Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Hassan Sidow Ibrahim Maxamed

My Photos Maah Maahyo1 Maah  Maahyo 2 Fariimo Jacayl Iyo Geeraaro Sheekooyin Jacayl ah Guurka  Kororso Aqoontaada Calaa'cal  Sheekooyin Jacayl (1) Backgrounds Raaxada Guurka 1aad Raaxada Guurka 2aad Raaxada Guurka 3aad Xulka Geeraarada NAQSHADO CILAAN Qisooyin Jacayl Xanuun Badan XIKMADO   Sheekooyin Jacayl (2) E N J O Y - F L O W E R S JACAYL  T A L O S I I N Blog

Guurka Wanaagsan

Hadalku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha qofka bini aadamka ah uu ku cabiro dareenkiisa sidajacayl uu u hayo qof kale . carro. rabitaan. diidmo. sidoo kale waxaa jira in weedhaha loo adeegsanayo marka lala hadlayo hooyo/aabe. walal. Zowjka/zowjada saaxiib ,ay kala duwan yihiin mid walbana leeyahay hab gaar ah.

Habkee ula hadlaysaa markaad la hadlayso wiil aad wada sheekaystaan? Habkeedse ula hadlaysaa markaad la hadlayso gabar aad wada sheekaysataan? Kalmadaha aad adeegsanayso waa sideee?Habkee u wada hadlaynaa? wax walboo kugu soo dhaca maku oranaysaa uu jecel yahay inaa ku tiraahdo/ay jeceshahay inaa ku tiraahdo?mise waxaa jira weedho aan haboonayn inaad adeegsato?weedhahaa aad isticmaalayso markaad la hadlayso Ninkaaga /Xaaskaaga iyo weedhaha aad adeegsanayso markaa la hadlayso qof kale farqi intee le,eg ayaa u dhexeeya? Erayada macaanerayada soo jiidashada leh erayada dareenka qofka kicinaya iyo erayada caadiga ah ee ay isku oran karaaan dadkoo dhan waa kala duwan yihiin .hadaba Maxaa ugu wacan dhalinyaro badan inay adeegsadaan erayo loogu talagalay dad xalaal isu ah inay isku yirahadaan markay wada hadlayaan (shukansanayaan) siiba Netka Soo lagama wanagsana in nin aan ku qabin aad ku tiraahdoGACALIYE ,ABOOWE MACAANE , XABIIBI.QAALI. DAWADII NAFTAYDOOW ,MA SEEXDO DARAADAAADAAN KUGU FEKERAA WAAN KUU XIISAY

sidoo kale aad ku tiraahdo gabar aadan qabin GACALISO ,ABAAYO MACAANTO,XABIIBTI,QAALI,DAWADII NAFTAYDAAY,xalay waxan ku riyooday inagooo!! Inta la soo xafido erayo iyo gabayo yaab leh la is dhaafsado waxay is waydiin karaan dad badan maxa ku jaban? waa wanaag uune,, erayadan isticmaalkooda wax weyn ayay keeni karaaan hadaan laga feejignaan booskooodiina la dhigin, waxa dhacda inaa tiraahdo afkaa iga bartay anoo iri ayaan is arkayaa wax xumaan iyo soo jiidashana kama wado iyo khiyano iyo been toona waa iga daacad qalbigeey ka soo go,eeen !!.qaar kale waxay Xujo ka dhigtaan Waan is jecel nahay,Waa isu doonanahay Waan is rabnaa, waxaaba jira qaar markaa ku tiraahdo erayadaa isticmaaleyso looguma talagalin inaa aniga igu tiraahdo la soo booda waa ku Rabaa oo waan ku danaynayaasoomaha maxaa ka micno ah hadaaan isku niraahno!! Wax walba markii Caadi laga soo qaado waxaa caadi noqda Waxaan caadi ahayn!! Gabdhaha qaaar waxa jira Codkoodu aad u macaan yahay aad u dabacsan yahay markay kalmad yiraahdaan aad loola dhaco ku suuxinayo codkoodu hmmm. Ama ha ugu talagaleen ama yaysan ugu talageline

ha ilaaliyaan gabdhuhu hadlkooda iyo codkoodaba yayna jilcin intii karaankooda ahna ha isku dayaan inaysan u noqon sabab Midka qalbigiisu jiran yahay inay Damac geliyaan. waxaa jirtay gabar codkeedu aad u dabacsanaa aadna u macanaaa markay is tiraahdo dukaan wax ka soo iibso nimanka dukaanka iibiya wada eegaan lana dhacaan codkeeda kuna yirahadaan cod macaanidaa .!!. laakin iyada ujeedadeedu maaha ku soo jiido codkaaga Raggaan ee waaa cod Allaah u dhaliyaymaalinkii danbe waxan go,aansaday bay tiri inan waxan rabo ku qoro warqad kadibna u dhiiboninka wax iibinaya anigoon la hadal sidaasna uga soo iibsado waxaan rabay iyagoo i mooda inan dhego la,ahay anoo Fitnayn cidna. si aan uga badbaado inan ka mid noqdo kuwuu yiri Allaah

(Ha jilcnina oo ha dabcinina hadalkiina si uusan idiin damcin midka qalbigiisu jiran yahay) suratu Axzaab 32 waxaa la sii raaciyay aayada inteeda danbe hadal Macruuf ahna ku hadla. adigu ma ogidmarkaa ninkaan ku leedahay Macaane Gacaliye siduu noqonaayo qalbiigiisu sidoo kale adna ma ogid gabdhaan markaa ku tiraahdo Xabibti siduu noqonaayo qalbigeedu.dadka is shukaansanayamaaha dad isku xalaal ah oo waxay doonaan isku dhihi kara sidoo kale kuwa isku doonnan maaha dad isu xalaal ah.waxaa loo baneeyay waa inay ka hadlaaan wixii dantooda ah iyo inay ka wada hadlaan mustaqbalkooda Waa inuu Caqligu kulmiyaa labada is doonaysa ee guur xalaal ah iska raba ,hadii caqliga meesha laga saaro oo xaalku noqdo waan jeclahay way i jeceshahay lagana gudbo xuduudii loo dhigay wada hadalkooda waxaa dhacaysa wax aan ciribtiisa la mahdin . waqtiga isbarashaduna waa waqti loo gogol xaarayo sidii loo dhisi lahaa Guri ee maaha waqti guri la wadajoogo.Hadeey sidaa tahay waxa lagama marmaan ah inan hadalkeena kontaroolno inagoo raacaynaku hadla hadal Macruuf ah, 2da qof ee isu doonnan guur iska

raba sheeko u socoto dabcan waa dad is doortay hadey niyadooda wanaajiyaana waxaa xaqiiq ah in Alle wax walba waafajinayo sidaan wada ognahay islaamku wuxuu leeyahay qaacido taasoo ahinuu ka hortago wax walba intaysan dhicin sameeyana sababihii loo xakamayn lahaaa waayocudurku intuusan ku dhicin qofka hadii la xakaameeyo lana sameeyo ka hortag waxaa dhab ah inuu yaraanayo faafitaankiis((Alwiqaayatu khayrun minal cilaaj)).2da isu doonan waxaa ka xaaraam ah (Khalwah)Inay isla kali noqdaan. is Taabasho. Sidoo kale Eegis midba kan kale ka eego intii sharcigu u baneeyay mahee, Waxaa sahlan inaa iska ilaaliso Taabasho iyo eegmo laakiin ma sahlana sidaa u kantarooli lahayd waxa afkaaga ka soo baxaya ilaa aad la timaado mooyeee dadaaal badan iyo ka fiirsasho badan.

Hadaba walalayaal waxan qoraalkaan yar ugu talaglay inan isku baraarujino inan ka dhigno hadalkeena mid ilaashan aynaan isaga hadal wixii nagu soo dhacaba. siiba marka telefon lagu wada hadlayo wuxuu ku dhiiradaa qofku wax uusan oran karin markuuu qofka si toos ula hadlayo.waxaa laga yabaa waxay ka xishoon lahaayeen labada is shukaansanaysa inay isku yiraahdaan marka ay Telefonka isticmaalayaan ama Netka , Iska jir gabar walbaay ama wiil walboow inaa shaqsi aan xalaal ku ahayn (isqabin) ku tiraahdo erayo aan banaanayn ama codkaaga jilciso adoo is leh soo jiido qofkaan ama telefon ha ahaato ama Net,e waxaa laga yabaa inaa tiraahdo waan jeclahay wiilkaan/gabdhaan markaa qofkaa jeceshahayna waa inaad ku tiraahdo erayo macaan..si aad u muujiso jacaylkaad u qabto, diinteenu jacaylk ma diidana waana diin jacayl laakin jacaylka dhabta ah waa kan dhowrsoon wuxuu na barayaa in jacaylka labada is qabaa uu yahay midaan la barbar dhigi karin jacayl kale siduu Rasuulku salalahu calayhi wasalim ku yiri xadiis micnihiisu ahaa sidaan ((Ma arag Jacayl la mida sida kuwa is qaba )) kuwa isku doonanha u dhigtaan dib waxay isku oranayaan hadeer, erayada ay dhici karto inay ku danbaabaaanhadeer ay ajar ka helayaan xiligaa ay xalaasha isu yihiin

markaa naftiina iyo taydaba waxan kula dardaarmayaa inan inagoo is leh qofkaan qanciya oo soo jiita aan ka careysiino Allaah waayo markaa ku ag wareegto waxan laguu banneyn waxaa suurtagal ah inaad ku dhacdo Xaraam,waana sababtaa waxa loo diidayo wax walba oo cawaaqibtiisuxuntahay in loo dhowaado.. Allaah markuu ka hadlayay Zinada ma dhihin ha zinayzanina ee wuxuu yiri ha u dhowaanina Zinada! halkaas waxaa nooga cad wixii ku gaarsiin lahaa ama wadooyinkii ku gaarsiin lahaa inaa ku dhacdo Zinnada ka fogoow. qofkii Dab ku cayaara inuu ku gubto waawuxuusan seegayn, waxan ku sooo koobayaa iska jir wiil aanku qabin, gabar aadan qabin inaaweedhahaan soo shegnay u adeegsato markaad la hadlayso qasab maaha inaa meesha keento hadal kicin kara qofka dareenkisa ama laga wada hadlo sheeko Gogosha reer is qaba u gaar ah . waxaa ku oran kartaa hadal wanaagsan dhowarayana xuduuda Alle aan Kontaroolno hadlkeenainagoo nafteena tababarayna kuna toosinayna inay barato wax walboo anfacaya aduunkeeda iyo aakhiradeedaba. Nafta hadaan khayrka lagu hogaamin iyadaa xumaanta kuu hogaaminaysa..

Intaas ayaan ku soo koobayaa waxaan Rabbi ka rajaynayaa inaa noqono kuwii hadalka maqla kiisa wanaagsana raaca aamin.aamin


Guurku waa nolosha wanaageeda, waa deggenaan sidoo kale waxa uu ilaaliyaa indhaha iyo niyadda qalbiga ruuxa, waxaa run ah in ruux kastaa ku hammiyay guur wanaagsan laakiin guurka wanaagsan sidee lagu gaadhaa taasi maaha wax cid kastaa ka jawaabi karto ama mid kasta oo guursanayaa fahamsan yahay.

Dadka qaar guurka waxay u yaqaanaan in qarash badan, xaflado dunida looga kala goosho iyo waxkasta oo qaali ah oo la iibsado ay tahay ahmiyadda guurka haddii uusan ruuxu sidaa yeelina uusan guurkii saxnaa galin ee meel cidlo ah laga kaxaystay ama ka soo kaxaystay lammaanihiisa.

Lacagtaada ku guurso waxaan uga jeedaa dadku in wax sharaf ku guursadaan oo wanaajiyaan guurkooda maaha wax xun walow inta badan israafku ku badan yahay bulshooyinka qarashka badanina ay ku qasabtay dhalinyaro badan in ay holi waayaan guurka inkale ku mashquushay in si qaldan u raadiyaan lammaane, waxaan dareemay in qurbaha iyo  in badan dalkaba ka qarashaadka ku baxa guurarka uu yahay dayn, tabalcaaro ama amaah.

Arinkaasi qurbaha dhib badan ayuu ku hayaa oo daynta bixinteedu sanado ayay qaadataa waayo maaha qarashku wax yar qaarbaa gaadha 20 kun doolar, kuwa ugu yarina waa 5 illaa 7 kun inta u dhaxaysa mushkiladda timaada ayaa ah in qoysku marka dambe dhibaato kala kulmo bixinta qarashkaas sidoo kale qaysas badan oo burburay ayaa xal loo waayay cidda tunka u ridanaysa qarashkii ku baxay arooskoodii, waxaase wanaagsan in ruux kastaa inta uu awoodo ku guursado ha yaraato ama ha badnaato iskana jira in hantida allah idin siiyay aad ku cayaartaan, gaar ahaan hablaha waxaa u wanaagsan in arinkaa si gaar uga fiirsadaan una sharaxaan waalidiintooda in muhiimadu tahay guur aysan ahayn xaflado qaaliya iwm.

Wiilasha qaladkoodu waa in ay shuruudo badan oo aan loo baahnayn aqbalaan iyaga oo aan inta hore heshiis ka galin gabadha  marka dambase cabasho badan ka muujiya wixii shalay ay aqbaleen waa muhiim in aad dhankasta marka hore kala heshiiso ruuxa aad wax la wadaag is leedahay lana socda in dumarku in badan oo ka mid u arkaan in waajib tahay in hawshaa adag la galo markaa dhexda u xidho sidii aad u bari lahayd in duruufta saxda ah ee labadiinuba aad ku jirtaa wax ku wadaagtaan waayo haddii ruux kasta wuxuu niyadiisa ku soo dhaca la sameeyo imisa ruux baa doonaysa in madaxweyne noqoto?  Dadaala allaha kaashada kuna noolaada waaqaca markasta waxaama idin leeyahay gabar iyo wiilow lacagtiina ku guursada maya deyn.


                                                        GUURKA.                 
 
 
                                                       Gogoldhig
 
Qoridda maqaalkan waxaa fatihiyey maqaal dhawaan lagu daabacay mareegta ama rugta dumarka Soomaaliyeed ee wararka bulshada: qormadaasoo ka hadleysay ragga iyo raacdada guurka ciwaankeeduna ahaa: "Muxuu Raggu U guursadaa Dumar Badan?" ayna qortay gabadh Soomaaliyeed, Kaltuum Sheikh. Maqaalkaasoo I soo jiitay nuxur ahaan balse aan si cilmiyeysan u unkaneyn. Macnuhu ma ahan inaan dhalliil-xooggan u haya qortada maqaalka, Kaltuum Sheekh, balse waxaan uga golleeyahay Kaltuum Sheekh, waxbey farta noogu fiiqday hase ahaatee nooma aysan falanqeyn faaqidaadna warkeeda iskaba daa. Mid baanse Kaltuum ku raacsanahay: Hal Nin Hal Naag - inuu ninkasta hal marwo la mingala jaceylkana kala mirodhaliya.
 
                                         Muxuu yahay guur?
 
