegnay), waxaa dhicikarta in qofku ka faa’iidaysan waayo haddii uu ka jiranyahay beerka ama kalyaha, oo ah labada meelood ee lagamamaarmaan u ah qaabaynta fitamiinka D-ga si uu shaqadiisii u qabsado. Sidoo kale waxaa jira daawooyin haddi qofku qaadanayo sahlaya in fitamiinku si dhaqso ah u burburo intaan laga faa’iidaysan. 
    Arimaha Muhiimka ah ee Saameeya Heerka Fitamiin D-ga
    ·Heerka midabka jirka (maqaarka) (kor ka eeg)
    ·U banbixidda shucaaca qoraxda
    ·Qaybta raashinku ku biirin karo (<10%)
    ·Goobta qofku dhulka ka joogo (dhigaha)(latitude)(maxaa yeelay meelaha qaarkood si kasta oo qoraxdu u soo baxdo shucaadeedu ma dhalinkaro fitamiin ku filan)
    ·Xilli-sanadeedka lagu jiro iyo xagasha qoraxdu marayso
    ·Isticmaalka shucaac-celiyaayaasha (kareemooyinka, dharka, iwm)
    ·Banaan u bixidda
    ·Xajmiga jirka (qofka cayilan fitamiin D-ga dhiigiisa ku wareegaya waa uu ka yaryahay dadka kale, maadama aa fitamiinku uu ku milmo baruurta)

    Raadka Fitamiin D-yarida
    Marka heerka fitamiinka D-ga ee dhiiigu hoos u dhaco waxay keeni kartaa ama sahli kartaa in qofku la kulmo cuduro dabadheerada (chronic) sida lafa-qalqalooc (Rickets), lafa-xombobosho (osteoporosis), murqo xanuun, daal, kansar, macaan (sonkor), timo-daadasho, cayil, dhiigkar, cudurada kalagoysyada (Rheumatoid arthritis), hargab-xiliyeedka (seasonal influenza) iyo kuwo kale.
    Sidoo kale xogaha caafimaadku waxay muujinayaan in fitamiin D yarida ay weheliyaan cudurada ku dhaca habdhiska dhimirka (central nerve system) sida kuwa nafsaaniga ah(depression, schizophrenia, seasonal effective disorder) iyo kuwa kale afka qalaad lagu yiraahdo Multiple Sclerosi, Alzheimer’s  and Parkinson’s diseases. Haddaba tijaabooyin lagu sameeyay xayawaanka waxay muujiyeen in fitamiin D yaridu ay keeni karto inuu xumaado koriinka iyo shaqada habdhiska dhimirka  ee ilmaha dhasha. Isku soo duuboo, isu dheelitir la’aanta heerarka fitamiin D-ga ee jirka waxay keeni kartaa shaqo-xumo iyo cimri-degdeg ku yimaada habdhiska dhimirka.
    [4]  Baaritaan lagu sameeyay caruurta qabta cudurka Oostisam-ka, oo ku dhaca maskaxda (dhimirka), waxaa la xiqiijiyay in dhammaantood ay hayso fitamiin D yari, taasoo taageeraysa  aragtida ku doodaysa in cudurkani ka dhasho fitamiin D yaridda. [5]
    Calaamadaha guud ee lagu garto fitamiin D yarida waxaa ka mid ah qaloocsan ku dhaca lafaha dhaadheer ee caruurta, jir- iyo lafo-xanuun, tabardaro murqaha ah, sahal u jabid, timo-daadasho iyo habiso (low mood).
    OOTISAM (AUTISM)
    Waa xanuun ka dhasha khalad ku yimaada koriinta maskaxda kaasoo aan ka harin ilmaha inta noloshiisa ka hadhay. Waxyaalaha lagu garto waxaa ugu muhiimsan 1) dhibaato ilmaha ka qabsata dhexgalka mujtamaca (social interaction), sida inuu fahmo jawiga ku wareegsan, 2) inuu tayo ahaan u lumiyo la xiriirka dadka sida in hadalku ka soo bixiwaayo ama si wanaagsan ereyada ugu dhawaaqi waayo, iyo 3) in ilmuhu uu ku dhago ama ku celceliyo hal arin ama xarakaat.
     Cudurkani wuxuu noqday mid aad u baahsan (epidemic), tusaale ahaan Ingiriiska 88-ddii ilmood mid ayaa qaba cudurkan
    .[6] Inta badan ilmaha cudurkan ku dhacaayi lama ogaado illaa ay gaaraan 3 ama 4 sano jir, markaaso ay cadaato khalalka ku jira hadalkiisa iyo dhexgalka mujtamaca. Laakiin sanadka 1aad ama 2aad saddex arimood oo muhiim ah ayaa muujin kara in ilmuhu uu cudurka qabo, waana ilmahoo u soo jeensanwaaya marka magaciisa loogu yeero, asagoo qofka hortaagan si wanaagsan u qaabili waaya iyo hadalkoo ka soo bixi waaya.
