Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Hassan Sidow Ibrahim Maxamed

My Photos Maah Maahyo1 Maah  Maahyo 2 Fariimo Jacayl Iyo Geeraaro Sheekooyin Jacayl ah Guurka  Kororso Aqoontaada Calaa'cal  Sheekooyin Jacayl (1) Caafimaadka  Backgrounds Raaxada Guurka 1aad Raaxada Guurka 2aad Raaxada Guurka 3aad Xulka Geeraarada NAQSHADO CILAAN Qisooyin Jacayl Xanuun Badan XIKMADO   Sheekooyin Jacayl (2) E N J O Y - F L O W E R S CAAFIMAAD2 JACAYL  T A L O S I I N

SHEEKOOYIN JACAYL (2)

                 Qays Iyo layala

Laya aiyo Qays, waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India,hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen ?sheekadoodu siday se u dhacday ?

Nin la odhan jiray madjnun(ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla ,Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayaa Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo,

Qays arrintaasi waa u cuntamiweyday wuxuuna ku adkeystay in layla la siiyo,

halka Layla aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan qaaday,Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku hunguubay,

Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago.

Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay balse qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa raacay Layla.

Qays wuxu u tiriyey Layal gabay badan oo uu mar ku amaanaayo,marna ku calaacalaayo,marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo deristay.

gabayada Qays uu u tiriyey Layal waxay qayb ka noqdeen suugaanta Beershiya iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo.

Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layal mawduuca qudha oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka.

Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layal,qiimaha ay doonto ha ugu kacdee,waxaa la sheegaa in nin la yidhaa Ebne-e salam u weydiistay Layal aabeheed inuu siiyo laakin Layal aabeheed wuxuu ninkaa u sheegay in innantiisu weli yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu soo korto,

Qays wuxu galay nolo adag oo silic leh,sheekadii Qays waxay gaadhay nin la odhan jiray Nezamis's oo ahaa nin deeqsio ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Beershiya ee hada loo yaqaan Iiran,ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii u kala quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in Boqorkaa ay ka gaadhay in uu weerar ku qaado Layal reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono.

Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layal qabiilkoodii hadana Aaabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layal siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Layla,wuxuuna odhan jiray dabeylkasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii innanteyda,isago sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranyo inuu dilo oo qudha ka jaro Layal.

Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layal aabeheed ku qanciyo in uu isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layal iyo qays, ninkii Layla loogu balan qaaday ayaa doonay inuu ka faa,iideyso jaaniskaa isagoo u yimid Layala aabaheed mar labaad ,balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo siiyey........wuxuuna Layal u kaxaystay gurigiisii,Qays markii uu maqlay in Layla nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay.

Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa ,uuna u jeclaa si aada. Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii hore ..........balse nin qoyani biyo iskama dhowro.....isaga ayaaba tisii la il daran,wuxuuna Aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii buuxshay habardugaagii uu la noolaa.

inkastoo Layal la guursaday hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii siyaaday jaceylkii ay

Qays u haysay......Layal waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn.

mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii,Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay kulmaan.......Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga Layla ka saari karin Qays. balse

Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday waana dhintay....................................

sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin...Layal iyada uma dulqaadan karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay xanuunsatay waanay dhimamatay............

War xumi dugsi ma fadhiistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna bookhday xabaasheedii,halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka daba tegay Layal oo isna waa dhintay.............

inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layal iyo Qays ay adagtahay in si dhaba loo helo waayo waxay dhacday qarni aad u fog hadana sidan ayaa ugu dhow sida maanta loo weriy

Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso badan)

 

Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada, duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.

Bilawgii hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la'yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay, waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay waxbarashadisa, wuxuna go'aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto qaybaha ka hadhay. Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: " waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo, hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas" Inantiina, ‘hawraarsan' ayay ugu jawabtay.

Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la'aanta waxa ugu biiray feker badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go'aan ragonimo. Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.

Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor galab ah oo roob barqadii da'ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii. Markii madashii la gaadhay, reer Islaameed warama iyo belo ma ogina lays yidhi, martidiina qol heersare ah la fadhiisiyay waxa la guda galay hadafkii loo socday, qoladii guurtidu fariintii dhiibe, odaygii inanta dhalay iyo intii ka agdhowaydna rog roge taladii, aakhirkiina gudoonay fariintiinii, inantiina waanu idin siinay ayaa lagu kala tagay, iyo mahad Alla lehe, sharaf iyo ducaanu idinkaga tagnay.

Habeenkaa, inankii farxad aan hore loogu arag iyo dhoola cadayn qurux badan ayuu ku habeensaday. Maalmo kadiba, waxa la guda galay xafladii meherka, inankii iyo inantiina halkaas bay ku noqdeen ul iyo diirkeed. Inankii sidii balantu ahayd wuxu u safrayaa dal kale si uu waxbarashadiisa u sii wato, inantuna shaqadeedii ayay sidii caadada u ahayd ka hawl gashaa. Intii lakala maqnaa, xidhiidhku ma istaagin, oo waxa la yahay hal bawlaha dhiiga qaada iyo wadnaha dhiiga qaybiya, telefoon iyo dhambaaloba wixii lagu wada xidhiidhi karayay waa la joogteeyey. Xaalku wuxu noqday dhoof nooli kulantee, ha dhantaalin caashaqa dhakhso waan u soo noqon, inkasta oo duruufuu kala fogeeyeen lamanahan cusub, hadana mid kastaaba dhankiisa ayuu ka ilaaliyay kana xaq dhawray axdiga dhex yaala.

Maalmuhu ways daba socdaanoo, cashadii timaadaba samaan ama dhiilo mid uun bay sidaa, waxa dhacday inantii oo maalin ku socota xafiiskii ay ka shaqayn jirtay, ayaa waxa gaadhigeedii jiidhay oo meel isgoys ah kaga soo baxay gaadhi wayn waxana inantii helay shil aanay filaneyn. Miyir la'aan ayaa u xigay, waxayna ku war heshay iyadoo cusbitaalka taala oo la hareero joogo. Intii hore ma rumaysan waxa dhacay oo riyay u haysatay, hase yeeshee markay aragtay waalidkeed oo garab fadhiya ayay ogaatay inay shil gashay. Hooyadeed oo ilmo kasoo shagax tidhi ayay indhaha ku kala furtay, hadal ayay isku dayday mise afkiiba juuqduu gabay. Indhaha ayuunbay dadka ka aragtaa ee carabkiiba hadal maso celin karo. Waxa ku dhacay af xidhan oo hadalkii ayaa ka xidhmay. Dhakaatirtu waxay u sheegeen waalidkeeda in jugtii ka gaadhay maskaxdu ay waxyeeshay qaybtii hadalka.

Inantii waxa ku habsaday arrin laga naxo, waxa usoo galay waa cusub oo aan farxad lahayn, waxay noqotay dhegayso oo ha hadlin, waxay ku gashay mudo badan oo oohin aamusan ah. Mudo markii lagu hayay cusbitaalkii waxa loo qaaday gurigooda, laakiinse weli sidii bay u cod la'dahay, oo hadalku uga soo bixi la'yahay. Waxa aad u dhibay sanqadha ama cida telefoonka marku soo dhacayo, ma doonayso in wiilkii maqlo sida xaalku noqday, waxay ka cabsoonaysaa in uu telefoon soo diro oo ay la hadli kari waydo. Inantii talo waxay ku gaadhay inay warqad u dirto wiilkii, una sheegto inaanay sugi karayn, oo uu fasax ka yahay. Fariintii markii ay gaadhay wiilkii, amakaag iyo fajaciso aan hore loo arag ayay ku noqotay, wuxu is waydiiyay waxa soo dersay ee cusub, hase yeeshee jawaab waafi ah umuu helin weydiimaha ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Dhambaalo hor leh ayuu dabada isugu soo taxay, mase helin wax jawaab ah.. Telefoonka ayuu soo eersaday, tana waxba uma soo kordhin. Waxa keliya ee inantu samayn karaysay wuxu ahaa inay oohinta sii wado, ilayn ilmo kaama dhamaato.

Waalidkii waxay is tuseen inay meel kale u guuraan bal in ay kasoo rayso oo ilawdo arrimaha dhacay iyo shilka ay gashay. Deeganka cusub ee ay usoo diga rogteen, waxa ku yaala dugsi lagu barto luqada faraha layskala hadlo. Inantiina dugsigaas ayaa lagu daray.Waxay nafteeda ku qancisay inay ilawdo inankii, oo daadka ku darto warkiisa. Gabadh saaxibadeed ah ayaa u sheegtay in inankii soo noqday, kuye, ha u sheegin arrinkayga oo iska ilow ninkaas.

Sanad ayaa ka soo wareegay, gabadhii saaxibadeed ayaa maalin loo keenay kaadh casuumad aroos ah, mise maba laha iyadu ee waxay ku socotaa inanta hadalku ka xidhmay. Warqadii markii ay furtay inantii shilku helay iyada oo gariiraysa oo yaaban tolow waa ayo tan uu guursaday wiilkii, waxaba kaga soo baxay inantii warqadii wax la yaab leh, tolow waa maxay? Waa yaabka yaabkiise, inantii waxay ku aragtay kaadhka casuumada arooska magaceeda oo ku daba yaala magaca wiilkii. Inankii wuxu ogaaday wixii dhacay, wuxuna gaadhi u soo kaxaystay guriga cusub ee inantu joogtay, iyada oo labadii hablood iswaydiinayaan waxa ay tahay warqadu iyo sida wax u jiraan ayuu guriga hortiisa gaadhigii ku bakhtiiyay. Albaabka ayuu deg deg u soo garaacay waana laga furay, waxana uu markiiba dalbaday in la tuso qolka ay ku jirto inantu. Markuu so galay qolkii ayuu faraha ka hadlay, isaga oo leh, mudo sanad ah ayaan soo bartay luqada faraha ama calaamadaha, waxanse kuu sheegayaa inaanan anigu marnaba ku ilaawin wax kasta oo kugu dhacayba,ii ogolow inaan noqdo codka aad ku hadlayso, waanan ku jecelahay. Waxa xigay fargalkii oo uu farta u galiyay, iyo dhoolacadayn qurux badan oo inantu ku jawabtay. Sidaas bayna ku noqdeen kuwii hodmee hoy wada galee isku waara abid." Samraa sedkii hela.

Listing Site Updates

Qoraal Sheeko Jaceel ah Oo Aad U Xanuun badan Sii Akhri

Qoraal sheeko jacayl oo aad u xanuun badan ayay E-mail ahaan noo soo gaarsiisay gabar magaceeda ku soo koobtay A.M. oo ku nool magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, gabadhaas waxay hadda wehel u tahay Mucjiso Jacayl, waxayna ku bilaabanaysaa qisadii ku dhacday iyadoo ka sheekeynaysa sida tan:-

Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay, Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da'da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo dhacdada.

Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.

Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da'ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa aad loo xiisaynayay.

Kama diidi karine waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah. Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.

Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigirka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey. oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:

Mahad: Walaal A...m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy...........

A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.

Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ......

A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican.

Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga go.an.

Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.

Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.

Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas nahay, wuxuu igu tiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su'aal i waydiiyey:

A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..? Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri "Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?." mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya "Waad u qalantaa walaal waana aqbalay".

Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolay, Nasiib daro waxay na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono.

DHACDADII LABAAD:

Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse ii sheegtay arrin aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii dumar ah ee uu dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri "Magaalada Xamar, gaar ahaan Siinaay.

In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su'aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go'aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu qalbigiisa dhaawacday. waxaan u soo anba baxay xamar anigoo soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa lagu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan hakaa ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaamooyee ayaan soogalay xamar.

Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray ugurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.

waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go'aansaday in aan dib ug laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan. Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.

Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markii aan la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin wuxuu igula taliyey in aan iska Joogo waayo qadiyada jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu soo qaadayo isaga oo keenayo xarmar si aan u kulanano:

Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad xanbaarsan: 4/9/1993-dii goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay: Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri "Ma garanaysaa gabadhan wuxuu yiri haa Waa A.M" Waan ku soo booday oo isku duubay daqiiqado kaddib ayuu C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano ah.

Waxaan ka codsaday in uu iiga tago si aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan wadanay

C/kariin ayuu iga soo dhex galay isagoo igu yiri "Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd" isagoo sii daba dhigay su'aallo badan oo aan garan waayay, si saxariir ah ayaan ugu war celiyay iyadoo su'aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.

Mudo kaddib ayaan ku iri "Waa anigaan kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo". Waxaan ka ogaaday muddadii aan wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan iraahdo.

Waxaana go'aansaday in aan u kaxeeyo halkii aan ku noolaa ee Nayroobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna tiri "Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya".

Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani'aadamnimadu ku jirto in la is badbaadiyo.

Kaddib waxaan isu diyaariyey safar qarsoodi ah waxaana kaga ambabaxay magaalada Muqdisho safar dhinaca dhulka ah anigoo sii raacay gaari u socday Gobolka J/hoose xaruntiisa Kismaayo, markii aan tagnayna waxaan ka sii raacnay diyaarad ilaa Nayroobi.

Durba ma nasan oo waxaan geeyey dhakhtar dhimirka qaabilsan, hase yeeshee wax wayn uma tarin keliya daawo dejisa ayay siiyeen cid ma dilo, cid ma caayo sidaasaan kuwada noolnahay isagoo dhimirka aan caadi ahayn iyo anigoo isga uun eegta.

Waxaan deris la hay Jacaylkiisa isagoon nin ii ahayn waayo nin waalan waxba kuma xirmaan waxna kama furmaan, Reerkoodu waxay ii yaqaaniin saaxiradii wiilkooda waashay, reerkayaguna waxay ii yaqaaniin tii sixranaday markaan dersay waxa soomalidu sixirka u Taqaani WAA JACAYKA DHABTA AH.