Marka loo cuskada Diinta Islaamka, guurku waa heshiis xalaal ah oo dhaxmara lammaane/a/o  is-cajabiyey oo is-calmaday calafna u hiiliyey.  Guurku wuxuu ka ambaqaadaa nikaax/ninkaax ama caqdi, laakiin, Soomaalidu waxey dhahdaa, "Meher", afka Carabigana ku ah "Mahar" oo loola jeeda maal gabadha la-guursaday la siiya kaasoo lacag, xoola-nool iyo waxkalaba noqon kara, go'aankiisana ay gabadhu leedahay balse ay ragga Soomaaliyeed kula gorgortamaan; saddaxdan erayba waa Carabi, Carabiguna waa luuqadda rasmiga ah ee Diinta Islaamka. Alle Subxaanuhu Wa Tacaalaa wuxuu guurku ku sheegay, "Is-afgarad Adag - heshiis xooggan." Guurku wuxuu leeyahay wadiiqooyin loo mara kuna cad axkaamta Islaamka. Waxaa saldhig u ah kalsoonida labada is-guursanaya ugu yaraanna waa in la hela laba rag ah oo marag ah meheriyahana waaba waajib - qumaatiga ayuu qaayibaa qodbasiradana Culimadaa noo qeexi, balse laga qiimo badan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba - anshaxa-diineed.
 
                                                         Maxey Tahay Ujeeddada Guurka?
 
Nabi Muxamed (Naxariis iyo Nabadgalyo Dushiisa Ha Ahaatee) Wuxuu yidhi, "Guurku waa dhaqankeyga qofkastoo ka dheeraadana igama mid aha." Dulucda Suubbanaha, nabiga, (NNKHAT) waxey na tusaaleyneysaa sida guurku ugu sharfan yahay Diinta Islaamka mudnaan iyo meeqaam miigganNa Muslimiinta ugu leeyahay.  Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee guurku waxaa ka mid ah kuwan hoose:
 
1 -  Sugidda keydinta iyo korarka jiritaanka isirka Aadanaha.
 
2 -  Unkidda sharciga ah ee naf ahaan aasaaska qoyska, Muslimka ah.
 
Labadan waa kuwa saldhigga u ah guurka, balse, waxey leeyihiin laammo iyo faraqyo ay u sii kala baxaan una kala baahaan. Guurku wuxuu xannaaneeyaa sharafta is-guursadayaasha iyo wadar bulshada ay ku dhax-noolyihiin waa haddii guurkoodu salka ku haya caashaq iyo is-calmasho dhab ah ayna iska filayaan ku-jecli iyo ku-jantay joogta ah kana imaneysa beer uu hiloowga laba-geesoodka ah,naf-qeybsadayaasha - gabadha iyo wiilka, buuxiyey oo uu bisleeyey hadal-macaan iyo hawraarsanna ku dhisan kalsooni iyo kalgacalna huwan oo ku hubeysan.
 
Guurku wuxuu xakameeyaa oo xaaraanta ka weeciyaa xalaashana ku dhiiriyaa dareen-galmeedka iyo kulka loo aayo ugxaanta ubadkana - minida, ama aan dhahna shahwada uu Rabbi ku beeray noolaha lab iyo dhaddigba. Sida dhaqanka Diinteenna, Islaamka, ku cad, guurku waa dhisaha iyo dheefiyaha bulshada dhawrsoon balse, hadda waxaad mooddaa iney bulshadeennu, Soomaalida, dhaawacyo ba'an oo xagga dhaqanka ah milan-dhaqameedka shisheeyaha laga soo minguuriyey la tabaaleysan tahay tubti ay kaga badqabi laheydna si baraad-laan ah uga dayoowday. Ujeeddada guurka wuxuu Alle noogu qeexay aayadda odhaneysa/oraneysa, "  Dhar ayey idiin yihiin idinkana dhar ayaad u tihiin." Waxaan ognahay in qof bad iyo baraad qaba uusan dhar-la'aan socon karin.
 
                                Maxaa Looga Baahan Yahay Marwada iyo Mudanaheeda?
 
Waxaa looga baahan yahay iney macnaha aayadda Quraanka ah ee sare ku suntan raacaan oo ay noqdaan kuwa inta nolosha uga harsan nabad iyo nagaadi ku qeybsada jaceylkooda, iskagana sokeeya af iyo gacan. Waxaana aasaaska wadajirkooda dhaxtaal u ah: Kalsooni, xurmo iyo xaqdhawr, wadatashi iyo istusaaleyn, isutanaasulid iyo iskaashi joogta ah. Waxaan qabaa inuu jaceylku yahay mara-cad oo uskagga aan u adkeysan karin una baahan joogteynta daryeel wadajir ah haddii kale dag-dag ayuu ku daranyoobaa diiftana dul iyo duud midna uma laha.
 
                           Maxaa Sababa Inuu Ninku Naag Kale U Hanqaltaaga?
 
Walaashay Kaltuum Sheekh, waxey gabbaadsatay dooddeedana ku suugeysay iney nimanku ku andacoonayaan iney hal naag ah kaafin karin.  Kaltuum waxey tidhi, "Waxey rabaan caruur badan. In ay hal naag ku filnaan karin qooqooda awgiis."  Waxey kaloo tidhi, "Kuwaan waxey isku tilmaameen in ay yihiin 'super men'." Talow ma ku doodi karnaa in dhanki gabdhaha gaabis ka yimid oo ay gacaliyahooda gogol-wadaagga ah - saygooda, hanan waayeen?
 
Haddaan aragtideyda kaashada, waxaan aaminsanahay in ninku uusan si fudud naag kale ugu hiloobi karin haddii ay marwadiisa koolkoollisa farxad kula seexata farxadna kula soo toosta oo aysan noqonin magaan laga caalwaayey iyo tii qumeeyada aheyd dariskuna isku warsan wadiiqooyinka iyo wadda-sheekaadka. Ninka iyo naagta isqaba waa in aysan kala noogin oo aysan is-dhibsan marka ay wada joogaan, marka ay kala maqan yihiinna waa in ay qalbiyadoodu isku ooyaan abboowe iyo abbaayo uu afku jaceylka barayna halqabsigoodu ahaada weero naxariistu la-daris tahayna ay marwalba is-dhaafsadaan saacaduhuna ku yaraadaan qosol iyo manqaxna wehel iyo walaal-kalgacal isugu noqdaan, nafta iyo noloshana ay u wadaagaan sida labada wabi ee niilka-dheer.
 
Haddii mid ka mid ah lammaanaha uu kan kale gogosha ku cuna ganuunac aan siba loo gareysan karinna uu ula goob-yimaada, talo fara ka haadday jaceylkuna goraygaa ka hadaafay, ogoow oo aqoonso arrinina gurracantay.
Haddii hab laysku ogyahay layskuna aaminsan yahay uu salbasalbeeya, bal aqoonsa in gabaahiir iyo lama-gudbaan, geerigo'an iyo gondagooye uu gabbalkii jaceylku ku dhacay dabaqabashana ay god-dheer ku duuftay danina moodday meelaan laga dayi laheyna doonnina kula dagtay daadka naca iyo naxalkuna uu si-daran ula dakeeyey. Markan oo kale, waxaa birta asladay astaantii jacaylka bahda jaceylkana kala bokootay.
 
                            Goormuu Ninku Naagtiisa Ka Niyad Jabaa?
 
Raggu waa kala baabe, balse, waxey sidan dhacdaa marka ay ooridu noqota bullaac-jiif iyo boodh-kamakacda - noqota arraajo ama areebo - basari.  Waakii gabayaagii la oran jiray: Saahid Qamaan Cali uu xaaskiisa ku lahaa, "Uskag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oollin." Haddii xaaska lagu barta daryeel-la'aanta gurigeeda, gankeeda iyo gogol-wadaaggeeda, waa in ay isku diyaarisaa garoobnimo labaduna ay galoofiyaan. Waxaa kaloo musiiba-anshaxeed ah gogoldhaafka oo ah cudur aan dawo-laheyn sida caateeyaha - AIDS-ka. Xanuun-galmeedkan waa midka ugu xun ee reerka la-darsa islamarkaana dumiya qofkii uu haleelana sharaf-dila.
 
                            Maxaa Dhaliya Hiinaasaha?
 
Nin hiinaasay ama maseeray waxaa dhaanta naag hiinaastay. Inta badan dumarka waxey ka hiinaasaan  naag kaloo uu ninka la-guursada. Waloow diinta Islaamka ay ragga afar naagood u banneysay, haddana waxaa jira xad iyo xudduud ay diintu tilmaantay - caddaaladda iyo sinnaanta ninka looga baahan yahay inuu xaasaskiisa u xaqsoora. Marka aan nafteyda ka hadla, waxaan aaminsanahay in sida aan hal naf ah u leeyahay hal qalbi jaceylka ugu yeelan kara, saas ahaan waxaan ka soo horjeedaa xaasaska badan, sababtoo ah ma garanayana waxa qoorta ii galinaya xil ay adagtahay gudashadiisa. Waxaana akhristayaasha u sheegayaa in talada Kaltuum la-tixgaliya. Hiinaasaha ragga waxaa keena shaki oo wuxuu daarran yahay murtida oraneysa, "Ceydhin-cune calooshiisuu ka shaki qabaa." Sikale haddaan u dhigna "Maseerroow ahaana mooyaanee masaar nin wataa I soo maray."
Macnaha ninkasta oo macsiyada joogteeya ayaa hiinaasaa. Hadduu ninku hiinaasana waa in ay gabadhu iska furtaa waayoo, nafteeda ayaa halisgaleysaa. Hadduusan dilinna, waxaa hubaal ah iney haaraan la-darsi daa'inkeed. 
 
                                         Gunaanad.
 
Waxaan qormadeyda maanta ku soo koobayaa in Alle laga cabsada xil-guur oo aan laga soo dhalaali karinna layska dhawra. Soomaalida si aan abaabulneyn ayey u guursadaan una kala guuraan, waxaana maanta gayiga Soomaalida ku badan guur qarbaqarba ah iyo furriin aan ka fiirsi laheyn lagana fiican yahay; sidaas darteed guurka aan jaceylka rasmiga ah ka billaabanin waa boog bulshada Soomaaliyeed beerka kaga taalla ee dawo ha loo hela.
Gabdhaha garcaddaaga laga gadayana hallaga waantooba, dookha lammaanahana halla tixgeliya. Afartan sifood ee hoosana yaan lagu sinnaan: Gabadh garoob doon ah, garoob lacag doon ah, wiil gablan doon ah iyo gabow guur doon ah.

Gabadh kastaa markay gaadho da’da guurka waxay qalqaalo iyo tabaabushe u gashaa sidii ay u xulan lahayd qofkii ay nolosha la qaybsan lahayd, isla markaana waxay sahamin iyo baadhis ku samaysaa ragga, iyada oo ka dhex raadinaysa dhiggeeda ay is leedahay wuxuu kuu horseedi karaa nolol wanaagsan.
Sahamintan kadib markay gabadhu hesho qofka ku haboon, waxay u hawlgashaa arrimuhuna u diga rogtaan guur iyo in reer la yagleelo, tanina maaha wax lala yaabo oo waxay arrintan haweenku kala siman yihiin ragga.
Haddaba, guurku waa qayb ka mid ah nolosha, la’aantiina aanay bulsho jirteen. Sidoo kale dhaqanka Soomalida ayaa ah mid dhiiri galinaaya inay dhallinyaradu guursadaan markay gaadhaan da’da guurka, sidaa si lamid ah diinteena suuban ee Islaamka ayaa iyana ina faraysa iyadoo inoo sheegaysa in guurku yahay dawo, isla markaana uu qofka ka badbaadiyo inuu ku dhaco sino iyo xumaan kale.
Gabadh kasta oo Soomaaliyeed waxa la soo dersa dhibaatooyin kala duwan markay damacdo inay guursato, waxaana ku adkaada go’aanka kama dambaysta ah ee ay ka qaadanayso ninka ay rabto, waayo waxay ka baqataa inuu ninku noqon waayo, ninkii iyada ku habboonaa oo hadhow ka qoomamayso agtiisana ka waydo farxadda ay rabto. Ninka ay gabadhu dooranaysaa waa ninka ay rabto inu uu la noolaado inta ka dhiman nolosheeda, una horseedo farxad iyo ray-rayn aan dhamaanayn. Waxa laga maarmaan ah inay gabadhu ku doorato caqligeeda oo ay iska hubiso si aanay ugu dagmin hadalada beer laxawsigaa ah ee ay raggu ku haasawiyaan dumarka.
Waxa dhacda in dumar badani ku doortaan ninka qalbiga oo ay kaliya yidhaandaana ’’ Waan jecelahay sababtaa darteed ayaan u guursaday’’ taas oo marka danbe ku noqota gabadha falaadh ku mudan ciil iyo murugana ay bariinsato, waayo waxba may hubsan waana halka ay Somaalidu ku maah-maahdo “Arrintaan la rogrogin rafaadbaa lagala kulmaa.” Taa macnaheedu maaha ha guursan qofka aad jeceshahay, laakiin nuxurkeedu waa hubso adoo adeegsanaaya garaadkaaga.
Si gabadhu uga badbaado jahwareerka ku dhaca xiliga ay rabto inay xulato qofkii nolol wanaagsan u horseedi lahaa waxa lagama maarmaan ah inay ninka ku xulato tijaabisana inu ku sifaysan yahay arrimahan soo socda kuwaa oo dayr iyo xijaab uga noqon kara in ay isqoomamayso guurka ka dib.

Ninka ku wanaagsan diinta
Uma jeedo ninka diinta si fiican u yaqaan ee aan ku camal falin, laakiin waa ka ku camalfala una hogaansama awaamiirta ay diinta islaamku farayso kana feejigana inuu sameeyo wixii xumaan u horseedi kara. Maskaxda ku hay ninka Illaahay ka fog inaanu ku wanaajinayn, wuu ku dulmi, xaqaagana wuu duudsiyi, waxa aad u eegtaa akhlaaqda uu diinta u leeyahay waana tan arrinta u mihiimsani.
Ninka hantida leh
Iska hubi inuu reer masruufi karo oo uu dhaqaale ahaan awoodo inuu reer dhaqo, waxa lama huraan ah in hadii uu ninku reer dhisaayo uu haysto dhaqaale fiican, maxaa yeelay waxa uu Ilaahay ku waajibiyey raggu inay haweenka masuul ka yihiin labiskooda iyo quudkoodaba, sidaa awgeed sabool kama soo bixi karo wajibaadkaas.
Ninka waalidkii iyo ehelkii wanaajiya

waa ninka marwalba wanaajiya una samafala waalidkii, waa ka xidhiidhiya ehelkiisa iyo qaraabadiisa, waa ninka marwalba waano iyo wax sheeg la hortaagan qaraabadiisa, waa ka waalidkii fara wanaaga, xumaantana ka ilaaliya una hogaansan waxa ay waalidkii faraan ee aan xumaan iyo xad gudub ahayn.
Ninka beenta badan
Iska ilaaalin ninka beenta badan, ka digtoonow ninka aaminsan maahmaandan; “Dumar beenbaa lagu soo xero galiyaa, runa waa lagu dhaqaa.’’ Wuxuu kugu haasaawin been aan jirin waanu kugu dhisi, hadhowna run kuu sheegi mayo waa nin kalsoonidu ku yar tahay, waana nin diciifa ragganimana ka dheer, waa bakhayl runta kaala masuugay maxaad kale ka sugaysaa?
Ninka akhlaaqda fiican
Akhlaaqda iyo dabeecadaha wanaagsani waa kuwa dhisa reer, akhlaaqda wanaagsan ee ninku waxay wanaajisaa guriga waxay horseedaa naxariis, kalgacal iyo xiiso joogta ah, waxay xoojisaa isku duubnida lammaanaha iyo wax-wada-qabsiga, waxay meesha ka saartaa naxliga iyo dhibaatooyinka horseeda bur burka qoyska.