    Guud ahaanse xanuunkani wajiyo badan ayuuu leeyahay, waxayna ku xirantahay heerka dhaawaca maskaxda gaaray, wuxuuna ilmuhu u dhexayn karaa mid curyaamay oo aan waxba kala garanyn iyo mid u muuqda inuu caadi laakiin fahankiisa iyo feejignaantiisu ay hooseeyso (Attention Deficit Disorder), sidaa darted baa cuduradan waxaa la isku yiraahdaa  Cudurada la xiriira Ootiisamka (Autistic Spectrum Disorder ama ASD).
    Illaa iyo hadda lama tilmaamin sabab gaar ah oo cudurkan keenta, balse waxaa la malaynaa inay jirto arin la xiriirta cimilada iyo bay’adda , taasoo
    sahasha in ilmaha hiddo ahaan nuguli uu ay cudurka qaadaan.[7] 
    Goor hore sanadkii 1991-dii ayaa cilmi baare ka socda Machadka Qaranka ee Badbaada Shaqada iyo Caafimaadka ee wadanka Maraykanaka (NIOSH , CDC) wuxuu sheegay in maada Meerkuriga (Hg) ay ka mid tahay walxaha la xaqiijiyay inay dhaawacaan uurkugirta, gaarahaan xagga maskaxda, ilmaha dhashaana wuxuu yeelankaraa dabaceedo khaldan oo ay ka midyihiin qalalka, ootisamka, iskitsofareeniya, feejignaan xumo iyo kuwo kale.
    [8]
    XIRIIRKA KA DHEXEEYA OOTISAMKA IYO BAY’ADDA 
    (MEERKURIGA IYO FITAMIIN D-GA)
    Kaalinta Meerkuriga (Hg)
    Tan iyo markii ay bilaabantay isticmaalka faraha-badan ee talaalka tobonaankii sano ee u danbeeyay waxaa barbar socday siyaadidda tirada cudurka Ootisamka. Dhinaca kalana cudurkani wuxuu ku badanyahay wadamada dhulbaraha aadka uga fog. Waa arimo su’aalo muhiim ah dhaliyay!!
    Waxaa la ogyahay in inta badan talaalada ay ku jirto maadada loo yaqaan Thaaymeerasool (Thimerosal) oo loo adeegsado inay daawada ka ilaaliso bakteeriyada (preservative), taasoo markay jirka gasho isu badasha meerkuri (Hg) sun ku ah difaaca jirka iyo dhimirka (maskaxda). Baaritaano badan oo lagu sameeyay xayawaanka iyo dadkuba waxay muujiyeen in meerkuridu keeni karto cudurada la xiriira Ootiisimka ama ASD
    .[9]
    Meerkuriga waxay kaloo ku jirtaa daawooyinka loo isticmaalo indhaha, dhagaha, cunaha iyo maqaarka, kuwa ellerjiga lagu baaro, kuwa ka hortaga dhalmada; kareemada la isku caddeeyo (bleach) iyo kuwa la isku qurxiyo; boomaatada cadayga iyo kuwa wax lagu nadiifiyo (antiseptics, disinfectants, fungicides, and herbicides); maadada loo isticmaalo buuxinta ilkaha (amalgam) iyo kuwo kale oo  badan.
    Marka ay meerkuridu gasho jirka hooyada (sida badan talaal ahaan ama daawo ahaan), waxay si sahal ugu gudubtaa uurkujirta iyo maskaxdiisa koraysa, taasoo ay dhibaatayn karto haddii difaaca jirku uusan si degdeg ah isaga sifaynin. Waxaa kaloo  muhiim ah inaan ogaano koriinka maskaxdu uusan dhamaystirmin illaa ilmuhu ka gaarayo 2 sano.
    Marka ilmuhu dhasho waxaa la siiyaa talaalo badan oo ay ku jiraan maadada Thaaymerasol, taasoo ku ururta jirkiisa, gaar ahaan maskaxda. Haddaan si gaar ah u eegno wadanka Maraykanka, magaala Kalifoorniya, waxaa cudurka Ootiisam-ku siyaaday 634% intii u dhexaysay 1987 iyo 2002, taasoo aan lagu fasiri karin garashada cudurka oo wanaagsanaatay ama dadka u soo  hijrooday  oo kalaiya, balse inay jirto siyaado ku timid waxa cudurka keena (Thimerasol ??).