Haddaba Mudo 12sano ah waxaan ku wada noolnay aragti keliya eed aadane oo aan ka baxsan lahay waayo isagu waxba garan maayo waxa ay leeyihiin oo waa qof ku nool daawo iyo in uu aniga i ag joogo keliya.

Wixii su'aalo ah igala soo xiriira Eamilakan Dhawaac dagaaladu dhimirkayga mariyeen dhab u fiirsha oo dheegta A.M.

DAREENKA JACAYLKA

Salmaan wuxuu ahaa wiil uu ilaahay u dhameeyey dulqaad, samir, iyo deganaan wuxuuna ku noolaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer.Salmaan hooyadii iyo Aabihii waxay dhinteen isaga oo aad u da' yar, yaraantiisii wuxuu ku soo koray xerada agoomaha markii uu weynaadayan wuxuu ka shaqo bilaabay geerash si uu u dhacsado quutal daruurigiisa maalin nimo ugu danbeyntiina waxaa wakhtigu u saamaxay in uu kerish booy ka noqdo bas u kala baxa Burco iyo Hargeysa mararka qaarna ka shaqeeya magaalada Burco dhexdeeda.Salmaan wuxuu ahaa wiil aan marbana ka welwelin aduunka waayo wuxuu aaminsanaa in uu maalin uun helayo Nasiibkiisa            Maalin ayaa salmaan oo taagan istaanka basaska kuna qaylinaya hadalada lagu yaqaano dadka kiriish booyga ah oo leh "baabuurkan xaafada October ayuu u baxayaa yaan lagaa buuxin". ayaa wuxuu indhaha ku dhuftay Saamiya oo ahayd gabadh uu ilaahay u dhameeyey qurux aadna u ilwaad roonayd oo qof walba oo arkaa jecelaanayo isla maalmahaana ka timi waddanka Canada. Xiligaas Saamiyi waxay la socotay gabadh ay ilmaadeer yihiin markii ay u soo dhawaatay Salmaan oo sita dhar uskaga badan wuxuu isku dayey in uu ku tuuro hadaladii Ina rag lagu yaqaanay wuxuuna ku yidhi .... Inaabti baabuurka yaan lagaa buuxin kuris martiyeedna waan kuu hayaa ee soo fuul adigaan ku sugaynaye! Saamiyi iyada oo aan u jawaabin ayaa waxaa hadlakii la booday gabdhii kale kuna tidhi sida aad u eegtahay ma is aragtaa waar naga baydh kirishbooy yahow iyada oo ula hadlaysay si yasniin ku jiro.  Ceeb ayaa soo gaadhay Salmaan wuxuu ku hadlana waa garan waayey, isaga oo aamusan ayaa waxaa hadashay Saamiya iyada oo ku hadashay hadal xikmadyesan oo ah sidan "looma baahna in aad sidaa u hadashid walaal waayo wax walba oo aduunka yaalaa xayeysiin kama soo hadhaan wiilkan shaqadiisa ayuunbuu xayeysiinayaa si baabuurku dhakhso ugu buuxsamo teeda kale shaqo cay ma laha waayo dad badan oo yurub joogaa waa ka liitaan wiilka shaqada ay qabtaan marka loo eego, qof dalkiisa hooyo ku shaqaysanayna wax ka fiican ma jiro" Saamiya iyo inantii ay ilaadeerka ahaayeen iyaga oo aan kelmad kale odhan ayey sii dhaafeen Salmaan aadeena meeshii ay doonayeen. Salmaan oo ahaa wiil aad u degan wuxuu ka fekeray sida khaldan ee uu hablaha ula hadlay iyo sida wanaagsan ee ay gabadhu u hadashay markii danbe,isaga oo isku buuqsan ayuu lahaa tallow inanta magaceed mase arki doon taa mar danbe? Salmaan wuxuu ahaa wiil saddexdiisa wakhti dhacsanayey wuxuuna bilaabay in uu lacagta dadka ka uruuriyo, waa yaabe jacaylku ma wax dadka ku soo boodaa ileen qofku marka u arko qof aanu hore u arag kana helo wuu khalkhalaa!!. Salmaan meel uu marayo iyo meel kale waa is garan waayey waxayna maskaxdiisii raacday gabadhii heer uu canaantay ninkii baabuurka ka dirawalka ahaa oo ku yidhi maxaa kugu dhacay ee aad rakaabka baabuurka saaran lacagta uga uruurin weyday waa maxay marba qofkan ku leh lacagta hoo iyo albaabka iga fur, waar shaqaysan meysid ee anigaad i waalaysaa.             Dhanka kale Saamiyi markii ay soo dhameystay hawlaheedii waxa ay ku soo laabatay gurigii Eedadeed Faadumo oo ay ku soo degtay lana joogtay laba maalmood, gelinkii danbana waxay wada sheekaysi dheer ka bilawday MSN-ka maadaama oo ay sidatay Lap-Top, Salmaanna wuxuu ahaa mid markii uu arkay ilaa intii qoraxdu dhacaysay ka fekeraayey iyada.            Habeenkii markii la gaadhay salmaan wuxuu soo qaatay bustihiisii xajiinta badnaa wuxuuna dhex galay baska si uu u seexdo halkii uu jiifsan jiray oo ahayd kursiga danbe markiisi uu dhabanka dhigay ayaa waxaa la hor keenay gabdhii uu arkay saaka iyada oo aad moodo biyo dahab, jacayl waa waran wadnaha gala oo olol ku beeree Salmaan iyo hurdo waa kala fogaadeen oo marba dhinac ayuu u laba ligdoonayey. Waxay arini sidaa ahaataba waxaa aroos yeeshay saamiya familigeed oo waxaa la aroostay inaa adeerteed   kadib waxaa  waxaa loo baahday in la aado dalxiis ah ilaa Shiikh  waxayna Saamiya inaadeerteed iyo  gabadh ay eedo u tahay  yimaadeen meelah lagu kireeyo Basaska  si ay u kiraystaan Bas waxay la hadleen  nin kamid ah nimanka basaska ka ah darawaliinta waxayn ku heshiin waayeen qiimihii wayna ka tageen oo waxay u tageen bas kale nasiib wanaag baska waxaa Kirish-booy ka ah Salmaan wuxuuna ahaa baabuurkii uu markii horeba la socday waxayn la hadleen darawalkii gaadhiga waxay isku afgarteen inuu u kaxeeyo dalxiis beri subax nimadka xiligaana ay lacagta siiyaan.Marka ay sidan heshiiska u gaadhayaan Salmaan      wuxuu ku maqnaa kaalin uu shiidaal uga doonay Bas-ka mana ogeyn waxa dhacay iyo waxa kale                     Waxaa baryey waagii waxaana baabuurkii oo taagan istaakii u yimi Samiya Eedadeed waxayna si degdeg ah u aadeen gugrigii ay Saamiyi joogtay oo ahaa halkii aroosku ka dhacay daqiiqado yar ka dib waxaa banaanka u soo baxay dad badan oo dalxiisayaashii ah Saamiyana ay la socoto, naf wax jeceli beer jelecsanaa Salmaan dhulka ayaa la wareegay markii uu arkay Saamiya ma dhabaa ma dhalanteedbaa ayuu ka bixi waayey.Isla markiiba waxaa dhaqaaqay baabuurkii intii jidka lagu sii jiray  Salmaan indhihiisu waxay ku maqnaayeen Saamiya.Dhawr jeer ayaa saamiya oo aan filayn indhaha ku dhufatay Salmaan oo eegaya weliba eegmo dareen gelinaysa qof walba oo wax garad ah balse mar keliya maskaxdeeda kumay soo dhicin wiilkan ayaa jacayl ku qaadi doona ama aad u qaadi doontaaWaxaa lasoo gaadhay meeshii dalxiis ku eekaa oo ahayd Shiikh iyada oo la koray buurta dusheeda si ciyaar jaas ah loogu soo ciyaaro sawirana lagu soo galo.    Markii goobtii la yimi ayaa waxaa dhinac u baxay dadkii arooska ka socday oo ay Saamiyi la socotay dirawalkii oo ahaa wiil dhalin yaro ahna waa raacay waxaase meesha lagaga tegay oo baabuurka hortiisa istaagay Salmaan.  Dadkii oo dhan jaas iyo ciyaar ayey bilaabeen iyadoo marba qof mekerifoonka loo dhiibayo oo uu heeso qaadayey,salmaana wuxuu ahaa mid indhah uun ka fiirsda isga oo weliba daymo ku dilay Saamiya. Markii ciyaarii in waxoogaa leeg la waday ayaa waxaa dhankiisa soo aaday Saamiya markii ay soo hor istaagtayna waxay ku tidhi "maxaa ku helay walaal maanta oo dhan aniga ayaad i eegaysay ee maxaa jira?" Salmaan wuxuu ku hadlo wuu garan waayey kedibna waa aamusay waxaana gacanta qabatay Samiya iyada oo ku leh ka gudub oo kaalay dadka la ciyaar soona dhex gal. Markii ay Saamiyi u sii waday dhankii dadku joogeen ayuu yidhi Salmaan maxaad iga ceebeenaysaa waad aragtaa in aana dadka sharafta leh soo dhex geli Karin, dharka aan sito bal eeg walaal Saamiyi iyada oo si waayo arag nimo ku dheehan tahay ula hadleysay ayaa waxay ku tidhi walaal dhib ma leh walaal waayo aduun mar lama wada helo.    Salmaan oo xishoonaya ayaa wuxuu soo dhex galay dadkii wuxuuna la ciyaaray Saamiya isaga oo aaminsanaa in dadka intiisa kale uuna qiimo la lahayn. Waxa layaab ku noqotay dadkii todoba baxa soo raacay iyo dadkii qoyska arooska ahaa, kirsh boyga la ciyaaray gabadhoodii ka timi Canada iyadoo weliba Kun wiil raadinayaa baadi goobna ugu jiraan helida Saamiya.Markii xafladii dhamaatay waxaa meel gaar ah u isula baxay Salmaan iyo saamiya iyagoo isla dhig dhigay barasho cusub oo ay labadooduba ku falanqeenayeen taariikhoodee hore iyo noloshii mid walba uu soo maray ilaa yaraantiisii, ileen laba waliba maalin bay isbarataaye.  Sheekada dhex martay Salmaan iyo saamiya barasho ka dib waxay u dhacday sidan.Saamiya: walaal iyada oo ay noloshaadu sidaa dhib u soo martay ayaa misana aan lagaa dareemaynSalmaan: waa run in wax walba walaal ay si tartiib ah u dhamaadaan markaa waxaan ku qanacsanahay xoogeygaSaamiya: dhib ma leh walaal maalin waad ka bixi doontaa dhibta aad ku jirto waayo aduunyadani waa is bedel Salmaan waa runtaa laakiin waxaan la yaabsanahay sida daacad nimada ah ee aad iila sheekaysaneysid iyada oo dadka agtooda aana sharaf ka lahayn.Saamiya: sidaa ha odhan walaal waayo wax walba waa barasho dadka halkan joogana hada adiga aya iiga dhaw teeda kale qof wanaagsan sida lagu bartaa way fududahay sida lagu hantaa se way adagtahay. Kelmadaasi Salmaan waxay gelisay dareen wuxuuna ku jawaabay  Salmaan: sida adiga oo kale waayo qof wanaagsan ayaad tahay mana laga ayaabo in aan ku hanto Saamiya: maxaad sidaa u leedahay saw nin ma tihid wax waliba waa is fahan iyo kasbasho.Salmaan waa runtaa laakiin shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa!! Saamiya: dadku waa kala argti walaal ee taa xisaabta ku darso oo yaanay kaa hoos bixin. Markii ay kelmadan tidhi Salmaan waa farxay misan naxay waayo hadlakeeda marna wuxuu u arkay in ay dooneyso sheekadiisa marna wuxuu u rutjuntay in ay leedahay waad is moodsiisay ee ma kula sheekaysan karo oo waan kaa sareeyaa!! Salmaan oo aan wax jawaab ah afkiisa ka soo bixin ayaa waxaa u yeedhay dirawilkii gaadhiga wuxuuna ku yidhi waa in aad dhakhso i soo gaadhaa oo baabuurka mishiinkiisa eegtaa isaga oo doonayey in uu sheekada u socota ka qaso fursadna u diido.            Markii laga soo laabtay todoba bixii waxaa si toos ah loogu soo laabtay magaalada Burco waxaana Saamiya iyo dadkii la socdeyba lagu dejiyey gurigoodii Salmaana umay suurto gelin fursad uu kula hadlo Saamiya.            Habeen nimadkii markii la gaadhay waxaa labada dhinaca ee Samiya iyo Salmaanba wuxuu mid walba ka fekeraayey Kan kale iyada oo Saamiyi  ka fekeraysid hadii uu Salmaan guursado nolosha uu ku noolaanayo iyo jacaylka iyo daacad nimada ay ka heli lahayd.            Subixii markii qoraxdu soo baxday ee dadku wax walba arkeen ayaa Baskii dirawalkii baabuurku ka soo saaray geerashka wuxuuna u soo kaxeeyey dhanka istaankii looga bixi jiray magaalada Hargeysa si uu ugu rakaabsado saacado ka dibna waxaa u buuxsamay baabuurkii waxayna aadeen magaalada Hargeysa iyada oo Salmaana la socodo.            Dhanka kale dhawrkii maalmood ee ay ku maqnaayeen magaalada Hargeysa waxay Samiyi soo mari jirtay soona eegi jirtay istaanka basaska si ay ula kulanto Salmaan nasiib daro se mar walba way soo waayi jirtay ileen magaaladaba muu joogine.            