Ninka kuu qalma
Ha guursan ninka aadka kaaga weyn, laakiin raadso nin aad isku fac tihiin, sidoo kale ha guursanin ninkaad ka cilmi iyo aqoonta badan tahay, waayo waxa xaqiiq ah inaydaan isfahmayn, isku day inaad nolol la wadaagto nin da’a ahaan kuu dhaw, isla markaana kaa yaqaan dhinaca cilmiga diiniga iyo maadigaba.
Ninka wax garadka ah
waa ninka had iyo jeer la jaan qaadi kara wajiyada cusub ee ay noloshu leedahay, waa ninka idheer garadka ah ogna in dhibaato kastaa xal leedahay, waa ka had iyo jeer meel dheer wax ka eega aqoonna ka korodhsada casharada uu ka barto nolol maalmeedkiisa.

            Guurka Wanaagsan iyo Furiinka: Xaaladda Soomaaliya 

Marka aynu niraahno guurka wanaagsan, macne ahaan maxaynu kawadnaa ama aanu uga golleenahay? Erayga guur waa eray aad iyo aad caan u ah ee uu qof walba oo Soomaali ah garanayo. Balse marka aynu raacino erayga wanaagsan waxa uu u dhawaaqayaa sida sife oo kale ama sifeeye. Macne ahaanna “Guurka Wanaagsan” waa, “Guur kuu horseeda in aad lawadaagto lamaanahaaga nolol xiisaleh ee waarta”. Guurka wanaagsan waxa uu sife ahaan caan kuyahay in aysan soo kala dhexgelin lamaanayaasha khilaaf ama dagaal dadyawga kale ee ku agnool ay dareemi karaan.
Hadaba, hadii aan guda kalo guurka wanaagsan aniga oo u eegaya Qoysaska Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba. Waxa aynu ogaaneynaa inaysan Qoysas badan kataxadarin dhibaatooyin laga yaabo inay wax udhimaan wada noolaanshahooda. Hadaba, maxaa kamid ah dhibaatooyinkaas? Marka Qoyska uu sanad jirsado waxa uu galayaa jawi awood u halgamid ah, jawigan lamaanayaasha qaar kamid ah waxa ay uga gudbaan samir iyo dulqaad iyaga oo arinta ka eegaya dhanka suuban. Halka lamaanayaasha qaarkood ay islamarkiiba kaqeybqaataan halganka loogu jiro hoggaanka Qoyska. Marka aynu kahadleyno Qoys Soomaaliyeed, hoggaanka inta badan waxa haya ama u gacanta ugujiraa ragga (labka). Halka wadamada qaarkood, hoggaanka ay u loolamaan lab iyo dheddig labaduaba. Inaga oo xooga saareyna xaaladda wadanoolaashaha Qoysaska Soomaaliyeed lagasoobilaabo sanadkii 1991ka ilaa waqti xaadirkan. Waxa aynu ognahay in ay jiraan Qoysas farabadan oo Soomaali ah ay kalatageen ama ay isfureen mudadii qaxa iyo dhibaatada lagu jiray. Ciladda ugu weyn ee loo aaneyo furiinka xad dhaafka ahaa ee soo wajahay Qoysaska Soomaaliyeed waxa lagu sheegaa inay ugu wacneyd labo waxyaabood: “Hantida iyo Carruurta”. Kaalin intee dhan ayay kaqaateen Hantida iyo Carruurta furriinka xad dhaafka ahaa ee ay qoysas farabadan lakulmeen? Kahor inta aanan kajawaabin suaashan waxaan doorbidayaa inaan wax kairaahdo dhamaanba waxyaabaha keena in qoys uu burburo. Hadaba, arimaha uguweyn ee dhalliya inuu qoys burburo waxa lagu sheegaa inay afartan udubdhexaad uyihiin: (1) Hantida, (2), Carruurta, (3) Reer Xiddidka iyo (4) Gogasha. 
Doorka ay Hantida Kacayaartay Furiinka 
Doorka ay hantida kacayaartay kalatagga ama kala irdhoobidda lamaanayaal isjeclaa waxa lagu sheegaa inay aheyd midda ugu weyneyd ee la orankaro waxa ay u aheyd lafdhabar dhibaatooyinka soo wajahay guurka sanadihii qaxa iyo dhibaatada lagujiray. Waayo, dalka waxa kaqarxay dagaal sokeeye. Qoysas farabadan waxa ay ukala qaxeen meelo aysan horay u arag, waxa soo wajahay daruuf aysan kadabbaalan karin iyo diif ay kureebeen qaxa iyo dhibaatada. Tusaale kuhaboon arintan waxa ah, qoysaskii u qaxay gobollada iyaga oo aan horay u arag waxa ay lakulmeen dhibaatooyin. Inkastoo dhibaatooyinka ay ahaayeen kuwo laga bedbaadi karo, qoysas faraban waxa qabsatay hanti la’aan. Sababtoo ah, hantidoodii waxa ya kaga yimaadeen kobtii ay kasoo hayaameen ama ay kasoo qaxeen. Sidaa darteed, lamaanayaal farabadan waxa ay kaashadeen samir iyo dulqaad halka lamaanayaal kale ay kusamri waayeen daruufaha soo wajahay. Waayo waxa ay u arkayeen daruufta mid aan laga dabbaalan karin sanad ama sanado iyaga oo ku qiimeyay xaalladda uu dalka kusugnaa iyo rajada ay kaqabeen inay kunoqdaan hoygoodii. Kadib, waxa bilawday furiinkii xad dhaafka ahaa ee sababay in la’ogaado inay qoysas farabadan kala tageen. 
Hantida sidoo kale waxa lagusheegaa inay siyaabe kale uga qeyb qaadatay burburka qoysas farabadan. Tusaale ahaan, marka ugu horeysa ee lamaanayaal da’doodu yartahay ay doonayaan inay dhisaan qoys cusub waxa intabadan dhacda in lamaanayaasha midkamid ah aysan daacad ka aheyn udub utaagiddaa qoyska balse uu wato ama ay wadato dan u gaar ah. Sida aynu dhamaanteenba lawada socono, marka qoys ladhisayo waxa ugu horeeya ee loobaahanyahay in maskaxda lagu hayo waa in iskumeel wax loowado. Balse marka lamaane uu doonayo inuu qoys dhiso isaga oo kaashanaya lamaane kale, halka lamaanaha kalese dantiisa ugu weyn aysan aheyn qoys ladhiso balse ay tahay inuu kasbado hanti waxa yaraanaya macquul ahaanshaha in qoyskaasi uu sii joogteeyo jiritaankiisa. Marka aan si kalese u iraahdo reerka ama qoyska ceynkan oo kale ah intabadani maliibaano. Waayo lamaanayaashu iskumeel wax uma ay wadaan, midba waxbaa u cad, halka mid uu doonayo inuu reer iyo carruur tabco kan kale waxa uu kuhawlanyahay in uu kasbado hanti. Hadaba, kaalinta ay hantida kacayaartay kalatagga ama furiinkii xad dhaafka ahaa ee sida weyn looga dareemay dalka maaha mid yar. Waxa aynu halkan kadareemi karnaa in hantidu ay saameyn weyn oo xagga kalatagga ah kuyeelan karto qoysas horay udhisnaa iyo kuwo cusuba intaba.  
Doorka ay Carruurtu Kacayaareen Furiinka 
Arintu maysan aheyn un tan hantida, sidoo kale Carruurta waxa ay kadheeleen kaalin weyn furiinka xad dhaafka ahaa ee ay qoysas farabadan lakulmeen sanadihii dagaaladii sokeeye ay socdeen. Qoysas farabadan oo dhalay carruur waxa ay danta u arkeen inay kala tagaan kadib markii ay u taag waayeen nolol maalmeedka aassaasigga u ahaa sii joogteenta nolosha carruurtooda. Kaalinta ay carruurtu ka kaqaateen kalatagga iyo tafaraaruqa qoysas faraban maha mid aad u yar. Sanadihii kadambeyay sanadkii 1991kii waxa kor ukacay tirada furiinka iyada oo ay ugu wacneyd qoysas farabadan oo ku go’doomay kob aysan kasoo bixikarin. Intabadan, waxa sababay in qoysas farabadan ay kala daldoorsadaan arin lalaxiriiriyay qabiil. Waayo Soomaalida waxa ay caado iyo dhaqanba u laheyd “Caadada Kalaguursigga”, sidaasi darteed lamaanayaal kakala socday qabaailo ay dirriri kadhaxayso ayaa ugu badnaa tirada qoysaska isfuray muddadii qaxa iyo dagaalada sokeeye ay socdeen. Inkastoo hantida kaalin weyn ay kaqaadatay furiinka dalka sida weyn looga dareemay hadana tan ay carruurta kadheeleen maysan yareen. Tusaale kuhaboon arintan ayaa waxa uu yahay, in aysan waaliddiinta dhamaantood isku mid ahayn, ama isku meel wax kama arkaan. Marka uu aabbe doonayo in ay carruurtiisu bartaan ama lageeyo dugsiyada waxbarashada maadigga ah, hooyada carruurtaasina ay dooneyso inay carruurteeda u bartaan quraanka kahor inta aysan bilaabin waxbarashada maadigga ah. Intabadan waalidiinta ceynkan oo kale ah waxa kadhexdhasha khilaaf marka ugu horeysa kubilawda qaab sahlan balse mararka qaarkood xal uheliddiisu ay dabadheeraato. Waayo waaliddiintu labaduba waxa ay joogaan heer ay kayihiin mas uuliyiin carruurtooda. Sidaas darteed waalid waliba waxa uu doonayaa in taladiisu ay socoto. Taasina waxa ay kadhex abuurtaa qoyska in uu galo waji hoggaan u halgamid ah. Loolanka ay waaliddiintu ugalaan inay hantaan hoggaanka qoyska waxa ay intabadan keentaa in labada waalidba aysan wax kala maqal ama kala qaadan taasina waxa ay sababi kartaa in qoyska uu burburo. Marwalba oo ay waaliddiintu isku maandhaafaan islameeldhigidda waxbarashada carruurtooda hadii ay ahaan laheyd midda maadigga ah iyo tan diiniga intaba waxa qoyska uu intabadan kudhambeeyaa furiin. 
Hadaba, kaalinta ay kadheeleen carruurta kalatagga iyo ismaandhaafka waaliddiinta maha mid yar ama laorankaro waxyeeladiisu way sahlantahay. Sidaas darteed, carruurtu waxa ay xubno muhim ah uyihiin qoys walba, waayo carruurta waa waxa ugu horeeya ee ay labada waalid isku maandhaafi karaan. Marka waalid waaliddiinta kamid ah uu uleynayo ama garaacayo carruurtiisa waaliddka kale dantu umasaamaxdo intaban inuu kueegto carruurtiisa oo lauleynayo. Marka ay dhacdo in waalidka carruurta uleynayey laga celiyo carruurta isaga oo uu u arko in ay carruutu qaldanaayeen ay aheydna inay maraan ciqaabta uu ciqaabayo oo uu u arko xal uhelidda dhibaatooyin kale oo ay carruurtu kukici lahaayeen. Halka waalidka kalese uu u arko in carruurta aan lagaraacin balse si degan wax loogu sheego, intabadan waaliddiinta isku maandhaafta edbinta ama carbinta carruurta waxa ay dhaxlaan naceyb iyo fikrad khaldan oo ay kala qaataan. Waayo, waalid waliba waxa uu kusuganyahay xaalad uu kayahay masuul carruurtiisa. Sidoo kale waalid kamid ah waaliddiinta waxa uu xal u arko hadii waalidka kale uusan ku raacin ama uusan ku adeecin intabadan qoyska waxa uu qarka usaarmaa burbur iyo kalatag. 
 