    [10] Sidoo kale xanuunada la xiriira Ootiisam-ka waxay wadanka Maraykanka ka gaareen heer lixdii caruur ahi mid kamida uu hayo.[11]
    Haddaan marka dib u eegno talaalada caruurta la siiyo ee ay ku jirto Meerkuridu waxaa ka mid ah DTP (Diphtheria-Tetanus-Pertussis) (25µg Hg dhooskiiba) taasoo ilmaha la siiyo mararka da’doodu tahay 2, 4, 6, iyo 18 bilood jir; Hib (Haemophilus influenza type b) (25µg Hg dhooskiiba) waxaa la siiyaa markay 2, 4, 6, iyo 18 bilood jir yihiin; talaalka Hepatitis B (12.5µg Hg dhooskiiba) waxaana la siiyaa markay dhashaan, 2 iyo 6 bilood jirka. Sidoo kale meerkuridu waxay raaci kartaa caanaha naaska hooyada haddii hooyada la siiyaya daawo ka hortag ah, marka ay dhasho ilmo ka dhiig duwan ayada (Rh-negative mothers), daawadaasoo ay ku jirto meerkuri (10.5 illaa 50µg Hg dhooskiiba) ama ay hooyadu ilkaha loogu buuxiyey maadada Amalgam (oo meerkuri ku jirto).  Waayahanna talaalka hargab-ka (influenza) waxaa ku jira Thaaymerasool (ama Meerkuri).
    Sidaa daraadeed ilmaha waxaa jirkiisa ku ururi kara meerkuri cadadkeedu gaarayo 237.5µg oo Hg ah 18-ka bilood ee u horeeya noloshiisa, taasoo aad uga sareysa heerka ku  sumowga meerkurida.
    Cilmi-baarayal badan ayaa ogaaday in daawaca gaara neerfayaasha iyo calaamadaha ka dhasha ku sumowga meerkurida iyo cudurka Ootisamku inay isku mid yihiin. Taasoo loo eedsaday meerkuridu inay tahay waxa keenay cudurkan. Taasina waxay keentay in wadanka Maraykanku codsado in laga saaro ama la yareeyo meerkurida ku jirta talaalada la siiyo caruurta ka yar 6 sano (preservative free vaccines).
    Markaan isku soo uruurino, xogaha aan kor ku soo sheegnay waxay muujinayaan in meerkurida sida isdabajooga ah u gaaraysa  ilmaha intuu uurka ku jiro iyo dhalashada ka bacdi inay sahlayso in ilmaha hido ahaan nuguli uu cudurka ootiisam-ka qaado.
    Kaalinta Fitamiin D-ga ka sifaynta jirka Macdanta culus sida Meerkurida
    Ka sifaynta jirka macdanaha culus waxa inta badan u dhacdaa qaab la yiraahdo oksidhaytiif-redhakshan (oxidative-reduction) oo ay sahasho maadada la yiraahdo Glutathione. Habdhiskaas difaaca si wanaagsan uma shaqeeyo bukaanada qaba cudurka ootiisamka, waxaana la ogaaday in fitamiin D-gu muhiim u yahay habsami u socodka sifaynta macdanaha culus.
    Dhinaca kalana waxaa la xaqiijiyay in dhammaan bukaanada ootiisamka uu ku yaryahay fiitamiin D-gu, jirkoodana ay ku jirto meerkuri siyaado ah. Sidaa darteed iswaafaqaddida labadaa arimood waxay muujinaysaa sababta ka danbeysa cudurkan.
    Qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa ku doodaya in fitamiin D-yarida kaligeed ay ku filantahay inay keento cudurka Ootiisamaka, marka la eego cadaymaha loo hayo sida uu muhiim ugu yahay koriinka maskaxda iyo sida ay isugu egyihiin qaabka maskaxda bukaanka ootiisamka iyo xayawaano tijaabo lagu sameeyay, tusaale ahaan haddii fitamiin D-yari darani hayso hooyada jiirka, wuxuu jiirkaasi yeeshaa maskax wayn iyo godadkeeda (ventricles) oo balaarta, taasoo ay isaga muuqaal yihiin caruurta Ootiisamka.
    [12]
    Xujooyinka loo hayo in Fitamiind D-yaridu iyo Meerkuridu keeni karaan Ootiisamka
    1)xogo kooban oo la hayo ayaa waxay muujinaayaan in cudurka Ootiisamku uu ku badanyahay dadka ku nool dhinca cirif-yada dhulka, wuuna ku yaryahay dhulalka qoraxda leh ee dhulbaraha u dhow. Baaritaan ay dhawaan samaysay xarunta xakamaynta cudurada ee Maraykanka (CDC) wuxuu muujiyay in 14-ka gobol oo baaritaan lagu sameeyay gobolka cudurkani ugu badan yahay inuu yahay New Jersy, oo ah gobolka labaad ee waqooyiga u xiga, gobolka ugu cudurka yarna uu yahay Alabama, oo ah kan koonfurta u xiga goboladii baaritaanka lagu sameeyay.