Habeenkii danbe markii ay ka soo galeen magaalo madaxda Somali land Hargeysa ayaa waxay subaxnimadkii Baska soo dhigeen istaankii basaska si ay ugu rakaabsadaan xaafada Qasabka. Salmaan oo taagan baska dadkana u yeedhaya si rakaabku u buuxsamo ayaa waxaa dhanka danbe kaga timi oo dhabarka ka taabatay Saamiya markii uu dib u soo jeestayna wuxuu ku qaboobay halkii uu taagnaa waxaana iskaga dhex yaacay hadlakii isaga oo leh haa haa haa walaal waan ku salaamay ii waran ma fiican tahay iyo hadalo la mid ah Samiya iyaduna waxay ugu jawaabtay walaal waan wanaagsanahay qof xun ayaadse noqotay waayo waad i soo raadin weydya oo aniga ayaa dhawr maalmood halkan kaa soo raadiyey si aan kuula kulmo maanad joogin. Waa runtaa walaal waayo hargeysa ayaan ku maqneyn oo Basku u baxay ayuu Salmaan isaga oo kurbanaya ugu jawaab celiyey  Jacaylku waa wax jira dadkuna waa is jecelaan karaan fiqiir iyo taajir qof fool xun iyo qof qurux badan isla markiibana waxay saamiyi ku tidhi walaal waxaan jeclaan lahaa in aan su'aal ku weydiiyo hadii aanad xumaan iiga arkayn su'aashaas oo ah guur hada diyaar ma u tahay? Salmaan intuu yaabay ayuu yidhi walaal maxaan diyaar u noqdaa wax lacag ah oo aan ku guursado ma haysto qof I gacan qabatana ma lihi oo qadeyda ayaan dhacsadaa teeda kale hal qof ayaan jeclaaday ismana lihi waad ku guuleysaneysaa aroosideeda.Qofkaasi waa kuma ayey? Saamiyi weydiisay Waxaa Salmaan u soo baxday fursad uu ugu soo bandhigo jacaylkiisa wuuxuna yidhi qofta aan jeclaaday waa adiga mar walbana waan kaa fekeraa laakiin fili mayo in aan ku helayo  Saamiyi inta ay dhoola cadeysay ayey tidhi walaal qof walba kartidiisu waa mid uu ilaahay ku abuuray teeda kale qurux iyo lacag layskuma jeclaadee waxaa jacaylka sababaa waa binu aadan nimo iyo wanaag ma kula tahay sida aad ii jeceshahay in aan si la mid ah kuu jecelahay mase gashatay niyada in dhawr maalmood aan ku raadinaayey si aan jacaylkagya kuugu soo bandhigo adiga oo aan joogin.            Salmaan iyo Saamiyi intii ay isku miyir la'aayeen ee mid walba jacaylka dhankiisa ugu fatahmayey ayaa waxaa daaqada baska gacanta ka soo riday Tuug wuuxuna la baxay lacag gaadheysa 300 Kun oo shidhka ku jiray Salmaanna muu ahayn mid dhaaday ileen faleembo jacayl ayaa ku socoteye iyaga oo halkii wada taagan oo aad moodo in dhibic mahiigaan hayso sida ay isagu dheegageen ayaa waxaa soo ag istaagay  dirawalkii oo inta uu shidhka galay ka soo waayey lacagtii kadib wuxuu la hadlay labadoodiiba isaga oo leh waan idin salaamay salaan kadibna wuxuu ku yidhi Salmaan  lacagtii shidhka ku jiray meeday? Salmaan oo jacaylkii ku sii maqan yahay ayaa yidhi ma arag, maxaad qabaneysay hadii wax Baabuurka shidhkiisa ku jira aanad ilaalineyn iyo kelmado kale oo la mid ay ayuu yidhi dirawalkii isaga oo markii danbe aflagaado ula dhaqaaqay Salmaan kuna yidhi waa in aad lacagta bixisaa hadii kale jeelka ayaan ku dhigayaa Tuugyahaw, dib oo u danbeysana kiriish booy ugu noqon meysid Baabuurkan. Salmaan talo ayaa ku cadaatay wax uu sameeyana wuu garan waayey laakiin waxaa kurbadii iyo dhibtii oo dhan ka korqaaday gabadhii uu jecelaaday iyaduna sida dhabta ah u jecelaatay ee saamiya iyada oo bixisay lacagtii loo qabsaday kuna tidhi muddo badan waad samirtay Salmaan laakiin maanta wixii ka danbeysa noloshaadu si toos ah oo aan shaki ku jirin ayey isu bedelaysaa oo dhibaato danbe ma arkeysid, Samiyi  waxay gacanta qabsatay Salmaan una kaxaysa dhanka bari oo markaas uu gurigii Eedadeed ee ay deganeyd ka xigay markii ay gurigii u soo dhawaadeen iyaga  oo markii hore sheeko aad u dheer jidka ku soo dhex martay waxay Saamiyi ku tidhi halkan igu sug waxaan gelayaa oo dhakhso ka soo baxayaa gurigee. Salmaan wuxuu qadar miridho aan sidaa u sii badneyn istaagay guriga hortiisa waxaana isla markiiba soo baxday Samiya oo dhar aad u bilicsan ku soo lebisatay waxayna dhanka suuqa weyn ee magalada Burco isu raaceen Salmaan markii ay suuqii gudo galeena waxay Salmaan ku tidhi ma dareemi kartaa Salmaan  sida aan kuu jecelahay maanta waxaan doonayaa in suuqa dharka yaala mid walba oo kaa qanciya aad ka soo qaadatid  "yaab ayey ku noqotay salmaan"wuuxuuna yidhi Saamiya walaal maxaad sidaas oo dhan u sameenaysaa ? Saamiyi intay dhoola cadeysay oo dhabanka gacanta ka saartay ayey ku tidhi adiga dartaa ayaan walaal wax walba u sameenaya waayo waan ku jeclahay.            Salmaan iyo samiyi waxay ku jireen suuqa weyn ee magaalada Burco in muddo ha kadibna way ka sii tageen oo aadeen Huteel Barwaqo halkaas oo ay samiyi laba qol oo fadhi iyo jiif ah uga kireysay Salmaan kuna balamisay shaqaalah huteelka in ay cuntadiisa u diyaariyaan saddexda wakhti.Gelinkii danbe markii ay gaadhay Salmaan iyo samiyana oo sheeko macaan oo xiiso leh u socoto ayaa waxaa samiya ku soo dhacay telefoonka waxaana la soo hadlay hooyadeed oo ku tidhi gabadheydii waa in aad dhakhso soo baxdaa maadaama oo aan kuu baahnahay, Samiyi waxay ka faa'iideysatay wakhtigii waxayna hooyadeed ku tidhi hooyo waxaa halkan ila jooga wiil aan six ad dhaaf ah u daneenayo doonayana in aan guursado markaa hooyo side u aragtaa hadii aan telefoonka kuugu dhiibo,Dhib ma leh gabadheydiiyeey waayo dookhaaga iyo dareenkaaga marnaba kaama hor istaagayo hadan iigu dhiib aan salaame.            Markii ay Samiyi u dhiibtay Salmaan telefoonkii iyada oo ku tidhi waa hooyo ee la hadal waxaa ku yaraaday dhulka wuxuu yidhaahdan wuu garan waayey isaga oo kurbanaya ayuu yidhi waan ku salaamay hooyo waan kaa qaaday wiilkeygii ayey ugu jawaabtay ee ii waran,        Samiya hooyadeed waxay ahady qof waayo aragnio ku dheehantahay waxayna Salmaan ka wareystay noloshiisa isaguna si daacad ah ayuu ugu waramay, Samiya hooyadeed waxay ku tidhi "wiilkeygii qofka wanaagiisa ayaa la eegaa ee lama eego dan la aantiisa iyo kala duwanaanta nolosha waana kugu taageersanahay nolosha cusub ee idiin bilaabmeysay adiga iyo Samiya in muddo ah markii ay sheekaysteen salmaan iyo Samiya hooyadeed Xaawa wuxuu u dhiibay telfoonkii kuna yidhi samiya hooyo ayaa kula hadleysa ee la hadal. Markii Samiyi gashay qolkii hurdada si ay hooyadeed ula hadasho wuxuu Salmaan oo qolkii fadhiga joogay is weydiiyey madhabaa ma dhalanteedabaa noloshaada is bedeshay isaga oo leh kelmadahan ala nasiibku cajaayibsanaa noloshaydu dhakhso ayey ku bedelanatay.            In muddo ah markii ay samiyi la joogtay ayey ku laabtay gurigii eedadeed una sheegtay in ay ka timi wiil ay maalmo hore isa soo barteen berina uu guriga iman doono si ay reerka u barto. Subax nimadkii markii waagii beryey waxy samiyi soo aaday dhankii Huteelka kana soo kaxaysay Salmaan si ay reerkooda u soo barto markii ay gurigii soo galeena waxaa indha ku dhufatay eedadeed iyo inantii ay ilmaadeerka ahaayeen waxayna isla markiiba eedadeed qaylisay af labadii oo tidhi "bisinkee ma ninkii kirshboyga ahaa ayaa shaadh kuu soo xidhay oo aad eedo la sheekaystay" Salmaan waran ayaa la daf siiyey waxaase markiiba ka jawaabtay oo hadsahay Samiya iyada oo tidhi "waad khaldan tahay eedo hooyadayda i dhashay kama hadli karto jacaylkayga markaas wax aan danahaaga ahayn ha gelin" hadana waxaa eedo wanaagu ku jiraa in aad raali geliso Salmaan, samiyi waxay ku khasbatay eedadeed Faadumo in ay raali geliso Salmaan.            Xidhiidhka Salmaan iyo Samiyi wuxuu noqday sidii nin iyo xaaskiisa oo kale wayna kala maarmi waayeen mar qudha Salmaan waxaa soo baxday quruxdiisii wuxuuna magaalada Burco ku mari jiray baabuur ay Samiyi u iibisay wuxuuna noqday qof ka baxay noloshii hore kuna noolaaday nolol sare Salmaan wuxuu Saamiya ka dhigtay indhihiisa wuxuuna ka jecelaa wax walba oo dunida korkeeda yaala.                                          Muddo saddex bilood ah markii xiriirkooda jacayl sidaa ahaa ayaa maalintii danbe Samiyi u soo bandhigtay in ay is guursadaan noloshana wadaagaan Salmaanna waa uu ka aqbalay gacalisadiisa wax walba, wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer muddo markii ay wada noolaaayeena waxay Samiyi u sheegtay in ay uur leedahay dooneysana in ay ku laabato waddanka Canada si ay halkaa ugu wada noolaadaan inta noloshooda ka hadhsan iyada iyo ilmaha ay uurka ugu sido. Salmaan oo xaaskiisa aad u jecelaa Kama uu diidin go'aankaa ay u soo jeedisay wuxuuna ku yidhi wax walba oo aad aduunyadan jeceshahay waan kula jeclahay xitaa hadii aad naftayda u baahatid waa khasab in aan ku siiyaa oo aan kuu huraa!            Dad ku midoobay jacayl oo nolosha is dhaafsaday ayaa fahmi kara micnaha jacaylku leeyahay waayo waxaa dad badan ka indha la yihiin in jacaylku bedeli karo nolosha qofka taana waxaa daliil u ah qof aad noloshiisa fiqiir ku ogeyd oo taajir noqday ayaad arkaysaa taana waxa keenay qof uu si daacad ah u jeclaaday oo horu mar gaadhsiiyey,Salmaana waxaa u bilaabantay nolol ka sii fiican tii hore waayo wuxuu nasiib u yeeshay in markii xaaskiisu ku laabatay waddanka Canada  ay u ashtakootay iyada oo tidhi ninkayga oo jooga Somali-Land ayaan doonayaa in lay keeno si uu halkan igula noolaado maadaama oo aan uur leeyahay soona dhawdahay xiligii aan umuli lahaa. Maalin ayaa Salmaan oo u soo baxay dhanka suuqa watana Baabuurkiisii kana fekerayey xaaskiisa Saamiya oo ahayd qofta keliya ee u aduunyada ka fiirsanaayey wuxuu si lama filaan ah afka hor ee baabuurka ugu dhuftay baskii uu markii hore ka ahaa kerish boyga oo uu watay ninkii shaqada ka eryey.  Salmaan isla markiiba markii uu arkay in uu shil galay wuxuu istaajiyey baabuurkii waxaase si degdeg ah daaqada baabuurka u furay oo soo baxa ninkii dirawalka ahaa isaga oo ku hadlaayey ereyadan "waa laayaabe dadka lacagta leh ma baabuurta dadka ee bariiska lagu raadinayo ayey duqeenayan hadii ay baabuur meel ay kala geeyaan garan la'yihiin oo maalinba baabuur suuqa ugu so baxayaan".            Salmaan oo qofkii arkaa aanu ka jeesan Karin cadaanta iyo quruxda iyo weliba lebiska u sii dheer ayaa ka soo degay baabuurkii wuxuuna ku jawaabay iga raali noqo khaladku waa dhacaa hadana hoo lacagtan $400 oo ku sameyso midna ogow aduunyadu way is bedeshaa waana hadhkaa labadiisa gelin qof binu aadan ahna lama xumeeyo oo weji xumo laba dhigto, runtii walaal heerkan adigaa i gaadhsiiyey $50 waa sameynta baabuurka $350 kalena waxaan kuu siiyey abaal marinSoomalidu waxay ku maahmaahdaa aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban Waa tii uu Abwaan Maxamuud "waraabe:" gabaygiisii baryo saatir ku lahaa "hadba kii sar dheer fuula waa u sacab garaacaan oo sawdkuu yidhaahdab horaa looga saxayaa" ee ninkii dirawalka aha wuxuu la yaabay nolosha sare ee uu ku nool yahay Salmaan iyo sida qofkii hore u yaqaanay aanu u garaneyn wuxuuna yidhi isga oo waayo arag nimo waa duun oo wax walba waa la arkayaa iga raali noqo Salmaan khaladkii aan kaa galay iskana kay cafi walaal, dhib ma leh ayuu ugu jawaabay Salmaan             Salmaan wuxuu noqday wiil ay dadka wax garadka ah oo dhan jeclaadaan qof walba ku cibro qaato nolosha soo martay iyo is bedelkiisa isaguna wuxuu noqday qof aan ilaawin noloshii hore una daryeela naxariisna u fidiya qof walba oo taag daran inta uu ka war hayo, sidoo kale Salmaan wuxuu gargaar u fidin jiray qof walba oo garab ugu soo baahda maal hadii ay tahay iyo xoog hadii ay tahayba  mana noqon qof markuu lacag yeeshay kibray oo dadka ka dhex baxa isla weynina gasho.Salamaan markii uu muddo ku noolaa dalkiisa hooyo wuxuu soo aaday Wadanka Kenya si uu uga sii aado halkii ay ku noolayd xaaskiisu oo ahayd waddanka Canada.Salmaan wuxuu nasiib u yeeshay in wax walba u haagaan oo uu aado waddanka Canada isaga oo halkaa kula noolaaday xaaskiisii uu nolosha oo dhan u hibeeyey ee Saamiya, wuxuuna noqday Nin aan marnaba ka ag dheeraan xaaskiisa halka dad badan oo is jecel kala fo'gaadaan oo qalbiyadoodu kala daboolmaan sidoo kale Saamiyi waxay iyaduna u jeclayd ninkeeda si aan la sheeki karin waxayna u dhashay dhawr carruur ah. Ugu danbeyntiina waxay noloshoodii iyo jacaylkoodii ku gaba gaboobay waddanka Canada isaga oo ka helay shaqo aad u wanaagsan.