Doorka ay Reer Xiddidka Kacayaaraan Furiinka 
Inta aanan gudagelin kaalinta ay reer xiddidku kadheelaan furiinka kadhexdhaca qoysaska waxaan doorbideyaa inaan wax kairaahdo macne ahaan ereyga “Reer Xiddid” waxa uu yahay. Waa maxay Reer Xiddid? Marka aynu maqalno eryga ‘reer’ waxa uguhoreya ee maskaxdeena kusoo dhacayo waa ‘qoys’ ama qoysas isu tagay oo sameeya dallad weyn oo qoysas ah. Sidoo kale waxa aanu ereyga u fahmi karnaa inuu u taaganyahay ‘qabiil’ sida marka aynu doonayno inaynu magacawno qabiil tusaale ahaan ‘reer qurac ama reer qansax’. Inkastoo aynu ereyga ‘xiddid’ unaqaan salka geedka ama geedaha marka laga hormariyo ereyga reer umaynu fahanno erey ahaan macnaha dhabta ah ee uu leeyahay. Balse marka ereyada ‘reer iyo ‘xiddid’ aynu israacino waxa ay yeelanayaan macne kaduwan midka ay labaduba leeyihiin. Hadaba, ereyada “reer iyo xiddid” israacintooda waxa ay sameynayaan macna ah: “Qoyska gabar lagaqabo ama qoyska gabar reer kaqaba”. Hadii aan udaadego nuxurka mowduuca, kaalinta ay reer xiddidku kacayaaraan furiinka maaha mid yar ama ladhayalsan karo. Waayo, waxa walba waxa ay leeyihiin marjic looceliyo ama ay unoqdaan sidaas darteed reer xiddidku waa marjica qoyska. 
Tusaale ahaan, qoys madhismo hadii aysan jirin reer xiddid kacaawinaya inay lamaanayaasha da’da yar dhistaan qoys. Reer xiddidku waxa ay kaqeyb qaataan dhisidda qoyska sidoo kalese waxa ay kaqeyb qaataan burburintiisa. Waayo waaliddiinta iyo carruurtooda isku si’ waxa uma arkaan. Marka carruurta ay danta u arkaan inay lawadaagaan nolol lamaanayaal ay isdoorteen waalidkuse uu u arko lamaanayaasha carruurtiis ay doorteen inaysan kuhabooneyn inay lawadaagaan nolol, waxa soo kaladhexgalla waalidka iyo carruurtiisa mugdi. Intabadan guurka Soomaalida maanta joogta waxa uu udhacaa qaab kaduwan siyaabihii ay Soomaalidii hore uguursan jireen. Hadii aan si kale u iraahdo, qaab dhaqameedkii Soomaalidii hore ee guurka iyo kan maanta waxa udhaxeya farqi weyn oo aan aheyn mid qof ama labo ay islameeldhiggikaraan. Waayo, waayadii hore carruurta waxa ay ahaayeen dad ladhalay oo waaliddiintooda kafisha inay uguuriyaan ama ay usoo jeediyaan talo ah inay guursadaan dad ay waaliddiintu u arkaan inay kuhaboonyihiin inay nolol lawadaagaan carruurtooda. Balse Soomaalida maanta waxa ay haystaan caado dhaqameed aysan cidna lawadaagin. Dhaqanka reer galbeedka waxa uu qabaa in gabadha iyo wiilka ay yihiin xor ayna lawadaagi karaan nolol ama ay iskood uguursankaraan cidda ay doorbidaan. Halka dhaqanka Islaamigga uu dhiggayo inay gabadh iyo wiilba guursankaraan marka ay awoodaan lana tixgeliyo xurmada iyo karaameynta waaliddiinta dhashay wiilka ama gabadha labaduba. Inkastoo diinteenu sheegtay guur kan ugu wanaagsan iyo sidii looguursan lahaa. 
Caado dhaqameedka “Guurka Soomaaliyeed” ee maanta sida dhabta ah uga diiwaangashan ama sida weyn looga tixgeliyo miyigga waxa looyaqaan, “Masaafe” oo macne ahaan ah in gabadh iyo wiil ay islafakadaan ama ay sidhuumaaleysi ah isusoo mehersadaan iyaga oo aan ogeysiin waaliddiintood iyo dadka masuulka ka ah midna. Caado dhaqameedkan oo si weyn looga yaqiinay miyigga ayaa maalmah dambe waxa uu noqday sifaha ugubadan ee guurka magaaloyin badan oo Soomaaliya kuyaala uu u dhaco. Masaafada waxa ay saldhig unoqotay qaabka dabiiciga ah ee guurka qoysaska Soomaaliyeed uu udhaco. Suaasha ay dadbadan isweydiiyaan ayaa waxa ay tahay: Diin ahaan ‘Masaafada’ ma banaantahay? Run ahaantii, jawaabta suaashan ilaa iyo hada culimada Soomaaliyeed meel cad iskama aysan taagin wallow ay jiraan culumo kusheegtay ‘Masaafada’ shey aan diinta Islaamka raad kulaheyn aysanna suurtgal aheyn in labo qof oo ajnabi kala ah ay meel cidla ah isku helaan. Waxaynu ognahay marka lagu kacayo falka ‘Masaafada’ waxa dhacda in lab iyo dheddig ay isu helaan fursad aysan cid lajoogin ama muxramka gabadha uusan meesha joogin. Mar walba oo ay waaliddiinta haweeneyda Muslimadda ah noolyihiin amaba ay jiraan dad wakiil ka ah gabadha waxa aad u adag in uu meher dhaco. Balse dadka Soomaaliyeed arintaasi wax weyn umay arkaan intooda badan. 60% guurka kadhaca dalka waxa uu udhacaa qaab ‘Masaafe’ ah halka 40% uu udhaco qaab kusaleysan diinta Islaamka iyo caado dhaqameedkii Soomaaliddii hore ee guurka. Furiinka ay sababaan reer-xiddidka waa uu siyaadayaa maalmahan dambe iyada oo ay ugu wacantahay guurka dalka kadhaca oo intiisa badan looqabanqaabiyo qaab kusaleysan ‘Masaafe’. Marka ay waaliddiinta lamaanayaal da’doodu yartahay doonayaan inay u xulaan lamaanayaal kuhaboon carruurtooda, carruurtoodana ay doonayaan lamaanayaal ay uarkaan inay yihiin kuwo kuhaboon balse aan farxadgelindoonin waaliddiintooda, Guurka ceynkan oo kale udhaca intabadan mawaaro. Waayo, waaliddiinta waa aassaaska ama udubdhexaadka nolosha carruurtooda. 
Sidoo kale, waxa jirta maah maah Soomaaliyeed oo oraneysa: “Hanween nin kaligii maguursado ee waxa guursado qabiil” maah maahdan macnaheedu waa reerka uu kadhashay wiilka sida qoyskiisa (hooyadii, aabbahii iyo walaalahii) oo dhan waxa ay kadhiganyihiin inay qabaan gabadha waayo waxa ay leeyihiin awoodda ah inay marka ay u arkaan inaysan kuhabooneyn gabadha wiilkooda ay kafuraan. Sidkoo kale, marka wiilkooda uu u arko xaaskiisa inaysan kuhabooneyn inay noqoto carruurtiisa hooyadood, waaliddiintii iyo walaalihiis ay u arkaan inay tahay mid kuhaboon inay noqoto afada wiilkooda waxa ay intabadan ku adkeeyaan wiilka inuusan kudhaqaaqin furiin ama wax lamid ah. Sidoo kale, Soomaalida waxa ay ukala qolobanyihiin qabiil qabiil intabadanna waxa dhacda in qabaailada qaarkood ay iskudhacaan taasina ay sababto inay qoysas farabadan kukalatagaan. Tusaale ahaan, marka laba qabiil oo uu xeerka kalaguursigga kadhaxeeyo midkamid ah uu diido in uu bixiyo gabadh laga soodoonay, intabadan waxa dhacda in qoysas kale oo aan wax lug ah kulaheyn arintaas ay kuburburaan halkaa. Waayo Soomaalida waa dad aaminsan aargudashada sidaa darteed intabadan odayaal dhaqameed beegsanaya xeer uyiilay qabiilkood iyo qabiilka kabadha udiiday waxa ay kukacaan falal sababikara inay qoysas kale oo aan iyaga wax lug ah kulaheyn ay burburaan. Waayo, qabiilka gabadha loodiiday waxa ay intabadan sameeyaan inay kadabaakhtamaan arinta lagu sameeyay iyaga oo kasoo wata gabadh ama gabdhaha ay qabiilka kale kaqabaan ha ahaadaan kuwo carruur leh ama kuwo carruur la’aan intaba. Dhab ahaan, kaalinta ay reer xiddidka kadheelaan furiinka maaha mid yar ama lagu tilmaami karo inay sahlantahay. Baaxadda ay laegtahay saameynta uu kuyeelan karo qoysaska cusub iyo kuwii horay udhisnaa intaba way kaduwantahay midda ay hantida iyo carruurta kuleeyihiin. 
Doorka ay Gogasha Kacayaarto Furiinka 
Aniga oo taariikhda Soomaaliyeed dib u eegaya illaa iyo hada maanan arag dad wax kaqoray dhacdooyinka furiinka ee intabadan laxiriira gogosha. Hase ahaatee, waxa intabadan Soomaalida ay u aragtaa arinta gogosha mid aan kahadal laheyn. Waayo, Soomaalida maaha dhaqan ahaan dad isku hawla arimaha qoyska khaasatan tan gogosha. Waayadii hore waxa dhici jirtay in laceebsado hadii ay haweenay kasoo carooto qoyskeeda iyada oo kacabaneysa arimo laxiriira gogosha. Taariikh iyo dhaqan ahaanba Soomaalida waxa ay u arkaan arinta gogosha mid ay waxyeeladdeedu aad u yartahay. Waayo, waxa  wax laceebsado ama laqariibsado ku ah dhaqanka Soomaaliyeed in haweenay ay kasheegato ninkeeda iyada oo xooga saareysa arinta dhabta ah ee ay kacabaneyso oo ah tan gogosha. Way dhacdaa in lagu kaftamo ama lagu sheekeysto qoys ku kalatagay dhacdo laxiriirta gogosha balse illaa iyo hada dhacdooyin dhab ah oo muuqda majiraan. Bulsho walba oo caalamka kunool waxa laga helikaraa dhibaatooyin ceyn walba leh khaasatan kuwa laxiriira qoyska iyo furiinka. Tani macnaheedu waa, way jiri karaan dhibaatooyin dhanka furiinka ah oo laxiriira gogosha inay dalka kajiraan ama ay kasoo jirijireen. Dallal badan oo caalamka kamida waxa ay sanad walba sameyaan daraasaddo ay ku baarayaan baaxadda uu furiinka dalalkooda kadhaco la’egyahay. Halka dalkayaga uusan laheyn cid dabagasha ama baaritaan ceynkaa oo kale ah sameysa iyada oo ay ugu wacantahay dawlad la’aanta dalka kajirta.  
Waxa isweydiin mudan, “Hayadaha kahawlgala dalka miyeysan sameyn iskuday ay ku ogaanayaan dhibaatooyinka bulshada iyaga oo xooga saaraya arimaha laxiriira furiinka iyo sida uu udhaco?” Jawaabta suaashan waxa ay u muuqataa inaysan jirin iskudayo ay sameyeen hayaddaha dalka kahawlgala. Waayo, hayadaha waxa ay intabadan kusaleyaan shaqadooda (waxqabadkooda) hadba dalka ay kahawlgalaan dhaqanka uu heysto iyo aragtida uu kaqabo xaalladda ay doonayaan inay qulaaseeyaan. Waxa ayna u muuqataa inay meelmarinayaan siyaasaddooda ku aadan dalalka ay kahawlgalaan. Waayo, waxa jira dalal farabadan oo intabadan aan sameyn daraasado ay kuogaanayaan dhibaatooyinka furiinka ama laxiriira qoyska balse waxa jira hayado iyaga iskood isu xilqaamay oo baaritaan kusameeya iyaga oo eegaya dhaqanka dalalka ay kahawlgalaan. Sidoo kale waxa isweydiin mudan, “Arinta sababtay hayadaha dalka kahawlgala inaysan daraaseyn arimaha qoyska ama furiinka laxiriira?”. Dhab ahaan, way jiraan hayaddo iskudayo ceynkaa oo kale ah sameeyay sida UNICEF, UNDP iyo UNESCO. Balse majiraan qoraallo muuqda oo uu qof walba helikaro ama uu arkikaro oo kusaabsan arimaha qoyska ee ay wax kaqoreen. Sida aan kor ku sooxusay, hayadaha waxa ay leeyihiin sharciyo udegan oo ay kudhaqmaan marka ay kahawlgalayaan dal. Sharciyada waxa kamid ah inay qadariyaan dhaqanka dadyawga kunool meelaha ay kahawlgalaan. Sidaas darteed, hayadaha kahawlgala dalka Soomaaliya iskuma aysan taxluujin inay wax kaogaadaan furiinka dhabta ah ee kadhca dalka iyo sida uu udhaco iyada oo ay ugu wacantahay dhanqanka Soomaaliyeed oo meel adag kataagan ama iskataaga arimaha qoyska ama furiinka laxiriira. Hasayeeshee, iskudayada ay hayadaha illaa iyo hada sameeyeen ayaa ah kuwo aanan laorankarin waa kuwo wax ku awl ah. Hadii aan kunoqdo nuxurka mowduuca, gogosha waxa lagu tiriyaa waxyaabaha uguhoreeya ee ay qoys ama qoysas kukalatagi karaan. Hasayeeshee, qoysaska Soomaaliyeed uma ay arkaan in arinta gogosha ay waxyeelo ceynkaa ah kuyeelankarto jiritaanka qoyskooda. Aragtida ah in gogosha aysan wax saameyn ah kuyeelan intabadan burburka qoysaska Soomaaliyeed ayaa ah mid kusaleysan kudhaqanka diinta Islaamka iyo kudhagnaanta caado dhaqameedkii Soomaalidii hore wadanoolaanshaha. Soomaalidii hore waxa ay ahaayeen kuwo kusabra dhibaatooyinka soowajaha qoysaskooda ha ahaadaan kuwo laxiriira hantida iyo carruurta ama ha ahaadaan kuwo ay sababeen reer xiddidka iyo gogosha. 
Wanaajinta Guurka 
Wanaajinta guurka waa sheyga ugu muhiimsan ee ay dhisayaasha qoyska ubaahanyihiin inay xooga saaraan hadii ay doonayaan inay helaan qoys jiritaankiisu waaro. Run ahaantii, marka ladoonayo in lawanaajiyo guurka waxa loo maraa labo waddo: (b) Guurka kahor iyo (t) Guurka kadib. Hadii aan ku hormaro midda (b) guurka kahor, inta uusan guur dhicin kahor waxa aad u haboon in lahelo waaliddiin ama dad masuuliyiin ka ah lamaanayaasha isjecel ee doonaya inay wadaagaan nolol. Intabadan, waxa dhacda ama dhacday in qoysas farabadan oo Soomaali ah ay ku kalatageen ismaandhaaf kadhashay waalidiinta iyo ubbadkooda. Waayo, waaliddiintu waxa ay isu arkaan inay yihiin kuwo aad muhiim ugu ah guurka ubbadkooda marka ay dhacdo in carruurtooda ay guursadaan. Sidaas darteed, hadii aannan lahelin waaliddiin latalisa ubbadkooda si ay u helaan qof ay lawadaagi karaan nolashooda intakadhiman. Waxa aad u sareysa macquul ahaanshaha guurka lamaanayaal iskood isuguursaday ay kudambeeyaan furiin. Tani macnaheedu maaha hadii aan lahelin waaliddiin ama masuuliyiin aysan suuragal aheyn in guur dhaco, balse waxa dhacda mararka qaarkood in lamaanayaal iskood isudoortay ay kudambeeyaan furiin iyada oo intabadan ay sababto isfahandaro katimaada xagga waaliddiinta lamaanayaasha midkood. 
Sida ay maah maah Soomaaliyeed oraneyso, “Gabar nin maguursadee Qabiilaa guursata”. Maah maahdan macnaheedu waa hadii nin uu guursado gabar waxa uu leeyahay dhaqashadeeda balse marka ay timaado in furiin uu dhaco ama ay ismaandhaafaan ninka gabadha qaba waxa uu talo ugu laabtaa waaliddiintiisa hadii ay noolyihiin, hadii aysan nooleenna waxa intabadan dhacda in qabiil uu dhex dhexaadiyo, sida caado dhaqameedyada Soomaalida ay qabaan.  Hadii aan gudagalo waddada labaad ee loomaro wanaajinta guurka (t) Guurka kadib, waxa dhacda in lamaanayaal horay isu aaminay ay kala aamin baxaan ama midkood uu midka kale kalakulmo dhaqammo uusan horay uggaga barran. 
Marka ugu horaysa ee ay lamaanayaasha isdoortay kujiraan shukaansiga waxa ay isu arkaan inay noqon doonaan kuwo aan waligood dirir dhexmaridoonin balse marka ay dhaco in dirir ama ismaandhaaf uu soo kala dhexgalo guurka kadib waxa ay kunoqonaysa arin ay qariibsadaan labaduba. Waayo, marka lagujiro wajiga hore ee guurka oo ah shukaansiga, wax walba waxa ay umuuqdaan inay fududyihiin balse marka faraha lalagallo ayaa intabadan la’ogaadaa dhab ahaan inay fududyihiin iyo inkale. 
Wax walba uma ay fududa sida ay umuuqdaan laakiin marka iskuday lasameeyo ayaa waxa la’ogaankaraa inay sahlanyihiin iyo inay culaabtooda leeyihiin intaba. Hadaba, marka aynu kahadlayno arinta “guurka”, wajiga hore ee guurka waa uu sahlanyahay. Waayo, lamaanayaashu waxa ay isu arkaan inaysan waligood is khilaafi doonin. Balse arintu sidaa maaha, sida ay aragti (theory) oranayso, “Khilaafku waxa uu dhacaa marka ay timaado in wax lawadaago, waxa lawadaagayanna ay yihiin ‘gabawsi’ wax yar.” Waxa aynu kafahmikarnaa aragtidan in lamaanayaasha ay yihiin kuwo kuhawlan 'wax-wadaag’, sidaasi darteed, marka ay lamaanayaal isuxiisaqaba ay dhistaan hoygooda ay ugu talagaleen inay kudhameystaan inta kadhiman nolashooda wadajir iyo isxushmeyn labada dhan ah. Waxa dhacda in misena ay si lamafillaan ah kukalatagaan. Hadaba, maxaa sababa arimaha ceynkan oo kale ah? Jawaabta suaashan laguma sookoobi karo aragti qof ama labo ay kaqabaan arintan. Balse waxa ay ubaahantahay daraaseyn dheer, waqti iyo tamar in lagubixiyo. Sidoo kale, kaashigga diinta Islaamka waxa ay kaqabto arintan iyadanu waxa ay tahay mid muhiim ah. Waayo sida aynu ogsoonahayba, saxaabiggii la’oranjiray Aabii Dari, waxa uu kuladardaarmay afadiisii inay dejiso marka uu xanaaqo, isna uu falidoono sidookale marka ay u carooto afadiisa. Waxa aynu kafahmikarnaa dhacdadan diinigga ah in caradda ay tahay waxa ugu horeeya ee keenikara furiinka I.W.M. Sidaasi darteed, marka aan sikooban u iraahdo jawaabta suaashu waa, ‘dulqaad’ ay isudulqaataan lamaanayaashu hadii ay doonayaan inay sii joogteeyaan wada noolaashahooda.  
Dulqaadku waxa uu gaarsiiyaa lamaanayaasha in ay awood u yeeshaan inaysan kukicin fal deg deg ah, sida furiin I.W.M.. Xadiis kasugnaaday Nabigeena (S.C.W) waxa uu oranayaa, “Kan adag ma’ahan kan lagdinta badan, ee waa kan naftiisa  hanta markuu caroodo. Waxaa wariyey Abuu Daa’uud iyo Tarmadi”. Waxa aynu kafahmikarnaa macnaha Xadiiskan inay lamaanayaasha kabadbadikaraan furiinka sababdarada kuyimaada hadii ay noqdaan kuwo isu caqliceliya ee xakameeya caradooda. Sidoo kale, Xadiis kale oo kasugnaaday Nabigeena (S.C.W.) waxa uu oranayaa, (Ilaahay ka baq meel aad joogtoba, Raaci xumaantana wanaag way tirtiraysaa, dadkana kula dhaqan dabeecad wanaagsan). Waxaa wariyey Tarmadi, waana xadiith xasan ah, meelaha qaarna waa xasanu saxiix”. Hadaba, waxa aynu Xadiiskan kafahmi karnaa in ay muhiim tahay in lamaanayaasha ay iskula dhaqmaan dabeecad tan ugu wanaagsan waayo, hadii laga helo dabeecad wanaagsan labadooduba ama midkood waxa sareysa suuragalnimada in midkood midka kale uu u caqliceliyo taas oo ah midda ugu mihiimsan ee udub-dhexaadka u ah wadanoolaashahooda. Had iyo dan, hadii aynu doonayno inaynu wanaajino guurkayaga, kahor inta uusan dhicin iyo kadib marka uu dhaco intaba waxaa si aad iyo aad inoo caawin kara Axaadiista Nabageena (N.N.K.H.) oo kala ahaa: 
1. 
Haweenayda waxaa loo guursadaa afar sababood b) Diin, t) Nasabiyad, j) Maal, iyo x) Qurux. (yacni afar sababood ayaa ragga ku kallifa inay haweenay doortaan) Maalkeeda, magac waynida Qoyskeeda, Quruxdeeda iyo Diinteeda. Hadaba ku guulayso inaad hesho tan diinta leh gacantaadu boorowdaye (ku dooro diinteeda faqri lagu badyaye). “waa hadal habaar u eg laakiin aan loo la jeedin habaar waa sida ( bi’i waaye) oo kale. Waxaa soo saaray xadiithkaan Al-bukhaari, Muslim, Abuu da'uud, Annisaa'i, Ibn maajah kulligood waxay ka wariyeen Abuu hureyra. kafiiri Almishkaatul Masaabiix 3082 Mukhtasaru Muslim 798.
2. (Khiyaarukum khiyaarukum linisaa’ihim ama li ahlihi) Kuwa idiinku sharafta badani waa kuwa idiinku roon haweenkooda. waxaa soo saaray Al-imamu Axmad, Tarmadi, Ibn xibbaan waxay ka wariyeen Abuu hurayre. Sidoo kale Ibn maajib can Ibnu cumar riwaayada oranaysa (Li ahlihi) waxaa soo saaray Dabaraani mucjamkiisa wayn can abii kabsha.Kafiiri Atarqiib watarhiib Juzka 3 safxada 72 sidoo kale Silsilada saxiixada 285. Waxaa kaloo jira lafdi kale oo oranaya (khayrukum Khayrukum Li ahlihi Wa annaa khayrukum Li ahlii) Kan idiinku fiican waa kan xaaskiisa idiinku fiican, anigaana xaaskiisa idiinku fiican,waxaa soo saaray Tirmidi can Caa'isha Ibn Maajih can Ibn cabbaas Dabaraani Mucjamka wayn can Mucaawiya. Kafiiri Silsilada saxiixada 285.