    [13]Juquraafi ahaana waxaan doodi ku jirin in dhulka dhaca loolalka sare (higher latitudes) in fitamiin D-gu ku yaryahay, qoraxdoo ka dadban awgeed, taasoo macnaheedu yahay in hooyooyinka fitamiin D-gu ku yaryahay ay khatar ugu jiraan inay dhalaan ilmo uu hayo Cudurka Ootiisamka ee Ilmaha (Infantile Autistic Disorder, IAD), kaasoo ka dhalan kara korid la’aan ku timid maskaxdooda ama hoos u dhac ku yimid difaaca hooyada intay uurka lahayd.[14] 
    2)Waxaan soo sheegnay xiriirka ka dhexayn kara talaalada iyo Ootiisamka, inkastoo talaalada laga isticmaalo wadamada kulaylaha, cudurkani aad buu uga yaryahay kan wadamada qaboobaha, taana waxaa lagu fasiri karaan in qoraxdu ama fitamiin D-gu uu kaalin ku leeyahay (difaaca ah).
    3)Inkastoo warbixino is diidani ka soo baxeen baaritaanadii lagu sameeyay xiriirka ka dhexeeya xiliga ilmuhu dhashaan iyo cudurka Ootiisamka, haddana dhowr baaritaan oo muhiim ah ayaa muujinaya in ilmaha dhasha xilliga qaboobaha (winter) uu cudurku ku badan yahay, gaar ahaan   dhamaadkiisa, bisha Maarso (March) oo ah marka  heerka fitamiin D-gu ugu hooseeya.
    [15]
    4)Cudurka Ootiisamku wuxuu ku badanyahay dadka madow eek u nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaasoo dabcan ay hasyo fitamiin D-yari badan, inkastoo uu cudurkani uu dhif iyo naadir  ku yahay wadamada ay asal-ahaan ka soo jeedan. Tusaale ahaan heerka cudurkan ee magaalada Goteborg, ee Sweden, ilmaha ay dhaleen dumarka ka soo jeeda wadanka Ugaandha waxay 200 jeer ka badan yihiin dadwaynaha kale.[16],[17] Inkastoo abbaaraha 90% dadka madow eek u nool dhulka qaboobaha ay fitamiin D-yari hayso, haddana baariitaan si gaar ah loogu sameeyay durmarka uurka leh ee USA waxay muujinaysaa 45% dumarka madow ay hayso fitamiin D-yari khatar ah, meesha dumarka cadi ay yihiin oo kaliya 2%. Qaadashada fiitamiin D gaaraya 400IU ama 10µg waxweyn uma tarin, maadaama 90% dumarkaa baaritaanku lagu sameeyay ay qaadanayeen dhooskaas.[18]
    5)Cilmi baarayaashu waxay ogaadeen in heerka fitamiin D-ga ee hooyooyinka iyo bukaanada xanuunkani uu ka hooseeya dadka dhiggooda ah. Dhowr baaritaan waxay caddeeyeen in hooyooyinka madow ay ku badantahay inay dhalaan ilmo miisaankoodu hooseeyo iyo in ilmahoodu hore u dhintaan.[19]Hoosaynta miisaanka ilmaha iyo inuu dhasho waqtigii oo aan u buuxsamin waxay ka midyihiin waxyaalaha sahla (risk factors) cudurka Oostiisam-ka,[20] arimahaasina waxayna ka dhalan karaan sida la ogyahay faatimiin D-yarida.[21] Maxaa yeelay waxaa la ogaaday in fitamiin D-gu yareeyo khatarta hore-u-dhalashada iyo miisaan-hoosaynta ilmaha dhashay.[22] Tusaale ahaan haddii la siiyo hooya uurka leh 1,200 yunit (IU)(30µg) maalintii oo fitamiin D ah saddexda bilood ee u danbaysa, waxay siyaadisaa miisaanka ilmaha, sidoo kale marka la siiyo 600,000 yunit (15mg) labada bilood ee 7aad iyo 8aad ee uurka waxay sii siyaadisaa miisaanka ilmaha.[23]
    6)Hayadda Xakamaynta Cudurada ee USA iyo kuwo kele waxaa sheegeen in caruurta madow ay ka tiro badan yihiin kuwa cad marka la eego xanuunka maskax-yarida aan aadka u darnayn, taasoo fasiraad looga waayay inay sababtu tahay arimo dhaqan-dhaqaale (socio-economic factors).[24]
    7)Haddii la yiraahdo fitamiin D-yarida ayaa cudurkan keenta, waxaa la is oran karaa haddaba marka qorax la helo oo heerka fitamiinku kor u kaco waa in xanuunka laga roonaadaa. Baaritaan arintaa lagu sameeyay wuxuu muujiyay ka roonaansho calaamadihii cudurka  Ootiisamka marka bukaanada la geeyo meel qorax leh. Sidoo kale waxaa wanaagsanaada qaab-dhaqanka bukaanadan marka nashaad loogu sameeyo banaanada ka baxsan guryaha xilliyada qorax fiicani jirto (summer), taasoo kor u qaada heerka fitamiin D-ga ee maskaxdooda.[25]
    8)Caruurta aan jirkoodu fitamiin D-ga isticmaali Karin, hiddo-ahaan, waxaa lagu yaqaanaa murqo-jilicsanaan, firfircooni-yaraan, dib u dhac ku yimaada inuu awood buuxda helo, xasilooni-darro, korid-la’aan iyo calaamadaha kele oo ay Ootiisam-ka wadaagaan. Sidoo kale waxay calaamahaas wadaagaan cudurka loo yaqaa Riketis (Rickets) oo ka dhasha fitamiin D-yarida.