QIIMAHA JACAYLKA QALAD LOOMA YEELO!

C/qani wuxuu ahaa wiil dhalin yaro ah oo la nool labadiisa waalid wuxuuna ku noolaa magaalada Laas-Caanood wuxuuna wax ka dhigan jiray dugsi in waxoogaa leeg u jira gurigooda, C/qani wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan gabadhii aragtaana aanay ka jeesan jirin, C/qani se marnaba ma hayan wiil waxaas oo hablo ah u jeeday waayo wuxuu aduun ka fiirsan jiray Hodan oo ahayd wadnihiisa iyo waaxyihiisa mar walba oo dhalin yaradu weydiiso halka ay hodan ku nooshahayna wuxuu ugu jawaabi jiray  waxay imaneysaa maalin markaas waad arki doontaan. Maalin ayaa C/qani oo fadhiya geed hoostii waxaa u yimi saaxiibkii Saalax kuna yidhi saaxiib maanta maxaad keligaa halkan la fadhidaa C/qani oo hadalkii uga jawaabaya ayaa ku yidhi saaxiib maanta waxaan xasuustay jacaylkii yaraanteydii ee ilaa hada aan kool koollinaayo waxaan xasuustay xiligii yaraantayada aniga iyo Hodan wuuxuna C/qani isla markiiba bilaabay in uu uga sheekeeyo saaxiibkii Saalax jacaylka baaxada weyn ee kala dhex maray isaga iyo Hodan isaga oo u dhigay sidan. "Waxaan ahaa wiil yar oo jacelaa in uu mar walba kubbad ciyaaro ama daawado maalin aniga oo ku degdegsan kubbada waxaa jidka igaga soo hor baxday Hodan oo aad moodo biyo dahab, wuxuu wejigeedu u dhalaalayey sidii cadceed markaas soo baxday markii ay indhahaygu qabteen waxay ila noqotay u qaadan waa iyo layaab waayo xiligaa waxaan aqaanay hablaha ku nool magaalada Laas Caanood badankooduna waxay ahaayeen kuwo i daneeya  oo i daba yaaci jiray, saalaxaw waxba yaana hadal kugu daaline aniga oo isku haya ma la hadashaa iyo ma iska deysaa ayaa waxay gabadhii igu tidhi walaal waxaan doonayaa in aad  ii tilmaamto Parevite-ka ............. hadii aad awoodan aad i soo tustid isla markiiba hadal kama sugine waxaan ku idhi kaalay walaal aan ku soo tusee aniga oo doonyey in aan la sii hadlo inta aan jidka sii socono. Jacayl waa balaayee waxaa aniga iyo gabadhii na dhex martay sheeko yar oo gaaban iyada oo aan is weydaarsanay magacayadayadii. Barasho ka dib aniga iyo Hodan waxaan isu qaadanay jacayl xad dhaaf ah waxaana labadayaduba isu qaderin jirayn sidii laba qof oo nolosha wadaagay. Maalin ayaa waxaa dhacday in Hodan Aabeheed uu ogaado jacaylka aniga iyo inantiisa na dhex maray Kadiban wuxuuna si degdeg ah ugu diray debedaha maalintaas wixii ka danbeeyey waxaan waayey aragtidii gabadhii aan jeclaa noloshayduna waxay noqotay in aan ka fekero gabadhaas iyada oo aan meel ila joogin. C/qani wuxuu ugu danbeyntii saaxiibkii ugu soo gaba gabeeyey in uu maalin uun heli doono gabadha uu jeclaaday.            Saalax oo ahaa C/qani saaxiibkii wuxuu la yaabay sheekada dheer ee soo dhex martay isaga iyo Hodan wuuxuna ku yidhi "runtii walaal waxaan kuu rajeenayaa in aad jacaylkaaga heshid"            Sheekadii dhexdooda ahayd markii ay dhaamtay ayaa saalax ku yidhi wan sii Soconayaa oo waxaan aadayaa dhanka suuqa ee waa inoo mar kale.            Dhanka kale Hodan waxay nolosheedu ka anba qaaday wadanka South Africa waxayna wax barasho ka bilawday wadankaas iyad oo ilawday nolosheedii yaraanta ee ay la wadaagtay C/qani. Soomaalidu waxay ku maahmaahday laba bariday kala war la' C/qani waxa uu jacayl xad dhaaf ah u hayey Hodan una diiday hablo badan oo u heelan doonayeyna in uu guursado.    Wakhtigu waa seef oo qof ma sugayee wuxuu is daba socodo oo C/qani jacaylku keli ku ahaadaba maalintii danbe ayaa waxaa telefoon uga soo dhacay waddanka South Afirca, nasiib wanaag wuxuu noqday C/qani adeerkuu wuxuuna u sheegay in uu yimaado magaalada Hargeysa si uu halkaas uga soo dhoofo oo uu u yimado waddanka South Africa si uu halkan wax barashadiisa uga sii wato.            C/qani markii uu dhuuxay hadalkii adeerkii wuxuu qaatay go'aan isaga oo go'aan ku gaadhay in uu aado Waddanka South Africa is uu wax barasho u bilaabo.            Wuxuu C/qani dhawr maalmood joogay magaalada Laas Caanood isaga oo saaxiibadii oo dhan u sheegay in uu halkaas aadi doono, habeen-nimadkii uu C/qani ka soo baxayey Las-Caanood  ayaa waxaa u timi Naciima oo ahayd gabadh si xad dhaaf ah u jeclayd laakiin aan u sheegan jirin jacaylkiisa waxayna salaam iyo sheeko kaftan leh dabadeed u dhiibtay warqad xidhan oo ay ku tidhi walaal  C/qani waxaan kaa codsanayaa in aad warqadan akhrisatid dhawr bilood ka dib,waxa ku qoran hadii aad ka heli weydayna waxaan kaa codsanayaa in aanad iga cadhoon. C/qani waxay ku noqtay layaab wuxuuna garan waayey wax uu ku hadlo ugu danbeyntiina wuxuu ka qabalay go'aanka a u soo jeedisay...            Wuxuu C/qani yimi magaalada hargeysa isaga oo halkaa uga sii kicitima aadeyna waddanka South Afirca. Markii uu halkaa tegay waxaa soo dhaweeyey adeerkii wuxuuna dejiyey gurigii uu u diyaariyey in uu dego kuna noolaado isaga oo hore ka galay jaamacadii loo diyaariyey, C/qani sidii noloshiisu ku ahayd magaalada Laas Caanood ayey ku noqotay waddanka South Africa-na wuxuuna gelinka danbe ka shaqo bilaabay dukaan ku yaala xaafada uu dagan yahay oo lagu iibin jiray macmacaanka sida chocolate iyo Buscutes i.w.m.            Hadii aan dib u jaleecno dhanka Naciima iyo jacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabto C/qani mar ay uga warantay gabadh saaxiibadeed ah oo Luul la odhan jiray kuna tidhi walaal waxaan jeclaa C/qani hadana wuxuu joogaa waddanka South Africa jacaylkaygana ilaa hada uma sheegin oo waxaan mar walba is lahaa waad ku guuleysanaysaa wuuna ku dareemi doonaa aniga oo meesha kasaaray in wax walbaa u baahan yihiin dhaqaajin jacaylkuna u baahan yahay in lays dareensiiyo, runtii walaal hada meel aan kala xiriiro ma lihi C/qani ayey Naciima iyada oo saaxiibadeed ka dooneysa talo hadal ugu gaba gabeysay.  Luul waxay saaxiibadeed ku tidhi walaal hadii uu C/qani halkan joogo ama ciwaan lagala xidhiidho aad hayso wax waan kaala qaban lahaa laakiin waxay hada noqoneysaa in aa sidii markii hore aad u sugeysay u sugto ilaa inta aad si toos ah u arkaysid jacaylkaagana ugu soo bandhigaysid.            C/qani halkii ayuu ka sii waday shaqadiisii iyo waxbarashadiisii isaga oo lacagaha uu helo aan ku ciyaari jirin ee meel wanaagsan dhigan jiray si uu wax ugu qabsado noloshiisa. Habeen ayaa C/qani waxaa wiilal ay saaxiibo ahaayeen oo ku noolaa wadanka South Africa u kaxeeyeen aroos markaasi wiil soo degay dhigtay markii arooskii la yimi ayaa waxaa C/qani ku mashquulay hees ka baxaysya CD-ga oo dadku dhegeeysanayeen kuna luuqeeyo Alfanaan Lafoole.Dumarkaba Aduunbaa

Iigu Dhaga nuglaayoo

Aan soo Dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey

Waxad tahey dhakhtaradii

Mudo iga dhayeeysoo

Waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood

Inaad Dhoofto jeceshahey

Gaadhigaa dhakhsanayee

Kusidaa ma Dheeliyo

Uma seexdo Dhinacyada

Ilaahey Dhantaalkiyo

Kuma tuso Dhibaatoo

Ayaan Dhalad nasiibliyo

Mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul

Iyo dhagaxa dahabka ah

Qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax

Iyo dhool aroor da'ay

Dhul xareedi wadhantahey

Uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey

Dhawaan soo bax kugu yidhi

Dharaar qudha aduunyada

Hanti aad ku dhaqatiyo

Ha ka waayin Dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo

Kuma tuso dhibaatoo

Ayaan dhalad nasiibliyo

Mid hoodale hakaa dhigo.C/qani waxa uu aad uga fekerayey sida uu fanaanku u amaanayey gabadha isga oo ku tilmaamayey dheeman, luul, dhagax, dahab ah iyo weliba sida wanaagsan ee uu ugu duceenayey isaga oo leh ilaahay ha kaa dhigo mid nasiib leh hoodan leh oo ayaan dhalad ah , isaga oo halkii fadhiya ayaa waxaa u yeedhay wiil ay saaxiib ahaayeen kuna yidhi kaalay walaal caawa waxaan ku barayaa dhalin yaro badan oo ay ka mid tahay gabadh in badan halkan joogtay yaraanteediina timi oo halkan inta ay wax barasho ka bilawday hadana shaqaysata. Wiilkii oo la odhan jiray xasan sidii uu u soo waday C/qani ayuu wuxuu hor keenay Hodan oo quruxda aad moodeysid qoftii uu fanaanku u heesayey,C/qani wuxuu markiiba galay dareen dheer wuxuuna sidii qof walaalan oo kale u eegay gabadhii, xasan ayaa la yaabay kuna yidhi maxaa ku helay walaal barasho wanaagsan gabadhan waxaa la yidhaahdaa Hodan, hodan walaal wiilkan waxaa la yidhaahdaa C/qani wuxuuna halkan joogay in muddo ah oo jaamacadna waa dhigtaa waana shaqaystaa.. Aduun subaxba waa cayn oo hore ayaa loo sheegay ee Hodan maba aha qoftii hore ee uu jeclaaday C/qani markii ay waddanka South Afirca timi waxay la qabsatay nolosha halkan waana ilawday wixii yaraanteedii iyo jacaylkii ay soo sameysayba, C/qanina waxya u baratay sidii qof cusub oo hada ay barashadoodu isugu horeyso C/qani se wuxuu dareemay in ay tahay Hodan ileen qof wax jecel ma anbadee wuxuuna go'aan ku gaadhay in uu marka xafladu dhamaato sii dhaweeyo si uu wax walba u ogaado.            Markii xafladii dhaamtay waxaa qof walba aaday gurigiisii dadka intii is garaneysayna waa is raaceen C/qani oo baabuur watay waxaa u suurto gashay in ay soo raacaan hodan iyo laba gabdhood oo kale wuxuuna markii uu labadii hablood ee kale gurigooda geeyey u suurto gashay fursad uu ku wareysto su'aalana ku weydiiyo hodan isaga oo sheekada uga bilaabay hodan walaal su'aal aan kuweydiiyee weligaa waddankaagii hooyo ma aragtay haa walaal ayey hodan la soo booday aniga oo yar ayaan ka imi  isla markiibana waxay Hodan gudo gashay in ay C/qani uga sheekayso nolosheeda iyo wiilka ay sida xad dhaafka ah u jeceshahay ee Shaakir iyada oo ku tidhi C/qani walaal waxaad tahay qofkii u horeeyey ee aan noloshayda si daacad ah uga sheekeeyey runtii waxaad tahay wiil walaalkay oo kale ah.  Markii ay kelmadaa tidhi waxaa C/qani ka soo gabax tidhi ilin xiligaana waxaa u baxaysay heesta ay ku luuqayso Deeqa Bilan.Orod iyo ayaan

Labadaba ogoow

Waa la aaminnaa

Indhahaygu daymada

Siday kuu eeggayeen

Iyeey ilmadu raggax

Ay ka tiri raggax

Afar iyo tobnaad

Dayax oogta hore

Qorax kala ordeen

Ileyska iyo nuur

Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad

Uurka ii banee

I liq oo I hay

Albaabbada wadnaha

Intifaaca iyo

Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY

ADNA II AHOOW!