Xadiiska 1aad waxa uu kahadlayaa guurka inta uusan dhicin kahor halka Xadiiska 2aad uu inoo sheegayo siyaabaha ugu wanaagsan ee loowanaajiyo guurka marka uu dhaco kadib. 


  AFAR HADAD JECESHAHAY AFAR DARYEEL 
1. Haddii aad Jeceshahay Farxadda Nolashaada daryeel Caafimaadkaaga.
2. Hadii aad barwaada jeceshahayna daryeel dabeecada
3. Haddii aad waaritaan jeceshahay daryeel Caqligaaga.
4. Hadii aad waxaas oo dhan isku jeceshahayna daryeel Diintaada


 NAAGTA AFAR KAAF BAA LAGU QABAA. 
1. Kaalay
2. Keen
3. Kari
4. Kajoog
 Sababta oo ah, afrtaa kaaf haday naagtu diido dhaqmaad ma leh dhigid ma ogiye, kaalay sariirta haday diido  naagtu dhaqan maleh , keen waxaas haday diido o ay dhago adkaato naagtu dhaqan ma leh ka joog waxaa haday diido oo ay Madax adkaato naagtu dhaqan ma leh heblaayo  waxaan noo kari haday diido ayaduna dhaqan ma leh .
 


AFAR HORAA LOO DHAMEYS TIRAY CILMIGOODA 
1. Uunka.
2. Dhaqanka.
3. Risaaqa . iyo
4. Ajasha.

 
NAAGATA AFAR WAA IN AY U UDGOONAATAA
 
1. Afka
2. Kilkisha
3. Sanka
Iyo Alaabeeda ( Cambarka)  
NAAGTA AFAR HA U DHEERAATO
1. Dhabarka.
2. Faraha
3. Gacmaha
4. Iyo Lugaha
 
AFAR AFAR KAMA DHEREGTO
 
1. Dhul biyo kama dhergo .
2. Dheg war kama dheregto
3. Il eegmo kama deregto
4. Naagna Nin kama dheregto


 AFAR QIIMOHOODA WAXAA OG AFAR 
1. Dhalnyarnimo qiimaheeda waxaa og waayeelnimo.
2. Nabad qiimaheeda waxaa og colaad.
3. Fayoobid  qiimaheeda waxaa og cudur.
4. Nolal qiimahadeeda waxaa og geeri

 

 

















             


 


mabrook_11@hotmail.com


Noocyada Dumarka ee Raggu Neceb Yahay


Gabadh kasta waxay xaq u leedahay inay doorato ninka ay doonto.
Waana shay cadaalada ka fog in lagu khasbo cid aanay rabin. 
Gabdhuhu ama habluhu waxay soo maraan heerar kale duwan, marka laga eego xagga da’da. Inta u dhexayso 15 jir ilaa 20 jirka, habluhu intooda badan raggu waa isugu mid.
Waana xilliga ay gabadha ku adag tahay habka xulashadu. Waxayna u baahan tahay in si joogta ah tallooyin la siiyo. Si ayna ugu dhicin booraan. Laakiin marka la gaadho 20 iyo wixii ka weyn waxay figrad buuxda ka haystaa habka ay u xulan lahayd ninkii ay nolasheeda ku aamini lahayd.
Gabadhu waa inay ka feejignaataa khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo ama hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa. Waa inay iska shaandhayso, balanqaadyada ay soo qadimaan raggu, iyagoo doonaya
inay fushadaan ujeedooyin qarsoon. Waa inay noqotaa gabadh fiiro badan oo aan si fudfud loo duufsan Karin.
Bal aan soo qaadano qaar ka mid ah hadalada macaan ee soo jiita dumarka.
= markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa.
= muxu ilaahay kugu manaystay qurux, caqli iyo garasho.
= ma qof la iloobi karo ayaad tahay.
=mar kasta xusuustayda kama baxdid
= waxaad tahay gabadh dhamaystiran, dhinac kasta.
Markay gabadhu maqasho erayadaa ama qaar u dhigma way ku raaxaysanysaa, ka dibna
waxay gabadhii ku beermaya jacyl xaddhaaf ah.
Waxyaabaha habluhu ku raacaan ragga.
1) Lacag
2) Aqoon
3) Qurux
4) Aftahnimo
5) Madaxnimo
6) Dabeecad wanaagsan
Calaamadaha dumarka wax jecel.
= waxaynu soo qaadan doonaa calaamadaha ugu caansan.
= waxay la soo baxaysaa xishood aad u badan
= waxay jeceshahay inay mar kasta kul joogto
= waxaad ku arkaysaa shaki badanm oo ay kaaga shakiyayso inay gabadh kale kaa
qaado. Laakiin shakigaasi maaha kii xumaanta ahaa, ee waa jacyl xadkiisii
dhaafay.
= is qurxin xad dhaaf ah, oo ay ninka ku soo jiidanayso.
= waxay ku halmaantaa magaciisa, markay sheekaynayso.
= waxay la soo baxaysaa inay markasta garaacdo tilifoonkaaga,si ay u maqasho
hadalkaaga,
Maxay dumarku qiimeeyaan.
1) Jacylka.
2) Quruxda.
3) Heesaha (kuwa dareenkooda khuseeya).
4) Xafladaha.
5) Labiska ( dhar xidhashada).
Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay.
= gabadha carrabka dheer, ee meelkasta hadal iyo doodd la taagan.
= gabadha ninkeeda meel kasta ku cidhiidhada, ee ka garab hadasha. Marna aan
tixgalin hadalkiisa.
= gabadha doonta inay ninkeeda ka sarrayso ama u taliso. Wax kastuu soo jeediyo
ku gacansaydha.
= gabadha ninka reerkiisa iyo saaxiibadii ka caydhisa gurigeeda.
= gabadha markasta ninkeeda ka codsata lacag dheeraad ah, oo ka baxsan tan
gurigeed ku filan.
Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.
= in la amaano.
=in loo keeno hadiyado kala duwan.
= in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.
= in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.
= in la caawiyo markay hawl hayso.
= in laga ilaaliyo hadalada qallafsan.
= in loo muujiyo ixtiraam badan.
= in loo garaabo sax ama khalad
=in loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)

Noocyada dumarka ee raggu jecel yahay.
= gabadha furfuran, ee inta badan aan qaylo iyo hadalo xun ragga ku odhan.
=gabadha mar kasta is qurxisa. Gurigeedana qurxisa.
=gabadha tallada ninkeeda uga dambaysa.
=gabadha ninkeeda aaminta, wuxuu u sheego maqasha.
=gabadha dhawrta ninka ehelkiisa iyo saaxiibadii.
Qoraaladan waxan ka soo xigtay buuga magaciisa la yidhaa: men are from mars and
women are from venus.
Dumarka oo neceb ragga noocan ah


Hablaha oo Neceb Ragga Leh Sifooyinka Soo socda

Qof kasta noola ah Allah wuxuu siiyay maskax uu kula socdo waxa isaga dan u ah iyo waxa aan danta ugu jirin, mudooyinkii dambe waxaa soo if baxay in dumarka ay ka taxadar badan yihiin ragga kadib markii ay kumanaan dumar ah si aan kala fiirsasho laheen uguur sadeen raga kala dabeecad iyo kala dhaqan duwan, taas oo keentay in ay dumar badan ku silcaan noloshooda ama ku noqday dumar markasta furiin lakulma, qaladaadkaas badan ee dhacay ayaa keenay in dumar badan ay qaataan tilaabooyin ku dhaheen taxadar dheera kuna dag dagin ragga sifaadkaan leh.

1. Nimanka leh balwada sida sigaarka, jaadka iyo khamriga

inta badan ragga leh balwada dumurkooda cabasho aad u wayn ayaa ka keeneen taas sabab ka dhigtay in gabdho badan ka feejignaadaan ragga balwadaas leh, ceebaha ugu wayn raggan leh balwada qaabkani oo kala ah ayaa la sheegay in uu xanaaqa sanka ka saaran yahay dulqaadkane uu aad ugu yarayahay, ma marka qaar uu miir doorsanyahay, iyagoo aan kala saarin karin waxa ahmiyada uleh nolosha lamaanaha ama ahaato mida guriga, sidoo kale ragga leh balwadaan dumarka kalsooni buuxdo kuma qabaan, markasta waxaa afka ka saaran dalaaqada.

2. Nimanka u gacan qaada dumarka (Jirdila)

ragga sifidaan leh inta badan dumarka ma xiiseeyaan mana ka helaan, haweenada waxay u aragtaa qof loo awood sheegtay ama la adoonsanaayo ama loo adeegsaday awood, waxaana dhacda in dumar badan ka soo haajiraan gurigii ay kula nooleed lamaanaheeda dib ugu soo laabato ehelkeeda, caradaas ayaa keentay in ay gabdho badan u dhaga taagaan sababaha ku kalifay in dumar ka soo cararaan nimankii qabay, waxay noqotay sifadaan sifoooyinka ay aad uga fikiraan gabdhaha aan wali la guursan, inta badan iska hubiya nimanka dabcigaas qalaf san leh.

3. Nimanka naagaha badan (Playboy)

dabciga dumarka ayaa ah mid ka sameesan in nimanka ay xariirka la leeyiihiin uusan noqon mid xiriir la leh dumar kale, inta badan dumarka ma aaminaan raga naagaha badan xiriirka leh, sida ay cadeeyeen gabdho badan oo wareesi lala yeeshtay in ay xiiseeyaan nimanka aan naagaha badan aheen, dhanka kale waxay sheegaan in ninka markii uu dumar badan yahay uusan laheen wax balan qaad ah ama qalbi wax lagu shubto, waa mid u keenta dumarka niyad jab iyo walaac, taas oo keenta gabdho badan in ay ka dheeraadaan nimanka gabar kasta afka lagala (shukaansda).

4. Nimanka ad adag (Naxariis laawa yaasha)

way adagtahay ragga dabcigaan leh in ay la wareegaan ama hantiyaan lamaanaha kale qalbigiisa, ragga is xirxira ama mooda in dumarka aan loo jilcanaanin, dumarka xiligaan jira waxay ku daraan raggaas liiska madow aan marna soo galin dooqa ay xiiseeyaan dumarka, badanaa raggan ad adag waxaa ku dhaca in ay guurka ka daahaan maadaama ay adagtahay dooq lagu qaato, inta badan dumarka waxay aad u xiiseeyaan nimanka hadalka la wadaaga siiya fursad ay wax ku dhiiban karta, tusiya in ay tahay qof mas’uuliyad qaadi karta, noolo kasta ayaa ubaahan ixtiraam iyo qadarin.

5. Nimanka isla wayn (Yasida)

dumarka waxay u arkaan nimanka islwaynida ku jirta in ay yihiin niman qarabin aan laheen wax horo socod, inta badan waxay tibaaxan in ragga isla wayninka qaba waqtigooda kulimo yasid iyo islwayne iyo qof xaqiraad, mid kamid ah dumarka ayaa sheegtay in ninkeeda markii uu yaso dadkale qalbiga iska dhahdo adigane wuu ku yasaa, wax qabad kasta ay la timaado qofka dumarka ah waxay u qaadaneesaa in ninkeeda uu waxba kama jiraan ku tilmaami doono, halka ay dumarka aad uga xiiseeyaan ragga niyada u dhisa xitaa hadii wax qaldaan qaab caqli iyo xikmad ku saleesan ugu sheego.

shantaa qodob aan kor ku soo xusnay waa warbixin cilmiyeed laga soo qaado dumar badan kuwa la qaba iyo kuwa aan wali laguursan, hadaba hadii aad tahay nin qaba ciladahaas waxaa kula gudboon in aad la timaado isbadal saamixi kara wada noolaasho iyo xiriir qoto dheer macno waynxambaarsa.



Ninka Xaaskiisa Muxuu Ku Nacaa?