    FITAMIIN D-GA IYO CUDURADA RAGAADIGA AH
    [26]
    Waxaa jira baaritaano badan oo ku talinaya in fitamiin D-yarida ay la xiriiraan cuduro badan oo ragaadi (chronic) ah, kuwaasoo ay ka midyihiin lafo-xombobosho (osteoporosis), macaanka/sonkorta, kansarka, dhiigkarka, wadno-qabadka, shalalka, ruumotiisamada, iyo kuwo kale. Cuduradaas oo mararka qaarkood loogu yeero cudurada magaalada ama cudurada wadamada hore-u-maray maadaama ay meelahaas ku badan yihiin. Inkastoo qaab-noleleedku ay qayb ka qaadan karto, haddana sabab si khaas ah u keenta weli lama qeexin.
    Haddaba si aan loo fahmo xiriirka ka dhexeeya fitamiin D-yarida iyo cuduradan, ayaa cilmi-baarayaal waxay daraaseeyeen heerka jiritaan cudurada kansarka iyo dhiigkarka adduunka oo dhan, waxay ogaadeen in heerka jiritaanka cuduradu uu kordho markasta oo laga sii fogaado dhulbaraha, oo macnaheedu yahay cadceeda iyo fitamiin D-ga oo yaraada, taasoo tusaale u ah dhammaan cuduradaan soo sheegnay. Dhinaca kale waxaa la arkay inuu sareeyo heerka u dhimashada kansarka ee dadka madow ee Maraykanka iyo kuwa cayilani taasoo lagu fasiri karo heerka fitamiin D-ga.
    [27]  Sidoo kale tirada ugu badan ee cudurka macaanka-caruurta (type 1 diabetes mellitus) waxay ka jirtaa wadanka Filand, dhawaana waxaa la ogaaday inuu toban-laab ku badan caruurta asalkoodu yahay Afrikaanka, taana waxaa la mid ah wadanka Marayka, sababtana fasiraad aan fitamiin D-ga ahayn looma hayo. Daliiladaas iyo kuwo kaloo farabadan ayaan waxay gundhig u yihiin daahfurka muhimadda uu leeyahay fitamiin D-gu.
    Aad bay noogu daba-dheeraanaysaa haddaan cuduradan ragaadiga ah ee laxiriira fitamiin D-ga mid mid u falanqayno, qofkii sii xiisaynaya inuu wax ka sii ogaado wuxuu macluumaad badan ka heli karaa internet-ka. Laakiin waxaa ila haboonaatay inaan halkaan ku xuso baaritaano dhawaan la sameeyay oo muujinaya in dumarka ay hayso fitamiin D-yari ay 253% ay khatar ugu jiraan in kansarka mindhicirada ku dhaca (colonic cancer), dumarka qaata 1,500mg oo Kaalshiyam ah iyo 1,100 IU oo fitamiin D ah maalintii muddo 4 sano ah fursadda inay ka badbaadaan kansarkan waxay ka badan tahay 60%.
    [28] Sidoo kale dumarka fitamiin D-gu ku yaryahay waxay khatar ugu jiraan kansarka naasaha 75%.[29]
    Waxaa kaloo la ogaaday in xiriir muhiim ahi ka dhexeeyo fitamiin D-yarida iyo wahsiga, damanaanta (low mood) iyo hargabka; maxaa yeelay arimahaan waxaa aad u soo muuqdaan xiliyada qaboobaha ah markaasoo qoraxda iyo waxtarkeeduba yaraado, iyadoo arimahan laga roonaado marka la isticmaalo fitamiin D-ga.
    Baaritaano lagu sameeyay wadanka Maraykanka oo la isugu barbardhigay xiriirka ka dhexeeya fitamiin D-ga iyo cudurada qaarkood ee dadwaynahooda, waxay muujiyeen in dadka fitamiinkoodu aadka uu hooseeyo (<15ng/ml) inay khatar ugu jiraan  dhiig-kar 30%, subaga dhiiga (sida kolesterool) oo kor u kaca 47%, macaanka (diabetes) 98% iyo cayil 129%.