Aqoon iyo afgarad

labada oggoow

Waa la irkaddaa

Aqligaygu garashada

Siduu kuu aawilaayaad

Illeys baxay u tahay, u tahay

Onkod iyo hillaac

Saxansaxo udgood

Ilcas iyo xarreed

Eegmada ku wacan

Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad

Uurka ii banee

I liq oo I hay

Albaabbada wadnaha

Intifaaca iyo

Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY

ADNA II AHOOW! Markii ay Hodan aragtay ilinta ka daadaneysa dhabanadiisa ayey ku tidhi walaal maxaa ku helay ee aad la ilmeysay ma sheekada is oo martay ayaad ka naxday. Maya ee walaal guul darada jacayl ee i garabsatay ayaan ka naxay runta hadii aan kuu sheegana anigu waxaan kuu jeclahay si xad dhaaf ah ilaa yaraanteydii ilaa hadana waan ku jeclaa dartaana waxaan u daayey hablo badan wuxuuna C/qani gudo galay in uu noloshii ilaa yaraantiisa uga sheekeenyo isaga oo xasuusiyey jacaylkii ay wadaageen Hodan se waxay si badheedh ah oo aan shaki ku jirin isaga indha tirtay C/qani kuna tidhi waad edeb darantahay waxaagu ma waan ku arkay oo ku caashaqay miyaa? goorma ayaad i jecelayd oo aan jacayl kula sameeyey waar waad indha adagtahay ee isdeji teeda kale meeshan maaha Laas -Caanood ee waa South Africa oo yurub waxba kama dhacdo hana isku dayin in aad mar danbe horteyda soo istaagto.C/qani wuxuu u qaadan waayey waxa dhacay iyo sida ay isu bedeshay nolosha Hodan wuuxuna isaga oo is ciil kaambinaya ku hadaaqay heesta ay ku luuqeyso Sahra Axmed ee....Naf ku jecel Aduunyada

Baa ugu  wacan wax nololoo

Nabad lala wadaagoo

Nimco lagula waaree

Ma nugliye kalgacalbaa

Naar iyo ka daran olol

Markuu nugeyga kaa galo

Nabar weeye halisee

Ee taa naqdiga gali

Oo soo noqnoqoshada

Ha iga moodin nacasnimo

Anna haddii aan ku naawiley

Naqba waa la dhawraa

Nasiib ha igu kaa simo

Nacab iyo Sokeeyaba

Neefteeydu diidoo

Ma nastoo jacaylbaa

Nadi ila haleelee

Igu noqey mid halisoon

Kaba nuuxsan waayoo

Naaftoo qalbigii buu

Nudub iga sameeystee

Ee taa naqdiga gali

Oo soo noqnoqoshada

Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley

Naqba waa la dhawraa

Nasiib ha igu kaa simo

Neecoow da'aysoo

Onkodna nawda ku hayaa

Igu heshey Nugaaloo

Kaligey ku noolee

Adna keymo baadliyo

Dhul naruuro joogtaa

Naxdin li' ku hurudaa

Nabsi dhoowri mayside

Ee taa naqdiga gali

Oo soo noqnoqoshada

Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley

Naqba waa la dhawraa

Nasiib ha igu kaa simoHodan uma dheg taagin hadalada baroorta iyo calaacalka isagu jira ee C/qani waxayna si degdeg ah uga degtay baabuurkii iyada oo abaartay gurigeeda oo wax yar u jiray.C/qani isaga oo madaxu xanuunayo ayuu ku laabtay gurigii uu deganaa wuxuuna isaga oo fekeraya soo xasuustay habeenkii uu ka soo baxayey Laas-Caanood iyo sidii uu u faraxsanaa waxayna maskaxdiisii xasuusatay warqadii ay u dhiibtay Naciimi deg deg ayuu u abaaray qolkii hurdada isaga oo shondadiisii furay kalana soo baxay warqadii wuxuuna isla markiiba ku bilaabay akhris "waxaad iga gudoontaa walaal salaan aad iyo aad uqaali ah salaantaas oo qof muddo badan six ad dhaaf ah kuu jeclaa kuu soo diray kana timi unugyada jidhkiisa oo idil walaal  hadii aan kuu sheego waxaan ku jecelahay muddo afar sano gaadhaysa qalbigeyga waxa ku jirana waan kuu soo bandhigi kari waayey xishood gabdheed awgeed,waa laga yaabaa walaal maanta in aad haysatid qoftii sida xad dhaafka aad u jeclayd laakii ma ogtahay nafta ku jecel ee kuu dhimaneysa ayaa mar walba mudnaanta mudan,walaal anigu noloshaada waan la yaabay waayo boqol hablood oo ku daneeya ayaand misna dheg u taakin taasina waxay turjumaysaa in qoftii aad jeclayd aan weli laguu abuurin,C/qani hadii walaal aad jacaylkaaga ku guuleysatay taasi waa meesheeda waayo markii horeba qalbigaaga boos kuma lahayn hadii se aad aad tahay mid weli aan helin jacayl waxaan kaa codsanayaa in aad dareenkaaga ii soo jeedisid waayo waxaan ahay gabadh ilaa hada ku jecel kuna sugeysa."         Markii uu C/qani warqadii dhameeyey waxaa indhihiisa isku soo taagtay ilin wuxuuna isagu ka ciishooday sababta uu warqada u furi waayey intaasoo dhan ee ay shondadiisa ugu jirtay, C/qani wuxuu bilaabay is barbar dhig Hodan iyo Naciima wuxuuna qalbigiisu siiyey in Naciimi tahay qoftii uu sida dhabta ah nolosha ula wadaagi lahaa isaga oo ka cabir qaatay gabadhii uu jeclaa sida ay ku ilawday iyo Naciima oo u sheegtay in ay afar sano jeclayd ilaa hadan jeceshahay sugaysana.         Dhanka kale C/qni danba Kama gelin hodan oo qof uu yaqaanaba Kama dhigin manuuna raadin oo kamuu daba dhicin. Maalin ayey C/qani iyo Hodan ku kulmeen shir ay lahaayeen dadka soomaaliyeed ee ku nool South Africa waxayna hodan isku dayday in ay la hadasho wuxuuse C/qani ugu jawaabay kelmadahan naxdinta leh.Ruuxii balan jara badaa karahdeeBerri baan ku jeclaaye kaa baxayQasil baan kaa cabay qadhaadh badanQalbigii ku jeclaana kaa qanac!         Hadii aan jeleecno dhankii Naciima waxay niyada ku haysay in uu C/qani maalin u soo laaban doono guursana doono oo jacyal wadaagi doonaan.          Muddo markii uu joogay C/qani wuxuu dhameeyey wax barashadii wuxuuna lacag aad u fiican ka sii helay shaqadiisii isaga oo isu xidhxidhay aroos waxaase qof walba aad moodeysay in korkiisa malab loogu daadiyey oo hablo badan oo ku noolaa wadanka South Africa gaar ahaan caasimada jo....... C/qanise marnaba ma ahayn mid u dhegtaaga ee waxaa hor taalay oo uu si toos ah uga fekeri jiray Naciima isaga oo mar walba akhrisan jiray warqadii ay u soo qortay kana dhigan jiray wehel.         Wuxuu ilaahay barakeeyo ayaa barako ku jirtaa ee shaqadii waa u sii wanaagsanaatay waxaana C/qani u suurto gashay in uu jago wanaagsan ka helo shirkada baabuurta yaryar u soo dejisa wadanka South Africa. Markii uu in muddo ah shaqeenayey C/qani ayaa la siiyey fasax 4 bilood ah oo uu ku aado dalkiisa iyada oo tigidhika tegitaanka iyo noqoshadaba ay ka soo bixiyeen shirkaadii uu markaa u shaqeenayey C/qani markii uu yimi waddankiisa hooyo wuxuu si degdeg ah u aaday magaaladiisii iyada oo ay sugayeen dad badan oo ay ka mid ahaayeen waalidiintiisu iyada oo Nimcana ay hamuun aad u ba'an iyo sugitaan dheer ay u haysya C/qani Naf wax jeceli beer jilicsanaa C/qani wuxuu u holaday dhankii gurigii Naciima markii uu u tegayna wuxuu isku duubay isga oo leh waan ku jeclahay Naciima mar walbana waxaan is lahaa oo niyada ku hayey ma helaysaa Naciima mase waa laga guursanayaa.C/qani wuuxu ku guuleystay jacyalkiisa iyo in uu hanto wuxuuna arooskoodu ka dhacay magaalada Laas-caanood iyada oo Naciimina ahayd mid si aad ah ugu faraxsaneyd mar walba sida wanaagsan ee illaahay u sulan siiyey jacaylkeeda daacada haa Ugu danbeyntii wuxuu C/qani u sii kaxaystay gacalisadiisii South Africa markii uu ku laabanaye.


SHEEKADAAN WAXA AY KA TURJUMEYSAA JACAYLKA MIYIGA, QAABKA UU YAHAY IYO CAQABADAHA KU IMAAN KARA IYO QOF WALIBA NASIIBKIISA.

Waxay ayayd maalin qamiis ah oo ay jirto layr qaboow iyo saxan saxo udgoon badan dhirtuna miraha iyo ubaxa rabi uu ku manaystay aanay indhuhu kolna ka jeesan Karin ayaa Daahir oo dhaan wada waxa uu yimid ceelkii biyaha, deetana uu furay Ratigii oo uu bilaabay inuu darsado wadaantii, intaa kadib ayaa waxa uu arkay gabar fadhisa geed qurac ah hoostiisa oo ilmeynaysa, markaas ayuu Daahir u tagay gabadhii oo ku yiri "Maxaa kugu dhacay abaayo oo aad la ooynaysaa"? waxa ayna ugu jawaabtay "Aboowe waxaan ahay gabar aan wiil la dhalan, oo iyada u dhaamisa cideeda, balse maanta waxaa I haysta rafaad aad u fara badan oo ah ceelka oo aan saakay salaaddi subax soo dul istaagay oo aanan hal wadaan ka darsan, iyadoo ay wiilasha ceelka jooga oo dhana aanay wax naxariis ah ii galin, alla haduu walaalkey noolaan lahaa dhibkaan iima yimaadeen!!!" ayay iyadoo ilmaynaysa waxa ay tiri:-

Geesiyoow gacaliye

Gaashaankii naftoow

Gacalkii gurigoow

Galabtaan go'oo

Geeridii ku heshaa

Gilgilasho igu riday

Goobtaad ku go'day

Gacaloow Rafiiq

Geeri adoo udiidan

Gacalo hooyadeen

Go'aan xume libaaxii

Geeri kuu horseedaa

Goobtaan I dhigay anigee

Geesiyoow aboowe

Gunbaa ceelkaan weyn

Galabta ii diiday

Geesiyoow hadaad joogto

Galabta ma ooyeen!!!!!.

Markii ay dhamaysay cabashadii ay ka cabanaysay wiil la'aanta ayuu Daahir ku yiri "Maya sidaas ha dhihin aniga ayaa kuu dhaaminaya, oo waliba kuu rarayo ratiga, balse abaayo tuulada miyaad Dagan tahay"? waxa ayna tiri "Haa aboowe waxaa ag daganahay Beerta Guure Jayte oo uu aqalkeenu wax yar ka danbeeyaa".

Waan gartay "Hada waa kuu raran yahay dhaanka ee soobax aan horay kuusii wadee, laakiin ima weydiinaysid miyaa meesha aan daganahay aniga"? "Maxaan ku weydiiyaa ama iska dhaafaa, waxaan layaabanahay axsaanka aad ii samaysay iyo sida wiilasha ilaa saakay iigu cayaarayeen, marka waxay ila noqotay wax laga xishoodo inaan weydiiyo wiil sidan oo kale ah meesha uu dagan yahay, waayo waxaad isoo xasuusisay walaalkey marka sidaas ayaan u xishooday". "Waatahay abaayo aniga ayaa kuu sheegaya meesha aan daganahay, waxaan daganahay Beerta Guure magacayguna waa Daahir Guure ee adiga magacaada ii sheeg"? "Haa aboowe Ilhaan ayaa la'i yiraahdaa Xaaji Cali ayaa aabahay ah".

Intaas markii la'is dhaafsaday ayaa waxaa la yimid Tuuladii deetana la'is macsalaameeyay, Daahir waa uu la dhacay gabadhii     Ilhaan ahayd, waayo gabadhu waxay ahayd mid uu qurux Rabbi ku manaystay jooga iyo jamaalka, midabkeeda casaanka ah iyo Timaheeda dhuxusha ah oo ay dabeyluhu kolba dhinac u ridayaan.