Naaagaha qaarkooda waxay ka sheegtaan nimankooda oo aan danaynin, taasi waxay u malaynayaan inay ka timid dhanka qurux la'aanta sida sanka oo weyn oo kale ama naaso yaryar ama caloosha oo weyn ama wejiga fin badan leh ama timaha adag, iyadoo sidaasi jirto iyagana waxay rabaan xiriirka gogosha inuu sii jiro laakin ma oga qaladaad ayay galayaan oo ninka u keenaya inuu galmada ka cararo qaladaadkaas waxaa ka mid ah

1- inaysan ku dadaalin haweeneydu nadaafada jirka hoose iyo koreba

2- inaysan is qurxinin oo timaha ku dadaalin oon isticmaalin waxyaalaha carfo sida barafuunka iwm.

3-dhar ninkeeda kiciya inaysan qaadanin, maxaayeelay nimanka dharka quruxda badan oo soo saaraya naagta jirkeeda aad bay u jecelyihiin

4- afkeeda inuu ka baxo ur,  ama farjigeeda gudihiisa si daran u soo uro, ama timaha hoose ka soo baxo dhididka dartii ur, waxaa la rabaa shuunka inay iska xiirto markaas ay nadiifiso meesha oo dhan, afkana mar kaste cadaysato

5- inay mar kaste ninkeeda dood iyo dalab la daba taagantahay


waxaan oo dhan waxay keenaan ninka inuu naagta gogosheeda ka fogaado oo naag kale raadiyo, marka waxaa loo baahanyahay inay naagta gadaal u eegto nolosheeda guriga, naagaha soomaali qaarkooda waxay yaqaanaan inay is qurxiyaan marka ay bannaanka aadayaan gurkigeeda mark ay la joogto ninkeeda waxay u soo xirataa diricii saaka ay kula jirtay kushiinka oo caaneerada ku dubaysay iyadoo aan soo qubaysan xitaa markaas ayay leedahay nimanka daacad 
ma aha !!! 

Maseyrka dumarka iyo jacaylka maxaa ka dhexeeya


Asc Dhaman inta wax ku qorta inta ku xirane aqrisa iyo maamulkaba salaan gaara Mr D/Wadaag suaasha ah dumarka maseyrka ma wuxuu ka yahay jaceyl ay u ahayaan ninka qaba mase waa xasidnimo iyo naf jecleysi aankala qaadno. Xaaskaada kowaad hadey kuu heyso ilmo ayna tahay mid dhanwalba kaa anfacday xaga gogasha nadaafad owlaadeeda daryeesha ayna leedahay sifooyinka naagaha wanaagsan aadna aheydeen dad isku qanacsan hadaad la guursato taasi maseyrkeedu waxaan kutilmaami karnaa (jaceyl ) hadii ayse noqoto xaaskada haweeney dhalmo deysay ama dhalyar ama aaban dhalin waligeed oo ay kaa maseyrto taasi waxan kumacneyn karnaa Xaasidnimo.GUUD AHAAN maseyrku waa wax ku abuuran insaanka weyse ku kala duwanyihiin dumarka waxa inaga mida qaar meel cidla ah ka hinaasa oo sabab unoqda in lala guursado iyo qaar wax cad markey arkan hinaasa iyo qaar aaban hinaasin bal ku kaalmeeya ragooda iney guursadaan.Maseyrku wuxuu ku dhaxalsiin karaa waali iyo isagoo kaa saara nolol wanaagsan kuna dhaxalsiiya dulinimo hadaad ahaan jirtay qof aamusan waxaad noqoneysaa qof hadal badan waxaa laga yabaa inaad sheydan saaxiibb la noqoto qofka haduu sheydan wehel u noqdana aduunkana qiimo kuma yeesho aaqirana xisaab Eebe ayaa sugeysa Hadaan Dumar nahay midbaan u dardaarmayaa Hadaan ku qanacno Qorshaha Eebe ogow Illaah nama dayici doono hadaanse ku qanci weyno qorshaha Eebe waxaa laga yaabaa Minweyn xurmaleh adoo ahaa inaad Noqoto Minyaro ku nool Walaac iyo is ilaalin waayo ninkan aad minyarada u noqotay hortaa ayaa lasoo maamulay.Midna Raga ayaan u dardaarmayaa dumarka illaah idiin baneeyay ku dhaqa cadaalad runtana u sheega midwalbana uu muuji inaad iyada dunida ugu jeceshahay Allana kaalmeysta.Mida iigu danbeysa oo aan ku soo afmeerayo qoraalkeyga waxey tahay.Ninka qaba hal ka badan ee hadana damca inuu badsado mid haka taxadaro xaaskaada danbe waxaa laga yaabaa iney ka duwanaato kuwaadi hore aan soo qaato qodobka ugu muhiimsan ee ah Raaxada guurkakuwi kuu horeeyay hadey ahaayeen kuwa ku anfaca aadna ka heli jirtay raaxo dhameystiran qofta danbana ay noqoto midaan garaneyn fadlan bar waxa ay raaxo tahay hadiise adiga ay kuu soo hormareen kuwa adiga kaligaa aad ka xaajo gudato kadibna aad tiraahdo markan kaa muraadsado ma jecli in jirkeyga lataabto oo aad hurdo la dhacdo taasi ma soconeysee ogaada sida aad u jeceshiin wax walba oo raaxo laga heli karo ayay u jecelyihiin iyagana Rag waxaa jira hadey islaantiisa baasheyso ka lalaboonaya arintaa ka wacyi galiya raga Raaxo taam noqoshadeeda waa iyadoon laqarin siwalboo aad jeceshahay iyo dareenkaada dhabta ahee illaah kuugu deeqay waa aragtideyda waadna mahadsantihiin. W.W.W



Xaaskaagu jacaylka ay u baahan tahay waa sidee !

Nimanka waxaa badi ku adag in ay gartaan waxay rabto xaaskoodu. Waxaa dhacda iyana sidoo kale in ayna iyadu usheegin waxay uga baahantahay isaga, markay wax usheeganaysana waxay usheegataa oo ay udirsataa kali ah hawl iyo adeeg, oo waxay yareysataa arimaha ku saabsan dareenkeeda, wada jirkooda iyo jaceylkooda.
Hadaba hadey garan weydo iyadu in ay dareenkeeda kuu sheegto, taas ooba laga yaabo in ay ugu wacantahay hawlaha badan ee ay ku jirto ama sugaya daraadood, ha iloobin baahideeda iyo in aad weydiiso ileen ninkeedii baad tahaye. Ogowna waxay ku daalayso waa gurigaaga iyo caruurtaadee.
Hadii aad adigu ilowdid taas oo ay iyaduna yareysato oo aad naftiina saa ku ilowdaan, waxaa imaanaya dhexdiina muran, xanaaq kadibna waxaa dhexdiina ka dhalan mashaakil iyo isfahan waa, gurigiinana waxaa ku yaraanaysa farxada iyo jeceylka..
Gabadhu mar walba waxay ka rabtaa ninkeeda in uu dareensiiyo xasilooni, jaceyl iyo ihtimaam badan. Amaanta iyo hadalka macaan ee uu ninkeedu ku dhahayo iyadana, waxay ku caawiyaan in ay u adkeysato ama ay ilowdo dhibaatooyinka ay nolosha kala kulmeyso.
Ogow baahida dumarku waa isku mid’e, ha ahaato mid yar oo ay da’deedu jirto18 ama mid wayn oo ay da’deedu jirto 45. Dadka badankoodu waxay moodaan, haday gabadhu kor udhaafto 45 sanno ’waynaato’ in ay baahideedu ku koobantahay cunto iyo labis, oo aysan wax kale uga baahnayn ninkeeda. Saas daraadeed ogow baahida xaaskaagu waa meesheedi ha weynaato ama ha yaraatee!
Waxay kaaga baahantahay:
  • Dareensii in ay saaxiibadaa tahay:
Dareensii in aysan jirin cid kale oo aad usheegatid sirtaada, mushkilaadkaaga iyo farxadaada.
Dareensii in aad ubaahantahay caawimaadeeda.
Usheeg mar walba dareenkaaga.
Tus ‘dhankaaga dabacsan’ sida in aad ku ag oydid haddii ay murugo ku haysato.
La qaybso farxadaada tusaale marka wax laguu bishaareeyo.
Ku seexo dhabteeda markaad walwalsantahay.
Usheeg waxaad maalintaada lasoo kulantay, hana umaleyn in uu bilaa micne yahay, ee xageeda wax muhiim ah ayuu ka yahay. Ogowna sida ay gogoshu (galmadu) muhiim kuugu tahay in ay iyadana muhiim ugu tahay wada hadalkiinu.
Waydiiso talada hadey arin kugu adkaato.
Usheeg in ay iyadu tahay saaxiibadaa oo aad iyada kaliya ku kalsoontahay.
  • Maqashii hadal macaan:
Macaaneey ma ii keeni kartaa!!
Qalbigaygii, caruurta aan seexino aan wada farisanee!!
Indhaheyga doogoodiiyey ku aaway!!!
Iftiinkii noloshayday kaalay aan wada hadalnee!!
Illaahay igama kaa qaado, la’aantaa maxaan sameyn lahaa.
Dhagaheedu ha bartaan in ay kaa maqlaan hadalada macmacaan iyo amaanta, kuwaas oo iyada dareensiinaya xasilooni iyo farxad qalbigeeda.
Sir ma kuu sheegaa ninyohow? Hadey xaaskaagu hadal macaan mar walba kaa maqasho, waxay ku dadaali in ay wax fiican kuu sameyso oo ay ku fakari in ay kuu qabato wax kaa farxiya.
  • Si naxariis leh u taabo:
Markey kula hadlayso ama aad adigu la hadlaysid xaaskaaga, gacmaha ama timaha u salaax.
Adoo udhoola cadeynaya eeg xaaskaaga markaad la hadlaysid, gacmaheeda qabso markaad usheekeyneysid.
Dhabtaada saar iyada markaad wada fadhidaan fadhiga. Dhunko mar walba oo ay wax kuu qabato.
Baro mar walba oo aad baxaysid ama aad soo galaysid guriga in aad dhunkatid xaaskaaga.
Hadaad is ag fadhidaan iska dhig mid wajigeeda wax ka tirtiraya ama usalaax madaxa.
Ogow! Waxyaalahaas oo dhan waa waxa jaceylka iyo xiisaha siyaadiya.
  • Ihtimaam sii iyada markay ehelka iyo dadku joogaan:
“ fiiriya xaaskayga cuntada ay karisay ee cajiibka ah”
“ xaaskaygu waxay tiri Illaahay kheyr ha siiyee….”
“ sidaas ayey sameysay…maxaan sameyn lahaa la’aanteed”
“ aad ayey ii caawisaa, kheyr Illaahay ha siiyee”
Tus ehelkaaga ama ehelkeeda sida aad ugu faraxsantahay xaaskaaga, markaas waxay dareemi xaaskaagu farxad, waxaanan kuu balan qaadi in ay aad kuu jeclaanayso.
  • Ra’yigeeda dhegeyso oo ixtiraam:
“xabiibti aniga ma ila fiicna arintaas oo saas ayaan yeeli, laakiin kaaga waa ra’yi jira oo waan ixtiraami inkasta oo aanan qaadanaynin”
“walaal way fiicantahay arinta aad sheegaysid, laakiin kuma qanacsani”
“cuyuuni waan fahmay waxaad sheegaysid, laakiin ma sameyn karo, sababtoo ah sida aad u aragtid uma arko inkastoon ixtiraamayo ra’yigaaga”
Waxaa dhici karta in aad isku khilaaftaan ra’yiga, laakiin waa in aad ixtiraamtaa ra’yigeeda, hadaad rabtid ha qaadan laakin tus in uu yahay ra’yi oo aad ixtiraamaysid.
Markay hadlayso dhageyso oo isku day in aad fahanto ra’yigeeda. La dood si dagan oo ka wada hadla, hadduu kula fiicnaado waad qaadan haduu kula xumaadana ixtiraan ra’yigaas.
  • Caawi xaaskaaga, hadii kale ilowsii daalka:
Anigu kuma oranayo jikada gal ama cunto kari ama dhulka masax ninyohow, laakiin waxaan kuu sheegi waxa aad ku caawin kartid xaaskaaga sidan: 
Caruurtaada casharka ka caawi, ka warhay waxay qabtaan ama qasaan oo tarbiyadooda ka caawi.
Soo iibi alaabta adeega guriga, hana bixin ilaa aad oogaatid wuxuu ubaahanyahay gurigu oo adeeg ah.
Adigu samee wixii rakibaad ah ee uu gurigu ubaahanyahay. Haday dhacdo in aad mashquul noqotid oo aad sidaa darteed ucaawin waydid xaaskaaga, waa muhiim in aad ilowsiisid daalka sida in aad duugtid, in aad hadiyad yar ukeentid, oo aad ku tiraahdid “ waad mahadsantahay sababtoo ah waad icaawisay, waan ku jeclahay oo Illaahay igama kaa qaado” kadib dhunko iwm.
  • Jeclaysii in ay kuu raacdo sariirta:
Iska ilaali in ay kaa dareento in aad rabtid jirkeeda kaliya. Tus in aad iyada rabtid oo aad iyada jeceshahay. Dareen xun ayey dareemaan dumarku marka ay nimankoodu sariirta ‘iskaga’ kexeystaan, oo ay jirkooda waxey doonaan ku sameeyaan, kahor iyagoon jaceyl iyo ihtimaam tusin.
Saas daraadeed intaanad sariirta la aadin, la samee faraka cayaar, la kaftan, si jaceyl ah utaabo, dhunko, hadal macaan ka dhargi dhagaheeda, la cayaar, sidaa samee qiyaasta nuse saac waxaad arki iyadoo kula jecel arinta aad rabtid.
Ugu dambeyntii:
Qolkiina hurdada ha keenina ama hakaga hadlina mowduuc dhib keenaya, iyadu hadey kugu furto ku dheh “ xabiibtii hadhow ayaan ka wada hadlaynaa hada daqiiqadahan aan is jeclaano oo aan nasano!”
Dumarku wax ma iloobaan, oo hadduu ninkoodu maalin dhaawaco ama si xun ula dhaqmo, raad ayey ku sameyneysaa naftooda, sidaa darteed ufiirso sida aad ula dhaqmaysid xaaskaaga.
Waana muhiim in aad jaceyl badan tustid oo aad hadal macaan maqashiisid xaaskaaga intaadan ugu yeerin sariirta.
Wabillahi towfiiq

Waa Maxay Jacayl?

Qorayaal fara badan ayaa isku dayay in ay wax ka tilmaamaan jacaylka, qaar kale waxay u kuur galeen sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayen micnaha uu leeyahay jacaylku, qaar kale waxay isku hawleen sidii ay faahfaahin buuxda uga bixin lahaayeen jacaylka, laakin annigu waxaa muuqata in aan la kali noqday baadhistayda cilmiyeed.

Kalmada LOVE waxaa loo soo gaabiyay sidan; L (lack of pleasure) O (ocean of sad) V (vellay of deeth) E (end the live). 
Kalmadahaas oo macnahoodu yahay, (farax la,aan), (badda murugada), (dooxada quruntay), (dhamaadka nolosha).

Hadaba kalmada LOVE oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl: J (jahwareer) A (amakaag) C (calaacal) A (anfariir) Y (yaab) L (luul).

Waa Maxay Jacayl? Runtii waa su,aal ku soo noq-noqota qofka bani aadamka ah.
Balse aan isku dayo inaan ka war bixiyo jawaabtaas, maadama aan anigu isku galay mawduucan adag.