    [30] 
    Haddaan si gaar ah u eegno dumarka uurka leh, waxay khatar ugu jirtaa lafaha miskaha oo qaloocsama, ilmaha uurka ku jira oo lafihiisu si wacan u kori waayaan, dhaqaaqiisa oo yaraada iyo dhiig-kar ku dhaca hooyada, arimahaas oo keeni kara in hooyada la qalo xilliga dhalmada. Waxaa kaloo ilmaha uurka ku jira ku imaan kara koriin-xumo guud.
    [31]
    Guud ahaan dhibka ka dhashay wuxuu si aada u saameeya bulshada madow iyo muslimiinta. Tusaale ahaan wadanka Denmark 88% dumarka muslimiinta carabta waxay ka sheegtaan daal iyo jir xanuun ka dhasha fitamiin D-yari. Waliba cuduradii badnaa ee aan soo sheegnay iyo cawaaqib xumadoodu waxay ku badan tahay bulshooyinkaas. 
    FITAMIIN D-GA IYO CUDURADA MASKAXDA (DHIMIRKA)
    Waxaa la soo jeediyay in fitamiin D-gu kaalin ku leeyahay cudurada dhimirka, taasoo lagu saleeyay arimahan soo socda
    :[32]
    1)Xaqiiqooyinka la xiriira hab-dhaca cudurkan (epidemiological evidence) waxay muujinayaan in xiriir ka dhexeeyo qorax la’aanta iyo cudurada dhimirka. Waxaa xaqiiqo ah in cudurada dhimirku ku badan yahay wadamada qabow, tusaale ahaan wandanka Igiriiska lixdii qof mid baa qaba.
    2)Dadka qaba cudurada dhimirka waxay u badan yihiin inay hayso fitamiin D yari [ low 25(OH)D].
    3)Inta badan cudurada dhimirka waxaa weheliya cuduro kale oo la xiriiraan fitamiin D yari.
    4)Tijaabooyin lagu sameeyay xayawaan iyo sheybaaro waxay sharaxeen qaabka fitamiin D yaridu uga qayb-qaadan karto cudurada dhimirka.
    5)Cilmi baarisyo ayaa muujiyay in fitamiin D-gu wax u taro marka la siiyo dadka qaba cudurada dhimirka.
    Sidaa darteed qofkasta oo qaba cudurada dhimirka ee jooga dhulka qaboobaha waa in la ogaadaa heerka fitamiin D-giisa, korna loo soo qaado haddii uu hooseeyo, gaar ahaan dadka madow iyo kuwa aan qoraxda u soo bixin. Cudurada dhimirka ee sida gaarka loo baaray waxaa ka mid ah dammanaanta (low mood), quusta (depression), iskiisofareniya iyo waalida (mania, bipolar disorder and seasonal effective disorder).
    Arinta kaloo xiisaha leh waxay tahay inay jiraan xiriir ka dhexeeya heerka fitamiin D-ga iyo garaadka qofka, taasoo la oran karo in fitamiin yaridu keeni karto garaad-yari, maxaa yeelay waxaa la arkay qaadashada fitamiin D-gu ay garaadka kobciso.
    [33],[34]
    SOOMAALIDA, OOTIISAM-KA IYO FITAMIIN D-YARIDA 
    Waxaa la ogaaday in caruurta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Manisooto, Maraykanka, ee qabta cudurka ootiisam-ka ay ka badan yihiin kuwa kale. Baaritaan ay samaysay waaxda caafimaadka ee Maanisooto 2009-kii, oo dib loogu eegay diiwanada iskuulada muddo saddex sano ah (2005 ilaa 2008), gaar ahaan caruurta da’doou u dhexayso 3 illaa 4 sano jir, waxaa lagu ogaaday in tirada caruurta Soomeeliyeed ee heshay kaalmada la siiyo dadka qaba cudurka ootiisamka ay 7 jeer ka badan yihiin caruurta aan Soomlida ahayn.
    [35]
    Sidoo kale wadanka Iswiidhan (Sweden), baaritaan lagu sameeya 17 ilmood oo qaba cudurka ootiisam-ka, waxaa lagu ogaaday in ilaa 4 laab ay Soomaalidu ka badan yihiin dadka kale.[36] Taas macnaheedu waxay noqon kartaa inay ka badan yihiin xataa dadyowga kale ee madow.
    Haddaan dhinaca kale ka eegno, Soamaaliya oo hesha cadceed sanadkoo dhan, way adagtahay inaad ka dhex hesho dadkeeda ilmo qaba cudurka ootiisamka, xaqiiqdiina ma jiro magac ay Soomaalidu u taqaan cudurkan. Laakiin markay u hijroodeen dhulalkaa qabow waxay noqdeen bulshada ugu horeeysa saamaynta cudurkan. Tanina waxay ka yaabisay saynisyahano badan, maxaa yeelay, waxay ka hortimid arigtidii hore loo qabay oo ahayd in cudurkani intiisa badan la xiriiro hiddaha (genetic), maadaama hiddahaasi muuqan waayay markii Soomaaliya la joogay. Runtiina waxaan ku doodi karaa inay tani ahayd arinta daahfurtay in xaqiiqda cudurkan la fahmo ama si dhab ah loo eego.