Wiilkii Daahir ahaa markii uu gurigii tagay oo uu furay dhaankii ayaa waxaa niyadiisa ka bixi waysay gabadhii Ilhaan ahayd, dhan walba oo u jeestaba waxaa taagan  Ilhaan oo qoslaysa, Daahir oo yaaban ayaa waxa uu niyada iska yiri "Toloow gabadhu ma jin bay ahayd!!!" ala qurux badnaydaa!!!, Aleylehe ninkii helaa oo ay marwadiisa noqotaa liibaanay.

Daahir oo intuu soo baraarugay arkay isagoo isla hadlaya waxa uu yiri  "Waxaan arkay maata oo kaliya, waxayna igu riday jahwareer iyo mashaqo aan la fajacay  oo aanan garan halka ay iiga  yimaadeen", Daahir gabadha la dhacsan ayaa waxa  uu yiri:-

Calaacalkeygu waa gar

Cabashadeydu waa xaq

Ciil aan dhamaanbaa

Caloosha ii fariistoo

Ciqaab adag baa

Calafkeygu noqdee

Caadiloow ilaahoow

Calafkeyga samee

Cidladaan ku jiriyo

Cuntada inaan kago'o

Cabitaana daa warkiisee

Caziizoow Ilaahoow

Calafka dunida ugu wacan

Ceebla(Ilhaan)oo itiraa weeye

Cidkale dooni mayo

Caadilkii I uumoo

Caqli isiiyay anigaa 

Calafkeyga kaa dhigay

Daahir markii uu intaas yiri ayaa waxaa u yeeray aabihii Guure oo ku yiri "Waryaa Daahir maxaa ku helay maanta oo aad iskula hadlaysaa?, ma dhib baa ku soo gaaray".

Daahir aya yiri "Maya aabe ee xoogaa waan qandhanahay".

Intaa kadib Xaaji Cali oo yaaban waxa gabadhii ku dhacay ayaa waxaa irida ka soo galay Ilhaan oo ay diif ka muuqato, Xaajigii oo yaaban ayaa waxaa uu yiri "Maxaa ku helay gabadheydiyeey"?.

Ilhaan ayaa tiri "Aabe markii aan ceelka tagay saakay waxaa dhoobnaa wiilal, anigana markii aan dhahay walaalayaaloow aan xoolaha dhaansado waxay iiigu jawaabeen maad walaalahaa soo dirtid ha kuu dhaamiyaane, anigana markii aan maqlay maad walaalahaa soo dirtid waxaan xasuustay walaalkeey Rafiiq, markaasaa wadnaha la'iga qabtay oo aan geed Qurac ah hoostiisa fariistay,    markii uu qoruxu dhici rabo ayaa waxaa ii yimid wiil la yiraahdo Daahir oo dagan beerta naga danbeysa oo ii dhaamiyay deetana ii raray ratigii, laakiin aabe meesha aan soo dagnay dadka deggan naxariis malaha miyaa!!!, Marka laga reebo wiilka Guure ee Daahir ah oo isagu ii damqaday markii uu arkay rafaadka ihaysta oo uu qorixiina sii dhacayo, Aabe ma aqaano waxaan wiilkaas abaalkiisa ku gudo waayo la'aantiis ilmahaan yaryar caawa soow oon malaayeen haduusan wiilkaas ubixin!!!"?.

Xaaji Cali ayaa waxa uu yiri "Dhib malahan Aabe".

Intaas kadib  way seexatay markii ay dhinaca dhulka dhigtay ayaa waxaa ku soo dhacay walaakeed Rafiiq oo lacayaaraya kuna dhahaya si kaftan ah {La'aantaa manoolaan karo ee adna La'aantey ha Noolaan adigane} balse aanan Maanta warkiisa lamaqli karin, Rafiiq waa uu jeclaa walaashiis Ilhaan mar walba waxa uu saari jiray Farastiisa maandeeq oo ay iyadu aad u Jecleyd fuulisteeda, nasiib xumo rafiiq waxaa dilay libaax isaga oo ka difaacaya Ilhaan iyo hooyadii Isniino oo ahayd qof duq ah oo aan socon Karin Rafiiq iyo hooyadii waxaa dilay Libaaxii, Ilhaana waa ay badbaaday, Ilhaan waa ay ujeeday markii uu Libaaxa dilayay walaalkeed iyo hooyadeed, Balse waxba kama aysan qaban karin.

Waxa ay marba dhinac isu rog rogtaba waagii ayaa baryay waxaana aysoo kaxaysay xoolihii si ay u soo daajiso, waxaana ay is arkeen Daahir oo isna u socda tuulada si uu usoo iibsado wax xoogaa raashin ah oo ay nolosha ku dabaraan, waxaana uu yiri "Asslaamu Calaykum"? Waxaana aytiri "Wacalaykuma Salaam Daahir ee saakay halkeed u socotaa"?, waxana uu yiri "Abaayo magaalada ayaan u socdaa si aan usoo iibsado raashin aan isticmaalno ee adiga caafimaadkaada waa sidee"? Ilhaan ayaa tiri "Caafimaadkaygu aad buu u fiican yahay marka laga reebo xoogaa borobaleem ah oo aan xalay isku arkay".

Daahir ayaa waxa uu yiri "Waa maxay dhibka aad sheegeyso"? Ilhaan oo ay cabsi ka muuqato ayaa waxa ay tiri "Maad iga dhaaftid in aan sheego xoogaa waa igu adag tahaye".

Daahir ayaa ku yiri "Aniga mar walba waxaan jeclahay inaan dhibaatada kula soo daristo kula xalliyo si walba oo ay noqoto marka ii sheeg abaayo".

Ilhaan intey indhaha gacmaha saaratay siina jeesatay ayay tiri:-

Daahiroow aboowe

Danta lagama xishoodee

Dareenbaa I helay

Daal aan dhamaaniyo

Diifbaa I haysa

Durba nabarbaa I helay

Dadkii ka go'ay

Diiday raashinkii oo

Daayay cabidii

Daa'inbaa wax daweeyee

Dabiib ii noqo

Dugsiimo aan kaa helo

Daacad baan ahaye

Dulli ha'i moodin

Dooqeygaa ku raacee

Dabacsanaanta warkeyga

Dareenkiisan la how

Durba jawaab iyo

Dareenkaaga isii

Deetana ii garoow

Daahir oo ay farxadi ka tan badisay ayaa waxa uu yiri "Ilhaaneey waan dareemi karaa dhib kaada oo waxaan ahay Nin wax garad ah, balse aniga ayaaba is lahaa Ilhaan usoo bandhig jacaylka ku haya, laakin afkeyga ayaad kala baxday ee balmarkayga iga hano oraahdaan yar":-

Huunooy Ilhaan

Haada iyo shimbiraha

Heybad adaa ka sidatee

Hanaankaaga wacanbaa

Halbowlaha igooyoo

Hurdo waan ka quustee

Hud-hudka iyo shimbirahaa

Haatuf iigu sheegay

Hadaad aragto Ilhaan

Hamuuntaada caashaq iyo

Hamigaada u sheeg

Hidihii dhaqankaad

Huunooy sidataa

Ha'ii jabinin nacabkee

Hiil ii noqo abaayo

Hadalkaan oran lahaa

Hoosta adaa ii dhigtee

Huunooy waaban kaa helay

Intaas kadib Daahir waxa uu aaday tuulada waxaana uu tuulada ku arkay kuul aad u qurux badan, kuushii ayuuna soo iibsaday.

Intaa kadib Daahir waxa uu yimid gurigii waxa uuna iska dhigay raashinkii, Daahir waxa uu si halhaleel ah u soo aaday Ilhaan oo ay balansanaayeen inay maalin walba kulmaan maadaama ay yihiin lamaane cusub isla markaana aan sina ukala maarmin.

Ilahaan iyadu waxa ay fadhisay geed qurac ah oo ay ku sugaysay wiilkii Daahir ahaa iyadoo isleh toloow Muxuu la soo daahay? ayaa mar qura kor keeda waxaa ka yeeray  "Gacaliso ii waran" "Aaaaaaa!!!!!!! Waa iga nixisay ee iga tag, bahal ayaan kuu maleeyaye!!!  aboowe Maxaad iiga soo daahday? ma ogid miyaa inaan maanta oo dhan murugaysnaa?, maanta waa iska sabraa laakin maalin kale sidaan ha'iyeelin".

Daahir ayaa yri "Maya macaanka maxaan kuu keenay fiiri bal"?, Ilhaan oo inteey faraxday dhulku ku yaraaday waxa ay tiri "Alla sow kuushii 20ka shilin joogtay ma'aha!!! oo maxaad lacagta intaa la'eg iigu qasaarisay!!!"?.

Daahir ayaa yiri "Saas ha'i dhihin abaayo, kuul iska dhaafe waxaad iga mudan tahay in aan nolosheydaba kuu hibeeyo  dhamaanteed".

Ilhaan ayaa tiri "Aboowe kuushaan waxaa ii gadi rabay hadda ka hor walaalkey balse hadda ma haayo walaakey oo wuu dhintay, waana markii iigu horeeysay ee aan kuul xirto, marka waxaan kaa codsanayaa in aad gacantaada iigu xirto, maadaama aad tahay qofka kaliya ee aan ifka ugu jeclahay".

Daahir markii uu kuushii u xiray ayay gacanteeda marisay qoorteedii cabaaryaha lahayd kuna tiri "Waa markii ugu horeysay ee qoorteyda lagu xiro kuul waayo ilaa iyo markii aan waxgartay ma helin qof idaryeela oo wax ii qabta, ee Daahiroow aboowe gacmahaada xaada leh markaad luqunteyda saartay jirkeyga dhamaantiis ayaa muxibo kuu jaleecay,  ee Daahiroow waligaa jacaylkeena sadexeeye ka dhowr".

Intaa markii ay tiri ayaa Daahir waxa uu ku yiri, "Taasi waa waajibkeyga & danteena inaan ilaaliyo jacaylkeena".

Intaas markii ay xaajo mareyso oo   la isla meel dhigay inla is arko maalinta bari ah ayaa waxaa yimid oday Guure markii uu arkay wiilkiisa oo la fadhiya gabadhii oday   Cali, aad ayuu u xanaaqay, xanaaqiisuna wax kale ma'aheyn ee waxa uu Wiilkiisa la rabay gabar uu dhalay walaalkiis Garuun ee layiraahdo Hani, isla markii ba oday Guure waxa uu soo aaday gurigii Daahir markii uu soo dhamaystay haasawihii macaanaa ee uu la haasaawaayay gacalisadiisa Ilhaan ayuu soo galay gurigii, markiiba aabihii ayaa yiri "Ha'iga siinin wax raashin ah waayo waxa uu katalaabsaday go'aankaygii adkaa ee ahaa inaan ku daro Hani oo waliba uu bilaabay inuu la haasaawo gabar aanan ka dhalan reer hanti leh oo faqri ah, aaheey waa hadii aan yeelayo, Daahir waa aniga iyo adiga ninkii rag ah oo uu go'aankiisu shaqeeyo".

Daahir oo intuu naxay niyadu ka jabtay murugana la daristay  isaga oo aan marna ka maarmin jacaylkiisa aana diidi Karin go'aanka aabihii ayaa waxa uu yiri "Laakiin Aabe adiga sidaad moodo wax uma jiraan" Aabihii ayaa yiri "War iga aamus nacas baad tahay oo aan waxba garane, waa inaan taar qabadsiiyaa Garuun oo aan ku iraahdo gabadha iyo wiilka waa inaan isu guurinaa maalinta jimcaha ah ee soo socota,  oday garuun intaas kuma ekaane waxa uu u tagay Ilhaan aabaheed Xaaji Cali isaga oo ku yiri "Waryaa Xaaji Cali gabadhaada mardanbe hadaan ku arko wiilkeyga agtiisa wixii ka dhaca adiga ayaa ka mas'uul ah".

Xaaji cali oo yaaban ayaa yiri "Oo maxay tahay dhaarta kaa baxeysa dad daris ahna waa nahaye"?.

Oday Guur ayaa waxa uu u daba dhigay Xaaji Cali "War iyo dhamaantiis wiilkeyga waxaan u rabaa Gabar aan adeer u ahay ee dareenkaadu ha shaqeeyo hadii kale waad ogtahay waxa dhaci doona"?.

Markii uu baxay guure ayaa Ilhaan oo is leh maanta arintiini ayuu u yimid oday Guure ayaa tiri "Aabe maanta guure waa soo dheeraadee maxaa dhacay"? Xaaji Cali ayaa yiri "Aabe Waxba ma'ogid maandhaay Guurana halkaan uma imaan samaan ee waxa uu iigu yimid inuu i ogeysiiyo inaan gabadheyda ka reebo wiilkiisa Daahir ah oo uu la rabo gabar kale, marka aabe isaga har wiilkaas, waayo waxa uu yiri hadii aadan gabadhaada ceshan wixii dhaca adiga ayaa ka mas'uul ah, mana rabo inaan ku waayo waayo adaa indha ii ah oo dad kale mahaysto".

Ilhaan ayaa tiri "Waayahay aabe waan uga harayaa wiilkiisa hadaad adigu go'aansatay".

Xaajiga ayaa yiri "Qeyr Allaha ku siiyo gabadheydiyey ee orod Aabe Farasta biyo sii".