Markaynu dib u raacno dhacdooyinka iyo sooyaalka waayaha, run ahaantii waxaynu odhan karnaa ummadaha adduunka ku dhaqan hadii aynu weydiino waa maxay jacaylku? Shaki kuma jiro afkay doonaanba ha ku hadleene, inay wax inooga sheegi karaane, Soomaali ahaan inagu maxaynu ku tilmaami karnaa jacaylka?!! Markase la soo hadal qaado markiiba maxaa maskaxdeena ku soo dhaca?!! Sidee ayaanu ruux kastaba u arkaa?!!! Maxaase lagu gartaa qof kuu asiibo?!!!. 

Hadaba intaynaan u bixin ka jawaab celinta su'aalahan, ninkii iska hadlayaaba ha iska hadlee jacaylku wuu jiraa, waxaanan ku sharxi karaa waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana JACAYLKI waa hanasho waa jamasho waa hilow, waana ruuxay naftu tebayso, hadh iyo habeena ay ku hamido. 

Run ahaantiina Jacaylka dhabta ahi ma gudho mana dhamaado, had iyo jeerna qofka wax jeceli afkaasi kama dhigo ruuxuu jecel yahay, mar arrintaasi lays weydiiyeyna waxaa laysla gartey hadal hayntaasi joogtada inuu uga dhawaanayo, wehelna uu ka dhiganayo, waxaa kaloo la xaqiijiyey inay riyaduna xad dhaaf tahay, waana iska suurowdaa inuu habeenkiina ku qarwo!!!!.

Philosoph ( waa cilmi saynis la xidhiidha aasaaska jiritaanka dunida iyo fahanka micnaha nolosha ) iyo Diinta Islaamkuba waxyaabo badan ayeey ka yidhaahdeen jacaylka, diin kastaba ha ahaate iyo af kastaba ha ahaadaane, jacaylka isku si looma qeexo badana.

Midka jaceylku saameeya wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeerba ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxaa u jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin. Wiilka & gabadhaas waxay go’aan ku gaaraan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jaceylkooda. Waxay ka tashadaan ayahooda dambe iyo mustaqbooda siduu noqon doona. 

Faa’iido iyo qaasaro wuu leeyahay jaceyl laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, taas oo micneeheeddu tahay xanuun cusub oo ku soo kordho oogadaa, jirkoo ku jajaba, niyad xumi, raashiinkoo ka go’did, iyo is daryeel la’aantaan jirkaada. Waa astaamaha jaceylka, markaad ruux jaceyl u qaadid, oo isna kuu ogeyn inaad dunida ku nooshayba.

Jaceylka noocaas ah, waa midka ugu khatarsan intaad naftaad halis gelisid amaba dhaawac isu geysatid, mana ogaantid goortaad ficilkaas sameysay, sababtoo ah, damiirkaada oo maqan. Dakhtar ku daaweyn karo maleh, illaa aad ka heshid kii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaaruu leeyahay jaceyl.

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa nooma baahna ee anagaa ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii Xaawo Iyo Aadan, Jacaylka kama maarano asagana nagama maarmo Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa Laylo iyo Qays Cilmi iyo Hodan Juuliya iyo Romeo Grendiano Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin .

Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah Dhidid Cuqdad fakar xad dhaaf ah Boholyaw Mashquul fara badan Qofka oo dhibsada hadalka U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd Tarsaas magaca qofkaad jeclayd Cunada oo kaa xiranta iyo cunaha oo wixii sii maraaba ay noqdaan candhuufta, Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iyagu ka waramaya qisooyinka jacaylka iwm. 

Waxaan filaya in aynaan soo koobi karayn macnaha buuxda ee uu leeyahay Jacaylku. Balse aan isku dayay in aan Laba kalmadood oo kaliyah ka idhaahdo jacaylka.


Dadka ku xeel dheer arrimaha bulshada ee wadanka United Kingdom waxay u qeexeen Jacaylka sidan;

Love is feeling cold in the back of vans / Love is a fanclub with only two fans 
Love is walking holding paintstained hands
Love is Fish and chips on winter nights / Love is blankets full of strange delights 
Love is when you don,t put out the lights 
Love is the presents in christmas shops / Llove is when you are feeling top of the pops
Love is what happens when the music stops
Love is white paints lying all forlorn / Love is a pink nightdress still slight warm
Love is when you have to leave at dawn
Love is you an love is me Love is a prison and love is free
Love´s what´s there when you ´re away for me


Si fiican uga fikir qofka aad doonayso in aad guursato


Yaad raadinaysaa?
Si fiican uga fikir qofka aad doonayso in aad guursato. Sidee ayuu ahaanayaa wiilka aad rabtaa, ma mid jaamici ah, mid jecel in uu guriga markasta joogo, mid tareenin sameeya oo jecel sportiga ama mid jecel in uu xafladeeyo?
 Maad ogtahay sida uu ahaanayo wiilka aad rabto in aad guurasto ayaa waxa ay kuu sahlaysaa in aad dareento in uu yahay  wiilkii saxda ahaa ee aad raadinaysay. Laakiin ogsoonow in ay haboon tahay in ay astaamahu ahaadaan sida dabeecadiisa,
 naxariistiisa iyo qalbigiisa! Ayna haboonayn ku raacida kwa sida shaqadiisa, dhaqaaaha uu leehaya, quruxdiisa iwm.
 Fadhiga ka kac
Habla badan ayaan dadaal badan samayn oo u maleeya marka ay waqti badan sugaan in uu u imanaayo wiilkii saxda ahaa.
Wiil kastaa adiga ayuu  ku rabaa Marka aad sidaa iska dhaadhicisid in  uu wiil kastaa adiga ku rabo ayaa lagaa dareemayaa isku kalsooni, taasina waxa ay noqonaysaa mid dhab ah oo wiil kastaa adiga ayuu ku xiisayn doonaa.


Nin aan dhaqaale badan lahayn baa dhab kuu dhaqda

Waxa laga yaabaa in aad ku riyaoonayso nin ku siiya wax kasta oo aad
jamato ama doonto. Hadaba iska ilow oo raadso ninka dhabta ah.
Hadii aynu nahay xaawaley ayaa waxa aan ku riyoonaa nin taajir ah oo
wax kasta oo aan rabno noo gada, na siiya hadyado qaali ah
oo qurux badan. Laakiin inta badan ma helaan ninkaas.
Waxaba fiicnayd in aanad nin taajir ah helin, sababtoo ah raga
aan dhaqalaha badan lahayn ayaa ka fiican ka lacagta badan leh.
Waxa shabakada Womens Health soo daabacday in uu yir profeser Adam
Galinsky oo wax ka dhiga Northwestern University ee Chicago. “Raga aan
haysan lacag badan ayaa ka dhigi kara haweenkooda kuwa farxad ku nool.
Sababtuna ay tahay in lacagta iyo darajacada ay
inta badan ka dhigaan raga kuwa aan daacad ahayn oo dhaqan fiicnayn.”
Gogol dhaafka
Waxa ay shabakada womens health daabacday in baadhitaanka
la sameeyay lagu ogaaday in raga lacagta yar haystaa ay ka
sariir dhaaf yar yhihiin kuwa lacagta badan haysta. Waliba
waxa ay daraasadu sii sharxaysaa in ay laba wajiile yihiin
raga ladan marka ay tahay daacadnimada jacaylka.
“Raga darajooyinka sar sare haystaa ayaa inta badan ah kuwo
gogol dhaafa laakiin cambaareeya kuwa la midka ah ee sariir dhaafka sameeya,
sababtuna ay tahay darajadooda darteed in ay
dareemayaan in ay qasab ku tahay cambaarayntu.”
ayuu yiri Adam Galinsky
Saaxiibada ayaa ka hela ninka aan ladnayn
 Raga dhaqaalaha yar leh ama dabaqada dhexe ayaa si ka fiican kuwa
taajiriinta ula kulma dadka, sidaana waxa laga soo wariyay maqaal
ka soo baxay Psychological Science. Marka la darsay qoraa
ayaa waxa la arkay in kuwa aan sidaa u lacag badnayn ay kaga fiican
yihiin la xiriirka dadka ayna aqoon kuwa lacagta leh oo isla
wayni iyo neerfos badan qaba.
Qoraaga buuga Born to be good,Dacher Keltner ayaa waxa uu ku
qeexay arinta qorayaasha aan ladnayn in ay dadaal badan sameeyaan
si ay u helaan dad badan oo ay yaqaanaan. Halka qorayaasha dhaqaalah
badan lehi ay ka aaminsan yihiin in ayna cidna u baahnayn.
Ninka dhaqaalaha yar waxa uu ka caawiyaa xaaska hiigsigeeda
Raga aan lacagta badan haysan ayaa waxa waxa loo arkaa kuwa aan ahayn
sexy – soo jiidasho lahayn. Jaamacada Beth Livingstone
ee Cornell ayaa ku doodaya in raga lacagta lehi ay yihiin rag adag oo
aaminsan in ay tahay masuuliyadooda in ay masruufaan qoysaskooda.
Laakiin kuwa aan dhaqnayn ayaa inta badan caawiya xaasaskooda marka ay
hiigsanayaan horumar.
“Lamaanayaasha is caawiya si ay u gaadhaan hiigsiga in ay heer sare ka
gaadhaan xirfada ay leeyihiin ayaa ah kuwa farxad ku nool” ayay
yiri qoraaga Joshua Coleman ee Marriage makeover.
Raaxo badan
Ninka aan lacag badan haysani waxa uu badinayaa dadaalka
sariirka si uu u qanciya xaaskiisa.
Waxa uu isku dayayaa in uu raali galiyo xaaskiisa si ayna uga tagin
ayay sheegtay qoraaga Bethany Marshall ee buuga Deal Breakers.
Kol hadii aanu haysan lacag badan oo uu ugu raaxeeyo waxa uu iskud
xooga saarayaa in noqdo mid ku fiican sariirta ayay waliba u sheegtay


Qolka jiifka waa hoyga jacaylka ee labada is qaba

Waxaa la yiri nin baa isaga oo ku jira abaabulka dhismaha gurigii uu ku aqalgeli lahaa waxa talo weydiistay saaxiibkiis isagu hore u guursaday:

- Saaxiibow waad ogtahay in aan guursan doono mar dhow, haddana aan ku jiro dhismihii iyo isku dubbaridkii gurigii aan ku aqal geli lahaa. Haddaba saaxiibow rag baa igula taliyay in aan jiifka ka dhigo hal qol aan aniga iyo xaaskeygu wadaagno, rag kalena waxay igu yiraahdeen (samee laba qol jiif, hal adigu seexo kan kalena xaaskaagu ha seexato). Haddaba adigu maadaama aad tahay saaxiibkay guur soo maray ila taliyoo xaggee baan seexdaa?.

- Anigu saaxiibow waxaban kugula talin lahaa inaad dal kale seexato.

Laakiinse arrintu ma'aha degdegtaasi. Qolka jiifka keliya iyo labada qol ee jiif mid waliba waxa uu leeyahay samaantiisa iyo xumaantiisa, waxaana aynu isku deyeeynaa in aannu inta ugu muhiimsan ka sheegno sifooyinka qolalkaasi, innaga oo u deynayna kan u sharraxan guurku inuu dookhiisa ku doorto kuu rabo labadaasi nooc ee qolalka jiifka.

Daraasaddeenna kaga hadli meyno dhinacyada dhaqaalaha, kirada guryaha, iwm., balse waxaan xoogga saaraynaa dhanka socodka nolosha qoys iyo raadadka nafsiyadeed. Waxaa jira waxyaabo badan oo inoosoo jiita hab jinsiyeed haddii aannu isdareensiinno ama maskaxda ku sawiranno innaga oon arag, aas-aaskaas ayaana lagu dhisay fanka casriga ah ee tolliinka dharka dumarka. Dawaarluhu isaga oo fankaasi adeegsanaya ayuu isku dayaa inuu qariyo ceebaha jirka, muujiyana qurux iyo taagnaan, gaar ahaan dharka hoose ee dumarka sida rajabeetada, kastuumada, sootaanada, iwm., kuwaasi oo kor u qaada taagana naaska raaracsamay, hagaajiyana wixii foolxumo ah oo ka muuqda qaabkiisa iyo dhumucdiisa intaba. Sidoo kale waxa ay qariyaan sinaha waaweyn iyo jirka caatada ah ee isaga oo qaawan aan xiisaha lahayn. Qolka jiifka keliga ah waxaa ninka iyo xaaskiisa labadaba ka qabsada xorriyad la'aan iyo inuusan midkoodna u dhaqmi karin siduu u dhaqmi lahaa hadduu keligii yahay, haddii kale waxa uu xabiibkiisa maalin kasta hor dhigayaa rajo beel hor leh, sidaasi oo uu maalin waliba ku waayo dhibic kamid ah soojiidshadiisii, muddo dabadeedna waxaa la gaarayaa heer uu aad u yaraado rabitaankii uu mid waliba u qabay kan kale. Haweeneyda maalintii isxaradhaa kolka ay habeenkii qolka jiifka timaado waxay wejiga ka rogtaa wixii ay ku dhoodhoobtay, halkaasina ninkeeda uga caddaataa xaqiiqada wejigeedu, subaxdii kolka uu hurdada ka soo kacana dhibsadaa aragtidiisa.

Inta badan waxaa jirta in muuqaalka wejiga oon waxba lagu xardhini uu ka qurux badan yahay kolka la xardho, ha yeeshee dumarka intooda badani taa kuma qancayaan, waxaana maaro looga la’yahay moodada cusub, taasi oo khasab kaga dhigeysa inay isticmaalaan alaabo ay sameeyeen warshado ka kala socda dalal kala duwan. Waxaa iyana jira rag uusan waxba u ahayn muuqaalka dhabta ah ee wejiga dumarku haddii aan la xardhin, waase laga tira badan yahay sida aan qabo ragga caynkaas ah.

Waxyaabo fara badan baa mararka qaar ka dhaca qolka jiifka, kuwaasi oo inaanay qurux badnayn iskaba daaye ah wax laga dido oo laga yaqyaqsado. Qolka jiifka keliga ahi sida caadiga ah waxa uu ka kooban yahay laba sariirood oo isku dheggan. Sariir isku dhejisku waxa weeye caado duug ah oo markii hore laga bartay dalka Ingriiska, ha yeeshee iminka dunida oo dhami taqaan. Haddaba, maadaama labada isqabaa intay isdhinac seexdaan hal go' wada huwanayaan, waxaan shaki ku jirin in neefta ka soo baxda habeenkii dad ruuxa ugu nadaafad badani aanay mar kasta noqon karin mid udgoon.

Waxaa jirtay haweeney u dulqaadaneysay ninkeeda muddo siddeed sanadood ah isaga oo habeen kasta caado ka dhigtay inuu sariirta isku dheggan ku dul kaadiyo, ha yeeshee ugu dambayntii intay u adkeysan weyday oo xarka goosatay bay ka dacwootay sidaasina looga furay.

Sidoo kale rag badan baa ka ash-asha dhiigga caadada, isna dareensiiya inuu yahay wax laga dido, inkasta oo haweeneydu iyadu ay u aragto wax caadi ah maadaama uu bil kasta ku soo noqnoqdo oo ay sidaasi ula qabsatay. Haweeneyda qabta dhiigga caado, si kasta ooy u daryeesho nadaafaddeeda, ninka dareenka fududi waxa uu ka dareemaa ur, isaga oo raba in xaaskiisu ay mar waliba ahaato mid caadi ah, haddiise ay caadi u noqon weydo oo uu billaaabo ka ash-ashid, waxay taasi ku dhalinaysaa rabitaan la'aan, gaar ahaan hadduu yahay nin dhallin yar. Waxaa ah wax la wada garanayo in haweeneydu waxyaabaha ay dhiigga caadada iskaga bi'iso ay ka qariso ninkeeda oo aanay u oggolaan inuu arko iyaga oo meel yaal, amaba meel ku qarsan, sidoo kalena gabal kasta oo maro ah oo uu dhiiggu gaaray.