    Anagoo og kaalinta fitamiin D-ga iyo meerkuridu ku leeyihiin cudurka ootiisamka, in Soomaalidu u sii nuglaato cudurka waxaa sii sahlay, marka koowaad, intabadan dumarka soomaaliyeed oo xirta xijaabka iyo ayagoo guryaha ku ekaada, taasoo ah waajibaad diineed, iyo marka labaad, ka warqabid la’aanta faa’iidooyinka fitamiin D-ga, gaar ahaan marka la joogo dhulka qoraxdu ku yartay.
    GUNAANAD
    Doodeenaas ka dib, waxaa iska cad in fitamiin D-gu muhiim u yahay koriinka iyo shaqada jirka dadka (iyo noolaha kalaba), iyo ka hortagga cuduro badan, waana maado aan dhib-badnayn, laakiin nasiib daro, waxaa qaadasheedii caqabad ku noqoday baqdin aan muhiim ahayn oo laga qabo dhibkeeda (side effects), qoraxdii oo laga fogaaday iyo ku baraarug la’aanta faa’iidooyinkeeda.
    Baaritaanadii u danbeeyay waxay banaanka soo dhigeen muuqaalka saxda ah ee hoormoon-kaan, waxayna tibaaxeen sababaha ka danbeeyn kara cuduro badan oo lala xiriiriyay bay’adda. Haddaba waa inaan ku baraarugnaa muhimadda ay leedahay arintan, oo aan waqtigu naga dhicin, kana hortagnaa cawaaqibxumada ka dhalan karta fitamiin D-yarida.
    Maadaama cudurka ootiisamku ku badan yahay dadka soo-galootiga ah (immigrants), dhinaca kalana wax ka qabadkiisu u baahanyahay dhaqaale badan, wadamadaasi ma ayan siin tixgalintii loo baahnaa, waxaa la is oran karaa waxay u dhaqmayaan qaab cadowtinimo, tusaale ahaan sida ay uga warwareegayaan inay soo saaraan  xaasilka baaritaanada qaab-bulshadeed (demograpgic studies).
    Qeexiddii hore, oo ahayd in fitamiin D-yaridu ay tahay heerka 25(OH)D3 ee dhiiga kaasoo ka  hooseeya <15ng/ml (ama <37nmol/L), aad baan loo dhaleeceeyay, maadaama heerkaasi wax ka tari karo oo kaliya dhibkii gaari lahaa lafaha (rickets & osteomalacia), laakiin ka hortaga cudurada kale waxay u baahantahay heer ka sareeyaa intaas, kaa soo dhan  >40ng/ml (ama >80nmol/L), inkastoo khuburada qaarkood ay leeyihiin heerka ugu haboon waa abaaraha 60ng/ml (ama 120nmol/L). Haddaba in qofku joogteeyo heerka 40ng/ml, wuxuu u baahanyahay inuu qaato 75 IU/Kg oo miisaankiisa ah maalintiiba, taasoo celcelis noqonaysa 5,000 IU maalintiiba dadka waawayn. Laakiin haddii qofka ay haysay fitamiin yari daran, wuxuu u baahanyahay dhoos intaa ka badan si uu u soo kabto. Dhinaca kale, baaritaano badan waxaa ku cad haddii qofku qaato illaa 30,000 IU maalintii inaysan keenin wax dhib ah; waxyeeladuna (toxicity) waxay timaadaa marka heerka fitamiin D-ga ee dhiigu gaaro 500 nmol/L.
    [37]
    Cawaaqib xumada ugu daran ee fitamiin D yaridu waxay haleeshaa caruurta gaar ahaan markay uurka ku jiraan, taaso dhaxalsiin karta dhaawac daa’in ah oo kagaara maskaxda, hooyaduna ayaa mas’uul ka ah haddii aritaas looga hortagi kari lahaa inay qaadato fitamiin D (sida aan rumaysnahay). Ilmaha naaska nuugaya qaabka ugu wanaagsan ee lagu siiyo fitimiinkan waa hooyada oo qaadata 5,000 IU malintiiba ama ayagoo toos loo siiyo dhoos ku habboon. Hollis iyo Wagner waxay daahfureen in caanaha hooyadu ay noqonayaan il qani ku ah fitamiin D-ga (kuna filana ilmaheeda) haddii hooyadu qaadato 4,000 IU (100µg) maalintii.[38] Sidaa daraadeed hooyooyinku waa inay qaataan dhoos sare oo fitamiin D ah xilliga uurka iyo nuujinta, si ay ugu faa’iideeyaan naftooda iyo ilmahooda.