Ilhaan oo faras inay biyo siiso daa warkeede dunidu ku yaraatay, wax ay sheegtana garan la' ayaa waxay kucalaacashay erayadan,

Bi'i waa aduunyooy

Baahideydii jacaylkoo

Beerkeeyga dhamaaniyo

Bogga aaanku haystaa

Baadi iga noqotay

Barigaan go'oo

Birtu igu dhacdoo

Badbaadadaan sugaayana

Baylah iga noqotay

Bashaashkaan jeclaa

Beerkeyga siiyaa

Bariga lay diidee

Boqoroow ilaahoow

Badbaado ii samee

Markii ay erayadii dhamaysay oo aysan Farastiina biyo siin wali ayaa waxaa u yimid Daahir oo socda, Daahir isagu ma'oga inuu aabihii u yimid Ilhaan aabeheed kuna yiri warar aad u kul kulul, horaa waxaa loo yiri (Sirmaqabe Raxmaankaa u maqan), Daahir ayaa yiri "Ii waran gacaliso"?

Ilhaan ayaa tiri "Haye aboow! oo kaalay qofkii laba maalmood kula hadlaa ma waxaad    u malaysaa inuu ku jecel yahay, war doqon yohow anigu waan kugu danaysanaayay oo kaliya, laakiiin danti waxa ay dhamaatay markuu aabehey ogaaday inaan jacayl kula jilayo, sidaas darteed iga raali ahoow".  Daahir oo naxsan ayaa yiri , "Yaa, yaa, Ilhaan say kaa noqotay? miyaadan ogeyn jacaylka dhabta ah ee aan kuu qabo? iyo waliba daacadnimadeyda"?. Ilhaan ayaa tiri "Waaruntaa waad ijeclaan kartaa laakiin jacaylku waa kaligaa!!!. Daahir waxaa kasoo haray yaab, fajac, argagax, indho taag taag iyo meela fiirfiiris, Daahir waa uu iska baxay isagoo aan wax guul ah wadan oo ay ku soo dhacday guul dara tii ugu xumayd ee abid soo marta,  isagoo wax uu sameeya garan la' tii aabihii waxay unoqatay Caano, waxaase durba nabar xanuun badan ku noqday warkii ay tiri Ilhaan oo uu ka filayay inay la safan doonto isaga oo ay meel kasoo wada jeesan doonaan, balse aanay dhicin taas oo uu kala soo kulmay wax uusan fileyn oo uu aad u dhibsaday, isagoo muragadaas darteed isla hadlaya ayuu yiri tixdan:-

Jahwareerkii aduunkaa

Jaar ila noqdoo

Jiif iyo joog

Midna waan ka quustoo

Murug aan awoodinbaa

Maanta Igu dhacdoo

Murugteedu I haysaa

Gacalkeygii wacnaa

Good miyuu noqday

Ilhaaney maantuu

Nasiibkeygu idiidoo

Calafkeygu xumaadee

Adigana gacalooy

Ifka baraariyo

Nabad ku sii joog

Aniguna ayaankey

Daahir waxa uu jiiftay geed hoostiis isagoo aad moodo ilmo aan sitimaan wax cunin, diifta ka muuqatana aad yaabeyso markii uu in cabaara jiifay ayaa waxaa uu aaday ceelkii, gabadhii Ilhaan hayd iyadu meeshii uu Daahir kaga tagay ayay taagan tahay iyada oo niyada gashatay in maanta ay ugu danbeyso gacaliyeheeda oo aanay dib danbe u heli doonin, markii uu gabalkii dhacay ayay seexatay, goortuu habeenku laba ukala barmay ayaa waxaa riyo ugu yimid Daahir oo leh "Waan ogaaday inay waalidkeen noo shireen, balse jacaylkeygu waa sidiisii ee adiga kaada yuusan liicin", Ilhaan oo riyadu run la noqotay ayaa tiri, "Alla hadii uu mar qura ii soo noqon lahaa aduunyada ayaan calaf ka joogi lahaa" Ilhaan markii uu waagii baryay waxba gacanta kuma hayso subaxaas Ilhaan soortii waa ay diiday, oo waxaa ladarsay kurbo jacayl iyo dhibkeeda oo isu kaashaday, dhanka kale oday Garuun iyo gabadhiisii Hani ayaa yimid beertii ay daganaayeen reer Guure, Hani iyadu waxa ay si qudbo sira ah ugu xiran tahay Cabdulle balse lala ma'oga, habeenkii ayaa waxa la'isugu yimid goobtii caweyska  oo ay ku sugnayd Ilhaan, waxa ay Ilhaan ka fariisatay cayaarta meel gees ah, Waxaa u yimid Hani oo isleh bal gabadhaan weydii walaalkaa Daahir waxaa laga yaabaa in ay taqaanee, waxana ay tiri "Abaayo maxaad kaligaa halkaan u fadhisaa"? Ilhaan ayaa tiri "Hadaan kuu sheego sida ay wax u jiraan   Miyaad Murugada ila qeybsan kartaa waa maya, marka maxaad ka faa'iideysaa"? Hani ayaa tiri "Sidey wax kuugu dheceen abaayo"? Ilhaan waxa ay tiri, erayo aad u qiiro badan oo ay aad ula dhacday Hani waxana ka mid ahaa:-

Labadii is doorta

Dooqu is raacshay

Dadka iska xushay

Xaqa ku heshiiyay

Daacad isu ahaada

In la kala gooyoo

Laysu diida xaq miyaa?

Caashaqeygu waa dhab

Calafkeygaana sidaan

Nasiibkiisu ahaadee

Anaa isdiloo

Gacalkeygii gooyee

Hadal aabihii yiri

Intaan dhowrayaa

Dooqeygii I daayay

Intaas markii ay tiri Ilhaan ayaa Hani oo iyadu horay u soo martay waxa haya gabadha Ilhaan ah ayaa tiri "Wiilkii miyaa kaaga baxay jacaylka oo aan wax kula qaban"?  Ilhaan ayaa tiri "Maya abaayo abaayo mid aanan waxba ka ogeyn jacaylkeena ayaa aabihiis ku darayaa, kaaga darane wiilka markii uu aabihii u sheegay arrinta gabadha waa uu ii yimid, Waxaana ula hadlay si aan xad lahayn waayo aabihii ayaa yimid gurigeena oo aabahey ku yiri gabadhaada iiga reeb wiilkeyga oo waxaan urabaa inaan ku darsado gabadha aan adeerka u ahay ee uu dhalay walaalkeey, aabahey ayaa i yiri maandhaay isaga har wiilkaas anigana waayahay ayaan ku iri, arinta sidaan uma malayn laakiin hada wax aan sameeyo ma'aqaano", Hani oo xaadu istaagtay ayaa tiri "Waa tuma gabadhaas"?  Ilhaan ayaa tiri "Wali wajigeeda ma'arkin laakiin waxaa la yiraahdaa Hani Garuun Jayte, alla yaa gabadhaas wax garad ka dhiga"!!!. Hani ayaa tiri wax walba anaa kala furfuraya, jacaylkaadana Waad heleysaa haduu eebe idmo.

Ilhaan mar waa ay faraxdaa, marna waxy tiraa maxay ka qaban kartaa arintaan, laakiin waa ibnu aadam oo waxaa laga yaabaa wax aniga iga qarsan inay ogtahay.

Hani iyadu waxa ay mooday in uu aabaheed u soo waday inuu baro walaalaheed laakiin murugada ayey qeyb ka soo gashay oo waxaa ku dhacay labo mid dooro oo kala ah in la'ogaado gacaliyaheeda qarsan ama ay gasho guur aan xalaal aheyn iyo waliba inay dumiso farxadda walaalkeed Daahir iyo jacaylkiisa, waxayna bilaawday inay isla hadasho ayadoo yaaban oo dhahaysa "Waa fursadii iigu danbeysay ee aan haysto, waa inaan u sheego walaalkey in la'i qabo, waxaana leeyahay anigu walaalkey ma guursanayo si uu asigana sidaas gacalisadiisa ugu helo.

Daahir oo aan gabadha indhaha saari kaarin ayey ku tiri "Daahiroow kaalay arin  ayaan kuu hayaaye", Daahir ayaa yiri "Arintaada marabee idaa", waxa ay ku celisay "War wax walba aniga ayaa soo ogaadee kaalay aan ku badbaadiyee oo aan waxkaa dhaadhiciyee", markii ay wax walba u sheegtay sida ay u rabto ayuu Daahir oo farxadu ka badatay yiri "Abaalkaada maxaan ku gudaa? Wax iga dalbo? Maxaan kuu qabtaa"? waxa ayna ku tiri "Waxaad ii qabataa oo Kaliya Ilhaan noo soo guuri, waa gabar fiican oo aad u qurux badan, dabci wanaagsan leh, oo aad kuu jecel".

Labadii oday markii ay balantii ku dhaqaaqeen oo wadaadkii la keenay ayaa loo yeeray Daahir iyo Hani si la'isugu mehriyo.

Hani ayaa soo booday oo tiri "Ma doonayo Daahir waa walaalkey, sideen uguursanayaa, intii walaalkey aan guursan lahaa inaan dhinto ayaa iiga roon".

Si walba hadii layeelay  Hani waa ay diiday, odayaashii waa ay ka quusteen, waxana ay go'aamiyeen in ay iska dhaafaan, markii uu go'aankii dhamaaday ayuu Daahir yiri "Adeer Garuun walaashey hadii ay idiiday gabadhii aan jeclaa inaan guursado ii ogolaada".

Duqii aabihii ahaa ayaa yiri "Sideen ugu tagayaa ninkii saan ogaa aan ula hadlay"?, Oday Garuun ayaa yiri aniga ayaa utagaya oo lahadlaya.

Isla markiiba Oday Garuun baakoortiisa ayuu qaatay waxa uuna u tagay Xaaji Cali kana codsaday inuu siiyo gabadha, Xaaji Cali ayaa yiri "Horta gabadha wiil ayey jeceshahay hayeeshee hadii aad sidii xeerka u ahayd Soomaalida aad soo martaan, iyaduna idin ogolaato waan idin siinayaa".

Oday Garuun ayaa yiri "waad mahadsantahay Xaaji, wiilkana waa wiilkeyga Daahir ah ee gabadha inoogu yeer".

Xaaji Cali ayaa yiri "Ilhaan aabe kaalay", Ilhaan waa ay timid iyadaoo leh "Waa ikan aabe" waxaba ay keenta Shaah iyo Bun waxana ay tiri "Maxaan qabtaa Aabe"?.

Xaaji Cali ayaa yiri "Wax kale lama rabee Odayaashaan waxa ay ka socdaan Daahir Guure waxana ay doonyaan inaan ku siiyo ee bal ka waran Aabe"?

Ilhaan ayaa tiri "Aabe go'aanka adiga ayaa leh, waxaad gooysana diyaar ayaan u ahay".

"Qeyr allaha ku siiyo maandhaay, Oday Garuun iyo Guuroow gabadhii waa taas ee gudoon wacan".

Oday Garuun gabadhii ayuu gacanta ka qabsaday lana soo tagay isla maarkiina waxa uu bilaabay aroos aad u weyn inuu dhigo arooskii ayaa la dhigay Ilhaan iyo Daahir farxad ayaa lasoo daristay iyagooo isu dhiidhiibaya erayo macmacaan ayey yiraahdeen, "Ilhaaney gacaliso", "hee gacaliye", "Maanta maalin ka wanaagsan Maku soo martay", "Maya gacaliye", "Guri inaan galnoon baashaal Wadaagno, xaq soow ma'aha", "Haa gacaliye", "lillaahi inaan wadaagnoo laqdaba iska diidno sax soow ma'aha", "Haa gacaliye".

Dhinaca kale gabadhii Hani ahaydna waxay dib ugu noqotay tuuladii ay ka timid iyadoo u ruuqaansatay gacaliyeheedi oo ay la aqal gashay, waxana ay halkaas ku heshay farxad, reyn reyn iyo barwaaqo nololeed.

DHAMMAAD

www.garwaale.8k.com

 Guurbaan kaa rabaa
Gacan aan wadaagnoo
Guri xalaal ah aan degnoo
Garab wacan I siiyoo
Garwaaqso hadalkeyga
Mar haddaan is gacloonay
Is garabsano wacanaa
Samir baan kuu wadaa
Sacabo xalaal ahoo wacan
Samir iiga gudoon
Sababtaa waxaa leh
Ilicii horoon marnay
Samirkiisii weeyaan
Suuradaadaa wacan baa
Suniyahaa I deeqee
Sambabada iyo calooshiyo
Seedahey I gooyeen
La,aantaada samri waayoo
Ilaa aan saxaro
Sir dambe kaa rabee
Suurta geli guurkaan

www.bulshooy.8k.com

Sideed ku Ogaankartaa Gabadha sida dhabta ah kuu Jecel?

Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo gabadh ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale, Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si badheedh leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay jeclaadeen, waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo saydho oo ay la kulmayaan waji gabax.

Waxaanad niyaddada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylku qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin ragga iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo maahmaah english ah ayaa tidhaahda "True Lover Don't Say Love Each Other,But They Know They Do" oo ay macnaheedu tahay labada qof ee sida dhabta ah sku jeceli lagamaba yaabo inuu ku yidhaado waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxanay isku dareensiiyaan waa ficilo aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel (action).

Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jeclyahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxaa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel.

Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jacayku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda nafahaaneed.

Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tidhaahdo "Hebeloow waan ku jecelahay". Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay. Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo uu ninku si fudud uga fahmi karo gabadha aadka u jecel waxeyna kala yihiin qodobadaasi.

Isagoo ninku isbarbar dhig ku sameeya oo qiimeeyna ku sameeya hab dhaqanka ay gabadhu dadka ula dhaqanto iyo sida ay adiga kugula dhaqanto. Haddii aad gabadha ka dareento in ay ku siinayso tixgelin ka badan ta ay dadka kale siiso gabadhaasi way ku jeceshahay ee sidaasi ku ogow. Dumarka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii gabadhu ay aad xil isaga saarto in ay ogaato halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, gabadhaasi way ku jeceshahay.