Ragga iyo dumarka qaar baa ku kaca waxyaabaha dabeeciga ah sida kaadida, saxarada, dhuusada, iwm., ruuxa kale oo maqlaya, iyaga oon ka fekerin raadadka xun xun ee uu ku yeelan karo falkoodaasi nolosha qoyska. Waddanka Ingiriiska waxaad arkaysaa rag goob la wada buuxo si aan gambasho iyo xishood lahayn dhuuso ugu sii deynaya, waddanka Talyaanigana waxaaba laguugu mahad celinayaa ”Gradzio”. Su'aashuse waxa weeye ragga caynkaasi ahi dumarkoodana maku ag dhuusaan?, dumarka Ingiriiskuse ama ku wa Talyaaniguse miyaanay xil iska saarin arrintaasi sidii isaga oo kan dhuusay uu yahay dhallaankeeda yar ee dhabta ay ku hayso.

Qolka jiifka keliga ahi sidoo kale waxa uu dhibaato ku yahay ragga habeenkii ka yimaada shaqada iyaga oo daallan una baahan nasasho iyo hurdo, dabeetana ay ka toosiso oohinta ilmo la jiifa labadiisa waalid qolka amaba marmar isla sariirta. Kol haddii hooyanimadu ay khasab kaga dhigtay haweeneyda inay u dulqaadato qaylada habeenkii ee ilmaheeda yar iyo daryeelkiisa intaba, waxa habboon in ninka laga cafiyo culayskaasi iyo in aan laga qasin hurdadiisa, haddii kale subaxdii ayuu toosayaa isaga oon xalayto si wacan u hurdin, kuna billaabaa maalintiisa madax aan degganayn, lagamana gudbi karo dhibaatadaasi ilaa uu keligii qol kale seexdo.

Waxaa ninka looga baahan yahay inuu ku dhowro qolka jiifka keliga ah hab maamuus leh, oo haddii ay khasab ku noqoto inuu ku kaco waxyaabo dabeeci ah waa inuu intuu kari karo la fogaadaa, haddii kalese aanu ku dhaqaaqin xaaskiisa oo maqlaya. Haddii ay khasab noqoto in hal qol oo jiif la dego, xalka dhexdhexaadka ahi waxa weeye in la isticmaalo laba sariirood oo kala durugsan si ay labada dhinacba raaxadooda u qaataan, gaar ahaan kolka labadooda midkood jirran yahay.

Ilaa iyo hadda waxaannu ka hadlaynay dhibaatooyinka qolka jiifka keliga ah, ha yeeshee dhanka kale qolkaasi waxa uu leeyahay faa'iidooyin aan la dhayalsan karin, oo aannu kaga hadlayno sida soo socota: Kolka habeenkii shaqada laga fara xasho, gurigana laga sanqar dhigo, qolka jiifka keliga ahi waxa weeye goob labada isqabaa ay keligood ku nastaan halka ugu wanaagsan. Waa in gogosha qolka iyo nalalkiisuba ay yihiin kuwo soojiidasho leh, nasiib darrose guryaha intooda badan taas culays la iskama saaro. Dadku kolka ay gurigooda qalabaynayaan waxay caadeysteen inay ahmiyadda ugu weyn siiyaan qolka fadhiga, halka qolka jiifka ay ka dhigaan makhsin ay ku ururiyaan shandadaha, dharka iyo weliba qalab guriyeed kale oo fara badan, kaasi oo dhalan rogaya muuqaalka qolka.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in alaabada qolka jiifku ay tahay mid indhaha u roon, naftana ugu raaxaysa qaabkeeda iyo midabbadeeda intaba, taasi oo damaanad qaadaysa isku xirnaanta ninka iyo gurigiisa iyo inuu waqtigiisa kula qaato xaaskiisa gurigooda, intuu aadi lahaa baarar iyo naadiyaal fududeeya kala geyntooda.

Qolka jiifka keliga ah faa'iidooyinkiisa waxa kale oo kamid ah, isaga oo ah goob ay ku heshiiyaan labada isqabaa. Waxaynu ogsoon nahay in nolol qoys oo kasta aanay ka marnayn khilaafaad dhex mara labada isqaba, khilaafaadkaasi o marmar dheerada marmarna waqti yar gudihii soo afjarma, taasi oo ku xiran hadba dabeecadda labada qof. Dadka qaar si dhaqsa ah loolama heshiin karo iyaga oon soo dabcaynin, qaarkoodna lagamaba yaabo inay iyagu billaabaan inay qofka kale gacanta heshiis iyo iscafis ugu soo taagaan. Islaanta iyada waxa caado u ah inay koone guriga kamid ah isku laabto si ay madax adaygeeda ugu noolaato ilaa uu ciilku ka baaba'ayo taasi oo qaadan karta waqti dheer. Ragga iyo dumarka qaar baa waxa la fiican inay jilaan doorka kan dulman ee isagu heshiiska diida.

Haddaba kolka ay jiraan laba qol jiif waxa dhacaysa in mid kasta oo kamid ah labada isqabaa uu qolkiisa dib ugu gurto, dhowr maalmoodna halkaasi ku bacooloobo, isaga oo isku dhiibaya ciilka iyo cidlada. Waxa intaa dheer aragtida xun ee uu ka qaadanayo kan kale oo maalin kasta sii kordhaysa, taasi oo markaasi sii kordhinaysa karaahida iyo kala didka labadooda. Ha yeeshee qolka jiifka keliga ahi waxa uu labada dhinac khasab kaga dhigayaa inay dhexdiisa ku kulmaan halkaasi oo doodi ku dhex marto (Eedeyn, catabaad, caddeyn, cudur daar, iwm.), halkaasina dhibaatada lagu xalliyo la iskuna qalbi fayoobaado, isnaca iyo kala didkuna dhammaado, iyada oo weliba uu halkaasi ka dhoco kaftan shukaansi ah iyo galmo ku dhammaata inay wax waliba ku soo laabtaan sidoodiihore.

Ragga Oo Aan Iloobin Haweenka Tilmaamahaan Leh

Haweenka ayaa ku kala duwan soo jiidashada ragooda ,gabar waliba tab u gaar ah ayaa jirta oo aysan ragga ku iloowin .

Balse qodobadaan soo socda gabaryahey ogaaw ragga waa ka siman yihin hadaad leedahay tilmaamahaan ogaaw ninkaada kuma iloobayo.
Naagta Sabarka Badan: ninka ma iloobo naagta u sabarta , una u dulqaadata culeysyadiisa .
Naagta Caqliga Badan: naagta caqliga badan  waa midda  garaneysa sida ay ula tacaamuleyso ninkeeda .
Naagta Qurux Badan: Ragga ma iloobaan naagta quruxda badan  ee degan isla markaana jecel xasiloonida.
Naagta Cafiska Badan:Ninka si weyn ayuu u jecel yahay naagta cafisa marka uu qalad ka galo isla markaana saamaxda ninkeeda.
Naagta Naxariista Badan: naagtas waa midda ilaalisa dareemaha ninka isla markaana kool koolisa ninkeeda.
Gabaryahay ogaaw ninka waa cunug weynaaday daryeel badan ayuu u baahan yahay.

Lix qodob xaaskaaga kugu jeclaanayso haddii aad ku dhaqanto

1)xaaskaaga ugu yeedh magacba magaca uu ka wacan yahay ,maxaa xaasid kaa dhigay ma afka
   ayaa ku go'aya ilayn niyadda ayaad u qaboojin darmaantaada'e
2)marka aad ka timaado shaqada ama safarka xaaskaaga horay ugu soo qaad haddiyad hadday yartay xataa,sida ubax,baarafuun,cadar IWM

3)u kaxee xaaskaaga goobaha dalxiiska iyo tamashlaynta maalmahan ciida fasaxyada iyo aakhirka asbuuca.

4)ha noqon kaligii taliye ka dhigo xaaskaaga la taliye sare oo go'aanka kula qaata dareensii inay idinka dhaxayso ,amaan fikradeeda una mahad celi maarwalba

5)hakala bakhaylin xaaska dhoola cadayn,dhunkasho,mahadcelin,iyo inaad caawiso xilligi shaqada.

6)ogaal fiican u lahoow qaababka galmada iyo raaxida sida inaad xaaskaaga kula ordin tuubada ka dhig mid kiciya dareernkeeda ka hor intaan biya dhicin muddo badan ka hor,haka tagin iyada uuu aan xaraarad goyn,u ogoloow inay xaqeeda dhamaystirato , xaywaankuba wuu yaqaan qaabkaas.
intaa ayaan kusoo koobayaa maqaalkayga waad mahadsantihiin dalaacashada.

Fikrado Roomaantik ah, oo aad Xaaskaaga usamayn kartid.


Niman badani way rabaan inay roomaantik noqdaan, laakiin habkii ayaa ka maqan ama ma garanayaan sidee. Sidaa darteed waxaan ku siinayaa afkaar kaa dhigaysa nin roomaantik ah.
Ka waran:

* Hadaad ubax udhigtid iyadoo uu lasocdo hadal macaan oo aad uqortay, udhig meel ay ka arki karto sida sariirta ama miiska, si ay uaragto adoo ka maqan guriga.

* Haday kaa hor marto sariirta si ay useexato adna wali aadan seexan, daqiiqado sug kadib si tartiib leh soo gal qolka, oo bustaha ama go’a u huwi sifiican oo dhunko kadib iska bax si tartiib leh. 

* Marmar ggaariga hadaad koraysiin ka hor mar oo ufur albaabka ggaariga. 

* Markay seexato uqor masej (fariin) hadalo jacayl ah iyo xiiso ku jira, si ay marka ay soo kacdo u akhriso. 

* Hadaad ka soo hor kacdid marmar quraac fudud u diyaari waxa aad awoodid, oo sariirta ugu keen kuna kici hadal macaan. 

* Markaad qadaysid marmar dhunko gacanteeda oo ku mahdi cuntada adoo amaanaya cuntadeeda, oo la aruuri weelkaa adoo la aruurinaya weelka oo jikada gaynayana layara fara cayaar. 

* Marmar haday baxayso oo ay kabaha xaragooda xiranayso uyara foorarso oo isku day inaad kala caawisid xirashadeeda. 

* Marmar barnaamij idinkoo wada daawanaya, jikada aad adoo aamusan oo kaga yaabsii inaad ukeentay shaah iyo buskud, adoo dhoola cadeenaya oo faraxsan. 

* Iyadoo qolka hagaajinaysa kaga yaabsii inaad qolka kale hagaajisay iyadoo rabta inay hagaajiso. 

* Adoo banaanka ku maqan shaqo ama asxaabtaada la maqan, iska soo wac daqiiqado oo usheeg inaad usoo xiistay. 

* Hadii baabuurkiina qof sadexaad idin la saaran yahay, iyaduna ay gadaal fadhido, indhaha ku xad muraayada oo u iljabi marmar, ha yaabtee. 

* Marmar u duug jirkeeda, intaad saliid keentid. 

* Hadaad ka hor kacdid oo la idin ka rabo qubayska waajibka ah, inaad u diyaarisid tuwaalka markaad adiga dhamaysatid, oo aad huwisid ama ugalisid tuwaalka. 

* Inta ay uurka leedahay inaad uduugtid, ama kareem umarisid cageheeda.

* Banaanka idinkoo wada socda kaga yaabsii inaad dukaan iska gashid oo aad hadiyad uqaadid.

* Inta ay uurka leedahay caloosha usalaax oo aabe sugi kari la’a ilmihiisa noqo, marmarna ka dhunko caloosha, oo iska dhig mid raba inuu dhagaysto ilmaha.

Baro habka wanaagsan ee wada hadal ku hir gali karo
Culumada cilmi nafisga ayaa talo naga siinaysa sida wanaagsan ee wada hadal ku hirgali karo. 

Ma dhacdaa in dadka aad la sheekaysanaysaa hal mar wada aamusaan marka hadal erayo aan haboonayn kaa soo dhacaan? Dadku ma ku yiraahdaan waxba ma maqalysid ama ma dareentaa in aan lagu fahmim? 

Waxa aad u muhiim ah in aad dhegaysato waxa qofka aad wada hadlaysaan rabo in uu dhaho. Inta badan dadku waxa ay ku mashquulsan yihiin sida ay ugu jawaabi lahaayeen qofka ina la hadlaya. Sidaa darteed ayaynaan si fiican u maqlayn qofka inla hadlaya. 

Wada hadalka ama sheekada ka dhexaysa labba qof waa sidii baabuurta wadada maraysa oo kale. Hadii aad u wadid gaarigaaga sida aad rabo waxa aad toos ugu dhacaysaa gawaarida kale. 

Hadaba culumada ayaa fahamka uga dhigay aasaaska wada hadalka iyo sheekada. 

Waa in labada wada sheekaysanayaa uu mid waliba diyaar u yahay in uu fahmo ka kale wablibana ka hadlayaa u dareemo in la dhegaysanayo. Taas macnaheedu maaha in ka wax dhegaysanayaa ogoloaado waxa uu ka hadlayaa leeyahay. Waxa muhiim ah oo kaliya in ka dhegaysanayaa uu fahmo ujeedada kan hadlaya. 

Waxa jira dad badan oo ku fiican in ay hadlaan laakiin aan ku fiiicnayn in ay dhegaystaan qofka ay la hadlayaan. Mana haboona in lagu marmarsoodo sidan ayaan waligay ahaa laakiin waxa wanagaasan in uu qofku wax ka qabato caadada aan fiicnayn ee dhegaysi la’aanta ah. 

Dhow qodob oo muhiim ah in aad ogaato, ku dhaqanto marka aad qof la hadlayso ama lagula hadlayo. 

1- Deganaan 

Sida marka ay diyaaradi kacayso ama degayso ee sida taxadirka ah loo wado ayaa wada hadalkuna ama sheekadu u baahan yihiin in lagu bilaabo oo lagu dhameeyo degenaan. 

2. Foojignaan 

Dhegaysigaagu ha ahaado mid dhan. Afka oo aad xirto oo aanad hadlin ma aha dhegaysigu. Laakiin waa adiga oo qalbigaaga iyo niyadaado xaadir yihiin oo aanad wax kale ku fikirn marka qof kula hadlayo. 

3. Masaafada ilaali 

Dhegayso ama hel waxa aanu dhehayn qofka kula hadlayaa oo xisaabi waxa imaan kara.

4. Hadalka ha dhex galin 

Ha ka dhex galin hadalka ama sheekada qofka kula hadalaya, hana samayn jabaq, sanqadh ama hadalo la dhibsado. Marka aad qofka hadlaya ka dhexgasho hadalka ayaa waxa sii dheeraanaya hadalkii uu waday qokii kula hadlahay. Markaa aamusnaantu waxa ay kuu badbaadinaysaa waqti. 

5. Hadal macno leh 

Adiga oo iska hadla hadal aan macno lahayn ayaa ka daran adiga oo aan waxba dhgeysanayn. 

6. Aamusnaan 

Hadii aanad tartiib uga qayb qaadan sheekada waxa ku dhaafaya wax badan. Ha ka baqan in aamusnaan soo dhex gasho sheekada. Ka faa’iidayso aamusnaanta sababtoo ah waxa ku dhex jira fursado badan. 

7. U fiirso qofka kula hadlaya