    Khubarada ku xeel-dheer hab-dhaca cudurada (epidemiologists) waxay sheegeen in hidduhu uu u gogolxaari karo balse uusan ahayn waxa keena ootiisamka, fiitamiin D yariduna ay qayb wayn ka ciyaarto. Hadii arintaasi run tahay (illaa xadna waa run e), cudurkan wuxuu noqonayaa mid ka dhashay dayacaad ka timid talo-xumo oranaysa qoraxda ha laga fogaado ayadoon la keenin wax badiil ah (aan lagu boorin in la qaato dhoos badali kara qoraxda).
    [39]
    TALOOYIN:
    1)Qofkasta, ayadoon loo eegin da’da, oo ku nool dhulka qaboobaha ah waa inuu qaataa fitamiin D gaaraya 75 IU/Kg maalintii ama 200,000 IU labadii biloodba mar.
    2)Qofkasta waa inuu isku dayaa inuu qoraxda isu dhigo, kana fogaado isticmaalka kareemada qoraxda celiya.
    3)Dumarka xijaaban ee ku nool dhulka qoraxda leh waa inay qaataan fitamiin D.
    4)Hay’adaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed waa inay ka qaybqaataan baaritaanka lagu hayo arimahan.
    5)Haddii aad u baahantahay warbixin dheeraad ah waxaad ka heli kartaan internet-ka, gaar ahaa casharo muuqaal ah (video) ayaa ku jira YouTube-ka, adigoo ku baaraya “vitamin D”, waxaa jiro website-yo u gaar ah fitamiin D-ga sida
     
    U dul qaadasho la’aanta sonkorta caanaha (Lactose intolerance) 
     Udul qaadasho la’aan sonkorta caanaha (Lactose intolerance)
    Caanaha waxa ku jira sonkor (lactose) taas oo hadii jidhku aanu burburin keeni karta xanuun caloosha ah. Sonkortani wax xidhiidha lama leh cudurka sonkorta ama kaadi macaanka.
    Lactose intolerance waa qofka oo aan lahayn ama uu ku yar yahay ansiimka laktas (lactase) ansiimkaas oo burburiya sonkorta caanaha ku jirta ee soo gaadhay mindhicirka yar. Hadii aan la burburin sonkortaas waxa ay u sii gudbaysaa mindhicirka weyn halkaas oo ay bakteeriyo ku khamiiriso sonkortaas taas oo keenta calool xanuun.
    Sadex nooc ee u dulqaadasho la’aanta sonkorta caanaha:
    • Ku dhalasho la’aanta ansiimka burburiya sonkorta caanaha waan wax dhif u dhaca.
    • Bilawga yaraanta ansiimka waana nooca ugu badan waxaanu sii yaraadaa wax Qabadka ansiimka marba marka ay qofka da’diisu sii waynaato.
    • Waxa dhaawac gaadhaa gidaarka mindhicirka yar ka dibna keenta wax qabadka ansiimka oo yaraada taas oo keenta u dulqaadasho la’aanta sonkorta caanaha.
    Astaamaha lagu garto
    • Neef ama naqas gala caloosha
    • Shuban
    • Casiraad caloosha
    • Dibiraad caloosha 
    Sidee loo baadhaa?
    • Adigoo iska daaya caanaha iyo waxyaabaha kale ee caanuhu ku jiraan dhawr maalmood ka dibna caba 2-3 koob oo caanaha ah caloosha oo madhan hadii ay kugu dhacdo casiraad caloosha ama shuban 30 daqiiqo ka bacdi waxa aad qabtaa cudurkan u dulqaadasho la’aanta sonkorta caanaha.
    • Qiyaasida sonkorta dhiigga ka hor iyo dib markii aad cabtay koob biyo lagu milay laktos sonkorta caanaha.
    • Baadhitaan cad yar oo laga soo gooyey mindhicirka yar.
    • Dhiig yar oo lagaa qaado ayaa lagu ogaan karaa.
    Daweynta
    Waa in aad iska dayso waxa kasta oo sonkorta caanuhu ay ku jirto oo inta badan ah caanaha iyo waxyaabaha lag sameeyo, hadana waxay ku xidhan tahay hadba sida uu qof walba u dareemo oo tusaale ahaan dadka qaar baa ku dareema dhibaatdan wax yar oo sonkortan ah oo ku jirta shaygaas uu cunayo tusaale ahaan jiiska halka dadka qaarkii ay dareemaan dhibaatdan marka ay cunaan ama cabaan wax badan oo ay sonkortani ku jirto. Cuntooyinka ay ka mid yihiin jiiska iyo badharka way ku yar tahay sonkortani inta badan.
    Waxa kale lagu daweyn karaa kiniin lala qaadanayo mar kasta oo cunto aad cunto, kiniin kaasi waxa uu burburinayaa sonkortaas caanaha ku jirta.