Haddii gabadha ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in ay ku jeceshahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb laxaad leh ka qaadtaa jacaylka dhabta ah ee ay hayso haweeneydaasi. Gabadha ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkeeda waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo ninka ay jeceshahay oo uu raaco gabadh kale oo aan iyada ahayn. Hadaba haddii aad ka dareento gabadha aad wada sheekeysataan amaba walaltinimo idinka dhexeyso hadii aad ku aragto astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin jaaniskaasi oo aanad dayacin jacaylkeeda ee aad ka faa'iidaysato fursada qaaliga ah. Astaamahan aad aragtay Run ahaantii waxa aad si fudud u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga gabadha ku jecel.

Adgoo Isku daya marka aad si dhab ah oo aan dheel-dheeli ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si talaabo talaabo ah ula kulantid ulana haasawdid, una soo jiidatid gabadha ku jecel.Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad yeelan waydo isku kalsoonida dhexdiina taala ayaa meesha ka baxaysa.

Behind the Scenes of My Home Page

 Qiso Jaceyl oo dhab ah oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed "Gabdhaha Somaliyeed qaarkood xumaan badnaa"

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, oo lagu kala magacaabo Mahad iyo Naciimo, mahad ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-gall shabakadda Dhacdo.com, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan.

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markii ahaa 1985-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay Iskuulka Al Fajri oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, sidoo Naciimo waxay dhigan jirtay iskuulka Mujamac Umul Quraa, oo ku yaalla degmada Boodheere.

Aniga iyo Naciimo waxaa ku wada nooleyn degmada Yaaqshiid, sidoo kale naciimo waxaa isla soo dhiganay Dugsi Qur'aan, waxaana aalaaba qalbiga ku heyn Naciimo, anigoo aad ula dhacsanaa quruxda uu Rabi ugu deeqay.

Muddo markaan wada joognay ayaa waxaa u qaaday jaceyl baaxad weyn leh, isla-markaana waxaa ka cabsin jiray inaan Naciimo u sheegto jaceylka aan u qabo, hase ahaatee waxaa dhacday maalin maal-maha kamid ah Naciimo oo iskuulka ka timid, misana aad u faraxsan ayaa waxaan u sheegtay jaceylkii, iyadoo si diiran igu soo dhaweysay.

Waxan usii qaaday jaceyl kal iyo laab leh, mar walbana kama aysan bixi jirin qalbigeyga

Iyadoo iga dhaweyd dhamaan dhalinyarada xaafadda oo idil, maxaa yeelay waa gabadha kaliya ee aan jeclahay.

In muddo ah markaan wada soconay ayaa waxaa Naciimo u suurta gashay inay aado Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaa oo ay ku nooleyd hooyadeed, isla-markaana waxaa magaaladda Muqdisho ku noqday qof kiligiis ah, maadaama ay iga tagtay gabadhii aan ifka ugu jeclaa ee Naciimo, waxaa iga soo haray fikir iyo amagaag, wareer aan dhamaad laheyn ayaa ila soo darisay, iyadoo ay igu xumaatay nolosha oo dhan, waxaana aad iga hor yimid dhamaan gabdhihii kala duwanaa ee ku noolaa degmada Yaaqshiid.

Wuxuu waqtiga is-guraba ayaa waxaa dhacday inay Naciimo dib ugu soo laabato magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasi ayaana kasii amba qaadnay jaceylkii inoo dhaxeeyay, waxaa noqonay lamaane uu ka dhaxeyo jaceyl ku dayasho mudan, mararka qaarkood dhalinyarada nala degneyd degmada Yaaqshiid ee aan isku xaafadda aheyn ayaa aad nooga maseyri jiray.

Waxaa noqonay laba qof oo isku uur ah, waxaa noqonay laba qof oo uu ka dhaxeeyo jaceyl cajiib ah, sidoo kale Naciimo waxay aheyd gabadha kaliya ay nafteeda tabi jirtay, isla-markaasna waxay iga soocdeyn dhamaan gabdhihii xilligaa ku noolaa guud ahaan magaaladda caasimadd ah ee Muqdisho.

Waxaa dhacday maalin maal-maha kamid ah inay Naciimo igu tiraahdo macaane waxaan doonaayaa inaan iskaga tago magaaladda Muqdisho, oo waxaan doonaayaa inaan aado Qaaradda Yurub, anigana waan ka aqbalay codsiga ay ila timid Naciimo, dardaaran xoogan ayaa iskula dar-daaranay, waxayna martay safar dheer oo ah, Syria, Turkey, Greece, ugu dambeen waxay nasiib u yeelatay dalka Norway.

Naciimo markii ay Norway gashay ayaa waxaa inoo bilowdo xiriir toos ah, anagoo ku wada xiriiri jirnay qadadka Internet-ka iyo Teleefanadaba, wuxuuna jaceylkeynu ahaa, mid ku socda si habsami leh, isla-markaana waxaa muujin jirin tex-gelin xoogan oo dhanka naciimo ah.

Muddo kadib ayaa waxaa dhacday is-badal xoogan oo ku yimid Naciimo, taa oo aad iga fajacisay, waxaana dhawr jeer isku dayay inaan Naciimo u sheegto, hab-dhaqanka cusub ee igu bilowday, mar walbana markaan wax ka weydiiyo, ayaa waxay igu jawaabi jirtay waa caadi, wax is-badal ah majiraan ama waxaan ahaa mashquul.

Naciimo ayaa waxay kusii adkeysatay inay iga cago jiido, aad baan ula yaabay sida ay ila dhaqmeyso, misana ay ku ilowday jaceylkii halboolaha dhiiga goystay ee inoo dhaxeeyay

Waana mid aan garan waayay sida ay ii deyrisay, misana ay iga goysatay.

Kama aanan quusan oo waan daba orday, oo jeer baan dib u xasuusiyay jaceylkii iyo wacadkii inoo dhaxeeyay, nasiib daro taasi maaha mid ay wax ka qabatay Naciimo oo waxay ku adkeysatay inay iga goosato.

Markaas ayaan waxaa ku calaacalay, Alla caashaqu dhib badanaa, dumarka Soomaaliyed qaarkoodna dayacaad badanaa, addduunkana wal-wal badanaa, waxaan iska baroorto, ama aan iska dhibtooda, Alle wuxuu qadaray inaan ka gaabsado Naciimo, xilli dheer kadibna waxaan guursaday gabar kale, oo iminka i heysa hal wiil, wuxuu waqtiga is-guraba, waxaan imaaday dalka Norway oo ay ku nooleyd Naciimo, sidoo kale Naciimo weli maysan guursan oo weli waxay dhex joogtaa dalka Norway.

Mowduucaan oo ah mid aad u balaaran ayaa waxaa uu nooga baxay inaan wax ka qorno markii Suxufi Soomaaliyeed oo layiraah Siciid Baffo uu soo dhex dhigay su'aashaasi Asxaabtiisa Barta Facebook-ga bal in ay uga jawaabaan ayaa waxaa hadaanahay bahda Jaceylka.com oo wax ka qora arimaha bulshadda na qurxoonaaday in aan wax ka qorno sida axaabtaasi uga jawaabi doonaan su'aashaasi oo mujtamaceena muhiim u ah in ay ogaadaan waxa arintaasi sababa islamrkaasna laga fogaado.

Kahor inta aanan soo qaadan bal ra'yiga ay qabaan dadkii su'aashaasi ka jawaabay ayaa waxaan bal eegeynaa sida ana qudheena ay jawaabtu nala tahay.

Waxaa jira wax yaabo badan oo arintaasi sabab u ah waxaana ay kala yihiin sidaan:-

1- in marka hore intaan la is guursan aan laga fiirsan waxyaabo badan oo mudan xiligaasi in laga fiirsado sida

a)   Dabeecadaha labada qofi ma is la jaan qaadi karaan

b)   Mudo mala hasaawooday oo la is fahmay

c)   Sida reerka la dhisaayo uu noqon karo malaga wada hadlay

d)   Jaceyl majira mise waa igu soo bood

e)   Waalidiintu ma ku qanacsan yihiin reerka la dhisayo

f)     Alla ka cabdi iyo aqooni majirtaa

g)   Jeebka miyaa wax kastaa ku qiran yihiin mise waa dhab in nolol lawadaagaa

In kastoon ognahay in arintaani u badan tahay soomaalida dalka ka maqan hadana waxaa ay leedhay wajiyo kala duwan

Hadii aan u kala qaadno laba waji oo kala ah Soomaalida dalka joogta iyo mida dibada joogta sida arintaani uga dhex dhacdo bal aan ku horeyno kuwa dalka jooga.

Gabdhaha la gu soo furo iyagoo hal cunug heysta soomaaliya waxaa ay qeyb kala mid yihiin kuwa dalka ka maqan waxaana taasi ay tahay arinta la xiriirta Kafiirsi la'aan marka hore dhacda, mida ugaarka ahna waxa ay tahay xaga nolosha ee guriga oo dhibaatada dalka ka jirta ay ragii iyo haweenkiiba baday in aysan shaqaysan Karin sidaa darteedna marka lawaayo wax lagu noolaado ay meesha imaanayso maah maah xiligaasi la isticmaalo oo ah (laba qaawan isma qaado) maah maahdaasi oo aan maskaxda labada qof ku soo dhicin ka hor inta aan la aqal galin.

Marka aan si kooban u eegno dhinaca soomaalida joogta qurbahana waxaa taas u sii dheer wax layiraah Bacdaadii madoobeybaa baanka kuutaala , iyo ereyo kale oo raga xagooda kayimaada sidaasina lagu kala tago reerkiina ku bur buro.

Iminkana aan eegno dadkii bal su'aashaasi comment-gooda ka bixiyay markii uu suxufigaasi soo galiyay.

  • Gabr layiraah Luul Cusmaan ayaa tiri" it depends dat situation walal,wax padan pa sawap u naqakara nt only devorse! Macnaha "Waxay ku xirantahay xaladda markaas jirta walaal,waxban baana sabab u noqon kara ma ahan oo kali ah Furiinka"

  • Igwe-xefow ayaa isna yiri" waxaa sababay burburka Dowladda somalia ku dhacay kaliya kuma ekaan dowladdee xataa wuxuu saameeyey qoysaskii waxaana dhihi karaa, is fahamdarada ayaa kow ah tan labaadna waxaan u sababeyn karaa ragga oo qaadkii ilowsiiyey qoyskooda. tan sadaxaadna waa dumarkii oo qaatay qiyaaliga reer galbeedka taasoo ah dumarka ayaa leh mudnaanta koowaad lol"

  • Lajecley" Nimankiinaa sababay maxaa yelay naag ayaad guursaneysan kadibna ilmo ka dhalesaan ka dibna fureeysan haduu nin naag furi laheyn single mother majireen "

  • Axmed abuukar "Atto waxa sababay dad aan aqoonin waxa ay tahay mas'uuliyad gabdhihi marka hore inta been aan ku soo shukaamisan misna aad ka dhashan ilmo kadibna aad fureesaan taas ma nololaa...?

Geeraar

Dunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo, dunidaan da'yarteeda dagaalka loo carbinaayo, dunidaan duqowdeeda nabada aan doonayn, dunidaan labadii is doorato dakano layskugu diidaayo dabkeeda ma yara, ana inaan daacad kuu ahay marna aanan ku dageynin damiirkaada u sheeg, wadnaheyga dushiisa iyo beerkeyga dacaladiisaan darin kuugu dul fidinayaa dareen la' aan ku dul seexo, hadaadan intaas ku daganeynin laabtaada sii danqaneyso dartaa waalidkeyga ha ii dilo ama duhurkaan ha ii deyrsho deg deg daartaada igu geyso.

Geeraar.

Sahal maahan caashaqa hadaan lagula sideynin sibir waaka qaraar yahay samada iyo dhulka dhaxdooda saan qaadku badanaa samirkuna wacanaa silsilad waaye dunidaane hadba si kugu soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa furiin maxaa ka dhigay?. 

Geeraar.

Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.

Geeraar

Taariikhdaada nolosheyda

 kama tirmeyso ee talaahi

aan ku dhaartay talaabkastoo

aan qaado adigaan ku

towaa taajkii arooskaaga

tabaabusheysigiisa aan ku

jiraa ee taajirnimo iima

laabnee toosaneey

taladeena waa toostee

tacab shiid waa ka baxnee.

Geeraar. 

Ma jiraa jaceyloo?

Ma jiraa jaceyloo, qofaad waanisoo wehel aad kadhigatooa warkiisa aad raacdoo waji aan wacneyn wax tar kaaga dhiga?.

Ma jiraa jaceyloo qoraaf saad satoo saadir aad katuugtoo suubanaantii caashaqa samaantii jaceylka midna aan kusiin?

Ma jiraa jiraa jaceyloo qofaad jamatoo jirkaaga moodoo aan jiirnaxaynoo jiriricyo jaceyl midna aan u jeedin?

Ma jiraa jaceyloo qofaan kuu naxaynoo naftaada moodoo nuurkii caashaqa iyo naxariistii jaceylka midna aan ku siin

Ma jiraa jaceyloo qofaad qiima wacan & qaayo wacan u yeeshoo hadana aan kuu qireyn?

Geeraar

Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado, daahirii rasuulkeena iyo daa'inkii na abuurtaan dartood aan kugu deeyay.

Xasan Siidow Ibraahim Maxamed

Mabrook_11@hotmail.com

hulbale@gmail.com

galdiid@yahoo.com

www.garwaale1.blogspot.com

Tel: +252615008787